Baarcadeeye.com
Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Tukoraq Iyo Dayaanka Madaafiicda Culus Oo Markale Shalay aroortii Laga Maqlayay Jiida Hore.
May 17, 2018 - Written by admin

“Khasaaraha Puntland Gaadhay Dagaalkii Doraad,Qaabka Ay Dagaalka U Soo Qaadeen,Halka Ay Doonayeen Inay Qabsadaan Iyo Sidii Ay Somalilad Iskaga Difaacday.
“Wararka Garowe Aan Ka Helnay Oo Noo Faah Faahiyay Sida Ay Isku Soo Qaabeeyeen Ciidamada Puntland,Khasaaraha Gaadhay Iyo Meesha Ay Doonayeen Inay Ka Wiiqaan Ciidanka Somaliland.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Warar aanu ka helnay illo-Wareedyo kala duwan oo ku saaban Dagaalkii cuslaa ee ay Wada galeen Ciidamadda Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaad taabacsan Maamul Goboleedka Puntland ayaa noo faah faahiyay qaabka uu dagaalkaasi ku bilawday,qaabka ay isku soo habeeyeen Maleeshiyaadkaasi,sida ay u doonayeen inay u waxyeeleeyaan Ciidanka Qaranka Somaliland iyo waliba khasaaraha Culus iyo Dhirbaaxada gaadhay.

Wararka dagaalkaasi ku saabsan ayaa daaha ka rogay inay Maleeshiyaadka Puntland markii hore isku soo qaabeeyeen qaab Beeleed,iyagoo ciidamada iskugu ururiyay nidaam Qabiil,waxa ay xagga sare ee Oogada ka xigta deegaanka Tukoraq ee loo yaqaan Higlada,ay u qorsheeyeen inay soo galaan ciidamo u badan Beesha Dhul bahante ee degta inta badan Gobolka Sool ee Somaliland islamarkaana ka mid ah Beelaha Saamiga Culus ka hela Xukuumadda Somaliland, Waxa ay ciidankaasi isku dayeen inay wax yeeleeyaan Laba guuto oo aagaasi deganaa oo Ciidamada Qaranka Somaliland ka tirsan,balse waxa ay kala kulmeen Khasaare laxaadleh,waxa ay mar kale tikniko khaas ah ku soo weerareen Ciidankaasi kuwaasi khasaaraha Dhimashada Ciidanka Somaliland ee illaa lixda tiro ahaanta gaadhay gaystay. Sida ay wararku nagu soo gaadheen waxa ay Ciidankaasi oo la soo qalday dambarsadeen dacar qadhaadh waxaana ilaa Shalay maydkooda laga gurayay Geedaha Hoostooda iyadoo dhaawacadoodii iyo maydkoodii la geeyay Garowe.
Dhinaca kale waxa sidoo kale dagaalkaasi ay ku jabeen Puntland ay u qaabeeyeen oo ay jiida Tukoraq ee laymayda soo galiyeen Maleeshiyo beeleed la sheegay inay ka tirsanaayeen Reerka la yidhaa Cismaan Maxamuud ee dega Deegaamo ka tirsan puntland kuwaasi oo aan wadan waxa Ciidan lugeed ah,balse ku soo weerar tagay Gadiid hub saaran yihiin. Waxa ay dhirbaaxo kulul kala kulmeen Ciidamaddii qaranka ee Aagaasi deganaa,waxaana firxadkoodii dib ugu noqdeen Magaalada Caasimada ah ee Garowe. Puntland ayaa doonaysa inay Doraad Qabsato Tukoraq iyo Kambadho oo ay gooyaan biriish mihiim ah oo isku xidha Deegaamada Galbeedka iyo Bariga Gobolka Sool ee Laascaanood,taasi oo ay haddii ay goyn lahaayeen dhib badan ku keeni lahayd Hawlgalada Somaliland ka wado Deegaaamadaasi.
Wararka la isla dhex marayo Puntland iyo caasimada Garowe ayaa sheegaya in Ciidan kale oo isaguna qaab beeleed loo soo habeeyay oo ka mid ahaa ciidamada dagaalka soo qaaday oo ka soo jeeda beesha Ciise Maxamuud ee Puntland ay iyagu dib ugu noqdeen Garoowe kadib markii uu dagaalku bilaabmay, arintaasi oo dacaayado iyo hadal hayn badan ka dhex abuurtay Deegaamada Puntland. Wararka Khasaaraha Puntland ka gaadhay ayaa lagu sheegay inay dhmashadu kor u sii dhaaftay illaa 62 askari sida aanu kasoo xiganay Garoowe,waxaana jiray Maydad badan oo shalay aroortii la geeyay dhulkii dagaaladu ka dhaceen Doraad,waxa sidoo kale dhawaaca lagu sheegay inuu sidoo kale gaadhayo 105 Askari. Waxa sidoo kale jira Gaadiid 16 ku dhaw oo laga gubay,qaar laga qabsaday iyo Maxaabisa labaatan kor dhaafaysa oo laga Qabtay,waxa sidoo kale laga qabsaday Saanad milatari oo aad u culus.
Inkasta oo aan Khasaarraha si fiican wali loo wada ogaan,waxa dhinaca Somaliland-na dhimashada askarta dagaalkaasi ku nafwayday lagu sheegay illaa 6-Askari oo ay saraakiili kujirto,halka dhaawacuna kor dhaafay illaa tobaneeye. Waxa sidoo kale Beebee laga qabsaday Ciidanka Somaliland iyadoo ay labada Ciidan kala joogaan halkii hore oo aanay qolana qolo ku durkin.
Dayaanka Madaafiicda waa weyn ayaa shala aroortii hore ka bilaabantay aaga Tukoraq waxaanay dad xog ogaal ahi oo sheegeen inay labada dhinaca masaafo durugsan iska soo tuur tuurayaan,lamana sheegin wax khasaareh oo shalay dhacay.

Foore

COMMENTS