Baarcadeeye.com
Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyadda Somaliland Oo Shaqaaqa Ceel Afweyne Ku Sabaabeeyay Inay Ka Abuurantay Waxa Uu Ugu Yeedhay Xanaftii Ka Dhalatay Doorashadii Madaxooyada.
May 14, 2018 - Written by admin

“Xanaftii Doorashadda Waxa Loo Baahan Yahay Inaynu Xalay-Dhalay Ka Noqono,Dagaalka Ceel-Afweyna Hadal Kaliya Ku Dawaysmi Maayee Aynu Hawshaas Si Weyn U Galno”.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland ee Xukuumaddii hore ee Kulmiye Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay Shaqaada ka soo cusboonaatay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ee Somaliland iyo dagaalka dhiiggu ku daatay ee halkaasi ku dhex maray beelaha Walaalaha ee Deegaankaasi wada dega ee ood wadaagta ah,waxaana uu ku sababeeyay mid ka abuurmay xanaftii ay ka tagtay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dalka ka qabsoontay.
Siyaasi Maxamuud xaashi ayaa arintaasi kaga hadlay Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebookga ee uu bulshada kala xidhiidho,waxaana uu si kooban diirada ugu saaray dagaalka dhawaan ka dhacay Deegaanka Ceel Afweyn ee dhex maray Beelaha Walaalaha,isagoo si toos ah ugu sababeeyay inuu dagaalkaasi curashadiisu salka ku hayso wax uu ugu yeedhay Xanaftii ay ka tagtay doorashadii madaxtooyadda ee sannadkii hore dalka ka qabsoontay,waxaana uu ku yidhi Qoraalkaasi sidan“Xanaftii Doorashadda Waxa Loo Baahan Yahay Inaynu Xalay-dhalay Ka Noqono Gacmahana Is Qabsanno,Dagaalka Ceel-Afweyna Hadal Kaliya Ku Dawaysmi Maayee Aynu Hawshaas Si Weyn U Galno”.
Waxa ka mid ahaa qoraalkiisa sidan“Waxa loo baahan yahay xanaftii doorashada inaynu ilawno oo xalay-dhalay ka noqono ,gacmahana is qabsano,colaadaas maanta barri ka aloosan waxaan aaminsanahay oo aan la qabaa waxgaradkii halkan ka yidhi hadal khaliya kuma filna ee waa in aynu dhamaanteenba u kacno oo hawshaas inaynu galno ayaa inala gudboon,dadkaasina waxaan marlabaad ugu celinayaa inay dagaalka joojiyaan,dagaalkaasi nabar xun ayuu inagu noqday dhibaatay ku tahay dalkaa dhismay ee walaalaha ah inaynu soo afjarno ayaa lagama maarmaan ah”.
Ugu dambayn waxa uu qoraalkiisa ku yidhi sidan“Xisbiyada mucaaridka ah iyo waxgaradka guud ee dalka waxa waajib ku ah inay madaxwaynaha kala kaaliyaan nabad gelyadda iyo horumarka guud ee dalka”.

Foore

COMMENTS