Baarcadeeye.com
M/ Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Isbarbardhig Ku Sameeyay Hogaamiyayaashii Xukunka Dalka Isaga Dambeeyay Iyo Mid Waliba Waxa Uu Ku Suntan Yahay + Muxuu Ka Sheegay Siilaanyo Iyo Muuse?
May 17, 2018 - Written by admin

“Laakiin Mid Ayaan Kuu Sheegayaa,Horta Muuse Biixi Waxa Uu Ahaa Askari,Ninku Waxa Uu Ahaa Ciidan,Waxaan Filayaa Marxaladan Maanta Taagan Waxaa ………”.Axmed Yuusuf Yaasin.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ee Xukuumaddii UDUB Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa si qoto dheer u falanqeeyay hogaamiyayaashii Xukunka Somaliland iskaga dambeeyay, iyo mid waliba waxa taariikhda u galay ee uu ku suntan yahay,waxa uu sidoo kale ka hadlay Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi iyo waxa ay bulshadu ka filan karto iyo sida uu uga dabaalan karo Caqabadaha culus ee horyaala.

Waraysi khaas ah oo uu Shalay siiyay Wargeyska Foore ayaa waxa uu amuurahani ku falanqeeyay islamarkaana uu mid mid u dul istaagay Madaxdii Xukunka isaga dambeeysay 27-kaasi sanadood ee ay Somaliland jirtay,waxa uu ka bilaabay Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland Cabdiraxman Tuur iyo wakhtigii uu Xukunka hayay iyo wixii uu dalka ka qabtay, ee uu ku suntan yahay,Madaxweyne Cigaal oo uu ku sifeeyay hogaamiyihii dhidibada u taagay Dawladnimada Somaliland,Dastuurka Iyo aasaasitaankii Axsaabta badan,waxa uu sidoo kale ka hadlay Xukuumaddii Daahir Riyaale oo uu Madaxweyne Ku xigeen ka soo noqday,waxaana uu tilmaamay inay iyagu raaceen oo qudha dhabihii uu ujeexay Alle ha unaxariistee Marxuum Cigaal.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa“Horta Somaliland mudooyinkii 1981-kii illaa 1991-kii dagaal ayay lagu jiray,wakhtigaasina Wakhti adag ayuu ahaa oo nafo badan ayaa baxay,ninkii maalintaasi joogay markii ay Madaafiicdu ku dhacaysay Burco iyo Hargeysa waa garan karaa,ee Qof walba ka huleelay waxba isaga oo aan qaadan,markaa wakhtigaasi raggii dagaalamayay maanta way ka qiimo badan yihiin nin kasta oo ka dambeeyayba,raggii xorriyadaasi u shahiidayna waan u ducaynaynaa”.
Waxa kale oo uu yidhi“Markii wadanka lasoo galay,Ciidamadii SNM ee dagaalamayay waxaa la siiyay laba sanno oo ay dalka ku maamulaan,oo Cabdiraxmaan ayaa Madaxweyne Noqday,taasina Doorkiisii waa uu qaatay,oo waxa uu soo gaadhsiiyay Cigaal,markaa Madaxweyne Cigaalna Dhidibada ayuu u aasay,oo waxa uu sameeyay Haykalkii Dawladnimo oo uu dhidibada u taagay,haddii ay tahay Lacag,haddii ay tahay Ciidan,waxa uu soo gaadhsiiyay in wadanka Dastuur loo sameeyo oo loo codeeyo,markii uu halkaasi keenay ee uu sameeyay Shuruucdii Axsaabta tirada badan waa kii meesha ka baxay ee Geeriyooday”.
Sidoo kale waxa uu yidhi isagoo hadalka sii wata“Anagu wakhtigaasi waxaanu sii amboqaadnay in wixii uu dhigay badankiisii aanu raacno,oo doorashooyinkii xorta ahaa ee xalaasha ahaa la qabto,oo afar Doorasho ayaanu qabanay, wakhtigii Riyaale,Taasi oo Alle sakhiray,Madaxweynaha Siilaanyo ayaa isna la wareegay,oo Xukunkii qabtay,markaa waxa weeyi,Xukuumaddahan Kulmiye ee Dambe ee xilka isaga dambeeyay ee Kulmiye iyaga waxa looga fadhiyaa maadaama oo wadankii Haylkalkiisii taagan yahay arinta ugu culus ee laga doonayaa waxa weeyaan inay ambaqaadaan sidii ay dalkan ku gaadhsiin lahaayeen Ictiraaf iyo inaan Beesha Caalamka ka helno Aqoonsi,waana ta laga sugaayay ee looga fadhiyo”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“horta Qiimaynta rasmiga ahi waxay soo baxaysaa marka la gaadho kala badh wakhtiga u qorshaysan ee uu xukunku kaga egyahay,oo laba sanno iyo badh ah,laakiin mid ayaan kuu sheegayaa,Horta Muuse Biixi waxa uu ahaa Askari ayuu ahaa,waxaan filayaa Marxaladan maanta taagan waxaan filayaa inuu nin askari ahi ka bixi karo ayaan filayaa,laakiin Qiimaynta rasmiga ah ee lagu qiimaynayo Muuse siyaasiyan,iyo itijaaha uu wadanka u wado,waa marka uu kala badh marayo uunbaa la qiimayn karaa,markaasi oo uu dawladiisa dib ugu noqon karo oo uu wixii ka qaldanna uu hagaajin karo,wixii saxana uu sii wadi karo”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay

Foore

COMMENTS