Baarcadeeye.com
Ambassador Michael Keating Iyo Wargeyska FOORE Oo Kulan Gaar Ah Shalay Yeeshay Iyo Arrimaha Ay Ka Wada Hadleen
May 14, 2018 - Written by admin

Muxuu Ergay Micheal Keating Kala Hadlay Guddoomiyaha Wargeyska Foore?
Hargeysa(Baarcadeeye)- Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating ayaa shalay kulan gaar ah waxa uu la yeeshay Masuuliyiinta Wargeyska Madaxa Bannaan ee Foore.

Kadib Wakhti kooban, kulankii uu Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ambassador Keating kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Wargeyska Madaxa Bannaan ee Foore Md. Cabdirashiid Sh. Cabdiwahaab Sh. Ibraahim kaasi oo ay labada dhinac diiradda ku saareen is-xogwaraysi la xidhiidha dhinacyada Xorriyatul Qawlka iyo Daahfurnaanta wararka Wargaysku baahiyo iyo dhibaatooyinka uu arrimahaasi wargeysku kala kulmo.
Guddoomiyaha Wargyeska Madaxa Bannaan ee FOORE Md. Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab Sh. Ibraahim ayaa Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating warbixin faahfaahsan ka siiyay xaaladda uu ku sugan yahay Wargeyska Madaxa Bannaan ee FOORE iyo hawl-wadeennada Saxafiyiinta ah ee ka hawl galaa kuwaasi oo dhawr jeer la kulmay xaalado xadhig, caga-juglayn iyo handadaad ah, in muddo ahna ay hay’adaha qaranka ee ay khuseeyaan kaga furnaayeen dacwado kala duwan.
Guddoomiyaha Wargeyska Foore waxa uu Ambassador Michael Keating u sharraxay duruufaha ay ku shaqeeyaan iyo dhabar adayga ay xammilka ugu leeyihiin sidii ay u gudan lahaayeen mihnadooda saxafininimo iyaga oo ku taagan madax bannaanida uu u damaanad qaaday Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo xaq buuxa u siinaya saxafiyiinta reer Somaliland in ay dadkooda iyo adduunkaba gaadhsiiyaan warar hufan oo dheelli-tiran oo aqoon saxaafadeed hagayso taasi oo ay wakhtiyada qaar kala kulmaan xadhig, handadaad iyo xaalado la mid ah balse ay sii wadi doonaan dadaalkaasi.
Ugu dambayn Masuuliyiinta Wargeyska Foore iyo Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating waxa ay ka wada xaajoodeen sidii loo laban laabi lahaa dadaalka saxaafaddu ugu jirto ka qayb qaadashada ilaalinta nabad-galyada, xuquuqal-insaanka iyo taageerada inta jilicsan ee codkooda loo baahan yahay in la maqlo, waxaana kulankaasi fududeeyey Madaxa Hay’adda Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland (HRC).

Foore

COMMENTS