Baarcadeeye.com
Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Heegan Culus La Galiyay Iyo Maamulka Soomaaliya Oo Isku Dayaya Inuu Ka Faa’iidaysto Shaqaaqooyinka Dagaal Ee Ka Aloosan Deegaanka Ceel Afweyn.
May 14, 2018 - Written by admin

“Maleeshiyaad Maamulka Puntland Ka Tirsan Oo Labadii Cisho Ee U Dambeeyay Soo Tuur Tuuray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Ee Jiida Hore Iyo Gantaalo Loogu Jawaabay Oo Kala Firdhiyay.

Tukaraq(Baarcadeeye) – Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaha hore ee Tukaraq ayaa heegan Culus ku jira kadib markii ay labadii cisho ee u dambeeyay Maleeshiyaad maamul Puntland ka tirsani ay sameeyeen dhaq dhaqaaq dagaal,islamarkaana ay ku soo tuur tuureen hub fudud.

Wararka aanu ka helnay xalay Gobolka Sool gaar ahaan Jiidaha hore ee ay Ku sugan yihiin Ciidanka Qaranka Somaliland ee ay fadhiisimada ku leeyihiin ayaa daaha ka rogay in si buuxda ay Ciidanka Qaranka Somaliland heegan loo galiyay isla markaana ay iskugu diyaariyeen talaabo kasta oo dagaal oo kaga timaada dhinaca Maleeshiyaadka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo qaab gaaf wareeg ah kujira,waxaanay wararkaasi ay iftiimiyeen inay shalay illa doraad ay Maleeshiyaad ka amar qaadata maamulka Puntland ay dhawr aag ka soo tuur tuureen Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland ku leeyihiin jiida hore ee ee Deegaanka Tukaraq,kuwaasi oo jawaabtii ay ka bixiyeen ay kala firdhiyeen Maleeshiyaadkaasi.
Maamulka Puntland oo kaashanaya Dawlada itaalka daran ee Soomaaliya ayaa doonaya inay ka faa’iidaystaan shaqaaqa ka dhex aloosan beelaha Walaalaha ee wada dega Gobolka Sanaag gaar ahaan Deegaanka ceel afweyn oo uu dhawaan ka dhacay iska hor imaad ay dad badani ku nafwaayeen,waxaanay tan iyo maalintii ay shaqaaqadaasi soo cusboonaatay ay Jiidaha hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland degan yihiin ka wadaan Dhaqaaq u san saan eg nooc dagaal oo kale ah balse ay ka muuqato kalsooni daro iyo cabsi ay isbidayaan itaal daro inay iska caabin kari waayaan haddiiba ay Ciidanka Qaranka Somaliland si toos ah ama ay la galaan Dagaal Fool ka fool ah.
Unug ciidan ah oo hubaysan oo ka soo goostay Maleeshiyaadka Puntland ayaa dhawaan isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka Somaliland ee Jiida hore.

COMMENTS