Baarcadeeye.com
Aamusnaanta Mulkiilaha Laganaaxay Ee Shaybaadhka Shidaalka Berbera Iyo Galgalashada Masuuliyiinta Shirkada Shidaalka Wasakhaysan Dalka Soo Galisay Ee Red Sea.
May 14, 2018 - Written by admin

“Sheekha Iska Leh Shirkada Shidaalka Soo Dejisa Ee Redsea Oo Xiiqay,Eeddana Iskaga Leexinaya Laabka Shidaalka Baadha Iyo Madax Qarsiga Mulkiilaha Laabka + Ganaaxa Culus Ee Xukuumaddu Dul Dhigtay.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Bulshada Somaliland ayaa si weyn wax iskaga waydiinaysa cidda isla leh Mulkiyadda Shaybaadhka Shidaalka Berbera kaasi oo ay Xukuumadda Somaliland dhawaan saartay ganaax lacageed oo aad culus kadib markii si badheedh ah loo soo dhaafiyay Shidaal Wasakhaysan oo ay dalka soo galisay Shirkadda Shidaalka soo dejisa ee RED SEA oo iyadana ay Xukuumaddu ku soo rogtay ganaax lacageed oo u dhigma ka la saaray Laabka Shidaalka Baadha.

Dhawaan ayay wasaaradda Ganacsiga Somaliland daaha ka rogtay cidda iska leh Masuuliyadda Shidaal wasakhaysan oo mudooyinkii u dambeeyay lagu iibinayay kaalmaha Shidaalka Dalka iyo Waliba magaca shirkada soo dejisay Shidaalkaasi,kaasi oo khasaare baahsan u gaysatay boqolaal gaadhi oo ay leeyihiin Muwaadiniinta Somaliland, khasaarahaasi oo ay wali la ildaran yihiin gaadiidlayda dalku,islamarkaana dhaawacyo culus u gaystay matoorada Gaaadiidka. Waxa ay Wasaaradda Ganacsigu Ganaax lacageed ee culus ku soo rogeen shirkadda Shidaalka soo dejisa ee RED SEA, islamarkaana ka mid ah Saamilayda shirkadaha ku bahoobay Haamaha Shidaalka Berbera,iyagoo ku ganaaxay lacag dhan 355000 Dollar (saddex boqol iyo shan iyo konton kun oo Dollars).
Waxa ay Wasaaradda Ganacsigu sidoo kale ganaax kaasi la mid ah ku soo rogtay Shirkada shaybaadhka Shidaalka haamaha Berbera,kaasi oo wararka isasoo tarayaa ay sheegayaan inuu mulkiyaddiisa leeyahay Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraatka Carabta Baashe Cawil balse ka aamusan oo aan wali ka hadal Ganaax lacagta ah ee ay ku soo rogtay Xukuumadda uu ka tirsan yahay. Waxa uu mulkiilaha Shirkadda Shidaalka RED SEA warbaahinta ka sheegay in masuuliyadda khasaarahaasi iyo soo daynta shidaalkaasi wasakhaysan inuu dalka soo galo uu masuuliyadiisa leeyahay Shaybaadhka Shidaalka Berbera,isagoo dhinac iskaga leexiyay eeda loo soo jeediyay iyo ganaaxa lacagta ah ee ay Xukuumaddu soo rogtay.
Wararka bulshada dhex wareegaya ayaa sheegaya in Shirkadda Shaybaadha shidaalka Berbera ay tahay shirkad qof khaas ahi leeyahay sida ganaaxa Xukuumadda ka muuqda islamarkaana uu leeyahay masuul si gaar ah uga manaafacaadsada,waxaanay wararka la isasoo tarayaa ay sheegayaan inuu shirkadaasi leeyahay Safiir Baashe Cawil islamarkaana aanu wali ka hadal oo uu ka aamusan yahay amuurtan hortaala iyo ganaaxan lagu soo rogay shirkadiisa,waxaanay warar hoose sheeyaan inuu arintaasi ka gabanayo oo uu ka cabsi qabo inuu kacdoon ku yimaado ama dayaacado kale oo ay ugu soo biiraan oo uu raadinayo qaabkii uu uga hadli lahaa iyo sidii oo uu qofka kale oo sheegta shirkadaasi uga hadashiin lahaa.

Xigasho Foore

COMMENTS