Baarcadeeye.com
Ururaddii Samofalka Ahaa Ee Soomaaliya Laga Lahaa Ee Xukuumaddu Dalka Ka Mamnuucday Oo Shalay Shir Ku Qabsaday Hargeysa,Cidda Soo Abaabushay Iyo Wasaaradda Qorshaynta Oo Ka Hadashay.
May 13, 2018 - Written by admin

“Ururo Aan Anigu Dabada Ka Wado Iyo Ururo Aan Ogahay Oo Aan Difaacayaan Majiraan,Shirkaasi Ambassador Lagu Qabtay Cidii Qabatay Ayaanu Wax Ka Waydiinaynaa”.W. Eng Xuseen

Hargeysa(Baarcadeeye) – Ururadii samafalka ahaa ee Dalka Soomaaliya laga lahaa ee ay Golaha Wasiiradda Somaliland fadhigoodii u dambeeyay kaga mamnuuceen inay Dalka Somaliland ka shaqeeyaan ayaa shalay si cindi ah shir ugu qabsaday Huteel Ambassador ee Koonfurta Magaalada Hargeysa,halkaasi oo ay si caadi ah ugu muujiyeen inaanay wax saamayn ah ku yeelan go’aankaasi Xukuumaddu ku soo rogtay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Wasaaraddaha Beeraha iyo Qorshaytu ku kala aragti duwan yihiin hanaanka shaqada looga joojinayo Ururadaasi,iyadoo warar kalena ay sheegayaan inay taageero ka helayaan Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo gacan saar la leh Ururadaasi.

Haddaba Markii uu Warkani soo gaadhay Xafiiska Wargeyska Foore waxa aanu la xidhiidhnay Wasaaradda Qorshayta Qaranka Somaliland,waxaannanu dhawr su’aalood oo arimahaasi ku saabsan ka waydiinay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Eng Xuseen Ibraahim Xasan. Waxa uu Eng Xuseen wargeyska Foore u sheegay inay ka wasaarad ahaan baadhitaan ku hayaan Ururaddaasi,waxa kale oo uu sheegay inay talaabo sharci ah ka qaadayaan cidda shirkaasi Ambassador shalay uga qabsoomay ururadaasi soo agaasimtay, balse waxa uu dafiray eedo suuqa ku jira oo sheegaya inuu isagu gacan saar la leeyahay Ururadaasi,waxaana uu sheegay sheegay inaanay warkaasi waxba ka jirin islamarkaana uu qayb ka ahaa qaraarkii Ururadaasi laga mamnuucay inay ka shaqeeyaan Gudaha Dalka Somaliland ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiiradda ee u dambeeyay.
Waxa Uu Wasiirku sidan ka sheegay Waraysi khaas ah oo uu Wargeyska Foore khadka telefanka Su’aalo ku waydiiyay,waxaana uu ugu horayn ku bilaabay sidan“Waxba Walaal Kama Ogi,Wasiir Qaran Oo Reer Somaliland ah ayaan ahay,shirkii Golaha Wasiiradda kasoo baxay ayaanu u hogaansanahay,oo qayb ayaanu ka ahayn Madaxweynaha ayaana hogaaminayay, Qarankuna sharci ayuu leeyahay,ururo aan anigu dabada ka wado iyo ururo aan ogahay oo aan difaacayaana majirto,Shirkaasi Ambassador lagu qabtay Cidii qabatay ayaanu wax ka waydiinaynaa,oo aanu kala xisaabtamaynaa,waxaana shaqaynaya Qaraarkii ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiiradda”.
Isagoo ka jawaabaya su’aal aanu ka waydiinay ismaandhaaf la sheegay inuu u dhexeeyo Wasaaraddaha Qorshaynta iyo Beeraha oo ku saabsan ururadani ayaa waxa uu yidhi “Wasaaradda Beeruhu wada shaqayntii ay lalahaayeen ayay iyadu ka hakisay,anagana waxay noosoo qortay warqad ay leedahay iisoo baadha Boodhkooda,iyo Cidda aasaastay,tii ayaanu baadhnay, si cilmiyaysan oo dawladnimo ah ayaanu anagu xogta isku waydaarsanay,markaa waa male awaal warka suuqa ku jira ee sheegaya inaan anigu NGO-yadaasi dabada ka wado, sidee ayaan anigu dabada uga wadaa miyaanan wasiir qaran ahayn oo aanan Xukuumadda ka tirsanayn”.
Wasiirka Xuseen oo aanu wax ka waydiinay warqad la sheegay inuu u qoray Wasiirka beeraha oo uu ugu hanjabay inay Wasaaradda beeruhu faraha kala baxdo arimaha Ururadaasi Samafalka ah ee Xamar laga leeyahay isagoo ku andacoonaya inay shaqadaasi shaqadii Wasaaradda Qorshaynta tahay ayaa waxa uu yidhi “Majirto arintaasi,Waxba kama jiraan Walaal Arintaasi”.ayuu hadalkiisa ku soo gaabiyay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Eng Xuseen oo waraysi khadka telefanka ah aanu kula yeelanay.
Wasiirka oo aanu wax ka waydiinay talaabada ay ka wasaarad ahaan ka qaadayaan Ururadaasi Samafalka ah ee Xamar laga leeyahay ee Xukuumaddu xayiraada saartay islamarkaana shalay shaqadooda iska sii watay ee shirka u qabsaday Huteel Ambassador ayaa waxa uu ku jawaabay sidan “Walaal Anagu baadhitaan ayaanu ku jirnaa Hay’addaha Muqdisho ka shaqeeya, Qaraarkii Shirkii Golaha Wasiirada ka soo baxayna waanu hirgalinaynaa,baadhitaan ayaanu kujirnaa,shaqadii ayaanu gacanta ku haynaa,shirkaasi iyo cidda Qabatayna waanu kawada hadlaynaa haddii Alle yidhaahdo”.
Waxa Shirkaasi soo abaabushay Hay’adda Cuntadda Iyo Beeraha ee FAO oo ka mid ah Hay’addaha UN-ka ah ee Dalka Somaliland ka hawlgala waxaanay Hay’addaasi ururadaasi siinaysay Mashruuc lacag lagu bixiyo oo loo yaqaan CASH For Work, oo dalka Somaliland laga fuliyo,waana mashaariicdii ay awalba Ururadaasi ka qabanayeen Dalka ee laga mamnuucay inay qaataan ama kasii shaqeeyaan Dalka.

Foore

COMMENTS