Baarcadeeye.com
Digniinta Duufaano Halis Baddan Oo ku soo Waajahan Deegaamo Ka Tirsan Somaliland Iyo Soomaaliya.
May 17, 2018 - Written by admin

Digniin dhinaca Saadaasha Roobka ayaa lagu shaaciyey inay qeybo ka mid ah dalalka Somaliland iyo Somalia ku soo wajahan yihiin Roobab Duufaan wata oo khasaare Nololeed iyo hantiba ka dhalan karaan.

Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee Relief-Web waxaa laga digay in Roobab wata Duufaan ku soo wajahan yihiin Xeebaha Bariga Somaliland iyo Maamul Goboleedka Soomaaliya iyo Gacan-biyoodka Cadmeed ee u dhexeeysa Soomaaliland iyo Yemen.
Roobabkaasi oo la filan karo 24-ka saacadood ee soo socota ayaa laga digay inay roobabkii ugu cuslaa ee ka da’a Bariga Soomaliland,Soomaaliya iyo Koonfurta Yemen.
Daadadka Roobabkaasi iyo Fatahaadda Webiyadda ku yaalla Mandiqadda waxay horseedi karaan inay dad iyo xoolo ku le’daan, isla markaana ay ku baaba’aan Saraca Beeraha, Dhismayaasha iyo Hantida Dadka.
Dhinaca kale, Digniintan Saadaasha Roobka Waxaa lagu sheegay inay khatar hoose ka dhalan karaan roobab la filayo inay dalka Jabuuti ka da’aan dabayaaqadda Toddobaadkan.

COMMENTS