Baarcadeeye.com
Mareeyihii Hore Ee Hay’adda Maalgashiga Caalamiga Ah Ee Jamhuuriyadda Somaliland Aqoon Yahan Cismaan Badmaax Oo Ka Hadlay Xuska 18-May Iyo Dagaalka Tukoraq.
May 17, 2018 - Written by admin

“Waxa Uu Ku Hambalyeeyay Guud Ahaan Shacabka Somaliland Xuska Sanad Guuradda 27-Aad Ee 18-May,Waxa Kale Oo Uu Hambalyo U Diray Guulaha Ay Gaadheen Ciidanka Difaaca Qaranku”.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Maareeyihii hore ee Hay’adda Maalgashiga Caalamiga ah ee Xukuumaddii hore ee Kulmiye Aqoonyahan Cismaan Maxamed Jaamac Badmaax ayaa shacabka Reer Somaliland ku hambalyeeyay Xuska sanad guuradda 27-Aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland dib ula soo noqotay Gooni Isutaageeda,Waxa uu sidoo kale ka hadlay Dagaalkii Deegaanka Tukoraq ee ay Maleeshiyada Puntland weerarka daan daansiga ah ku soo qaaday Cutubyo Ciidanka Qaranka Somaliland ka tirsan oo kulaalaya Caasimada maamulkaasi ee Garoowe,waxaana uu Ciidanka ku hambalyeeyay Dhirbaaxada kulul ee ay ugu jawaabeen Maleeshiyadaasi.

Aqoonyahan Cismaan Maxamed Jaamac Badmaax oo ka mid ah Aqoonyahanada reer Somaliland ee degan Wadanka Imaaraatka Carabta,Islamarkaana ka mid ah Mudanta iyo labeenta had iyo jeer heeganka ugu jira sidii ay Somaliland horumar waarta u gaadhi lahayd oo wargeyska Foore shalay la hadlay ayaa waxa uu ugu horayn hambalyo u diray Xuska 18-May,waxaana uu yidhi “Waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shacabka Reer Somaliland ee Gudo iyo Dibadba xuska Munaasibadda Sannad-Guurada 27-Aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshaa Madaxbanaanida JSL 18 May 2018 awgeed ee looga debbaal-degay dalka iyo wadamada debadda ee Qurbajoogga Somaliland ku dhaqan yahay dhammaan qaaradaha dunida,Waxaanan Alle ka baryayaa inuu Bash Bash iyo Barwaaqo inagu gaadhsiiyo maalin maalinteeda,sidoo kalena dadka reer Somaliland ka yeelo Dad is jecel oo cadawgooda dhinac uga soo wada jeesta,waxaan si gaar ah maalinta ugu hambalyaynayaa Madaxweynaha Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi maalintan Qiimaha badan ee Alle ku simay inuu xuska uga qayb qaato isagoo Madaxweynihii Somaliland ah,waxaan sidoo kale hambalyaynayaa Madaxweyne ku Xigeenka iyo Dhamaan Madaxda I”.
Waxa kale oo uu hambalyo u diray Ciidanka Qaranka“Waxaan sidoo kale halkan hambalyo iyo Bogaadin uga dirayaa Guud ahaan Ciidamada Qaranka Somaliland,gaar ahaan Ciidanka Difaaca Qaranka Somaliland ee ku sugan Jiida hore ee Gobolka Sool,gaar ahaan Deegaanka Tukoraq,waxaan ku hambalyaynayaa Guulaha Wax ku oolka ah ee ay ka gaadheen Maleeshiyada Hubaysan ee soo weerartay,waxaan Alle ka barayayaa inuu cidda gardarada Wadda ee Duulaanka badheedhka ah wada uu xaqa garansiiyo,waxaan Ciidanka Qarankanka Somaliland halka u marinayaa inaanu hiil iyo hooba la barbar taaganahay islamarkaana aanu diyaar u nahay inaanu gacan siino,waa waajib saaran inay dalkooda difaacaan,waxaanan Hubaa in Ciddii ku soo gardarootaa ay ka dhandhamin doonto dacar iyo inay la kulmi doonto jab iyo halaag,Somaliland waa dalka madax bannaanidiisa la soo noqday islamarkaana xuduudo sharci ah leh,cidnana aan uga habranayn inuu Xuduudaha Dalkiisa gaadho oo uu sugo”.
Ugu dambayn waxa uu fariin culus u diray Shacabka Reer Somaliland gudo iyo dibadba “Waxaan si gaar ah halkan ugala hadlayaa Shacabka Reer Somaliland waxaanan u sheegayaa inaynu maanta leenahay Cadaw badan oo ka xun Horumarka Somaliland ka tisqaaday, sidaa darteed waxaan u soo jeedinayaa inay iska war hayaan oo ay gacmaha isqabsadaan si ay uga gaashaantaan Cadawga hadh iyo habeen ku fikiriyaa inay hagar daamo u gaystaan Dalkeena”.

Xigasho Foore

COMMENTS