Baarcadeeye.com
Maalinta Ay Xukuumaddu Usoo Rartay Xuska 18-May Oo Lagu Kala Aragti Duwan Yahay Iyo Xaalada Oo U Muuqata In Markii U Horaysay Dalka Ay Ka Dhacaan Laba Xus Oo Laba Maalin Kala Qabsooma.
May 13, 2018 - Written by admin

“Xisbiga WADDANI Oo Ganafka Ku Dhuftay Qorshaha Xukuumaddu Ku Asdaysay In Xuskii 18-May Loo Soo Raro 15-May,Shaacana Ka Qaaday Inay Iyagu Maalinteeda Xuskaasi Qabanayaan.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si adag uga soo horjeestay in Xuska Maalinta Dib ulasoo noqoshada Xornimada Somaliland ee 18-May in maalin kale loo soo raro,Waxaana ay shaaca ka qaadeen inay Ka Xisbi ahaan iyagu ay maalinteedii dabaal degayaan,waxa ay sidoo kale khalad taariikhi ah ku sheegeen Qorshaha ay Xukuumaddu u dejisay Xuskan in la qabto 15-May,arintaasi oo ay ku tilmaameen ayaan daro wayn oo meel kadhac ku ah waxa ay ugu yeedheen maalintan qiimaha badan ee 18-May oo ah maalin astaan gaar ah u leh Guud ahaan Shacabka Somaliland. Waxa ay sidaasi ku wargaliyeen taageerayaashooda.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI khaddar Xuseen Cabdi ayaa Shalay sidaasi Warbaahinta ka sheegay,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Anagu ka Xisbi ahaan sanadkan waxaanu doonaynaa wixii la samayn jiray wax ka duwan inaanu samayno,oo taageerayaashayadana aanu la socodsiino,qaabkii loo qaban jiray Xafladaha 18-ka May mid ka yara duwan,inaanu qabano oo aanu samayno,Waxa ay Xukuumaddu ay badeshay maalintii 18-May,oo aanu xaqiiqatan aanu u aragno inay ayaandaro wayn tahay,waayo 18-may Waa 18-ka Bisha May,Maalintu isma badesho,Maalintay Xornimada Somaliland ay dib ula soo noqotay waa 18-May, Maraa 15-Kii Bisha May ma noqon karto,sidaa dared anagu waxaanu xuska qabanaynaa 18-MAY, Xisbi ahaan iyo taageerayaashayada sidaasi ayaanu la socodsiinaynaa Qurbaha iyo Gudahaba,in 18-May Xisbigu Xusi Doono”
Waxa kale oo uu yidhi“Waa Bil Ramadan,Waa Bil Khayr waa run,waa bil aan u baahanahay inaan Cibaadada Kordhino, laakiin waxa Ramadaanta Xaaraanta inaga ahi Bilaha kalena waa inaga xaaraan, dad Muslimiin ah ayaynu nahay, Nolosheena waxaa Haga Qiyamka iyo Akhlaaqiyaadka Islaamiga ah,arintaasina Xukuumadda Masuul ayaa ka saaran maalin kasta iyo Daqiiqad kasta inay ilaaliso,oo ay ka warhayso,Markaa anagu uma aragno 18-may in Macaasi la sameeyo,Waananu ka soo horjeednaa, 18-May waa inay noqoto maalin Dadku farxo,oo uu ku farxo guushaa maalintaasi la gaadhay 27-sanno ka hor,sidoo kalena dadku isla xisaabtamo,oo uu yidhaahdo 27-kaasi sannadood maxaynu qabsanay,markaas waa nasiibdaro in Xukuumaddu u fahamtay in maalmaha kale fusuqu la samayn karo oo tidhi bisha Ramadaan ayaanu kala soo cararaynaa”
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Anagu arintaasi Ka Xisbi ahaan Khalad weyn ayaanu u aragnaa,Maalinta 18-May ayaananu xusi doonaa,waxaanu qaban doonaa inaanu dib u milicsano 17-kii sanno ee u dambeeyay siyaasadeenii arimaha Dibadu jiho noocee ah ayay qaadatay,halkee ayaynu maraynaa marka laga hadlayo Siyaasadii arimaha dibada,Markaa munaasibad weyn ayaanu qaban doonaa oo caasimada Hargeysa iyo Goboladaba lagu qaban doono wixii ka suurtagal ah,laakiin Mucdeeda lagu qaban doonno Magaalada Hargeysa, aqoonyahanka dalka ayaanu ku macsuumi doonaa, Mawduucyaa laga samayn doonaa siyaasadeena arimaha dibadu halka ay marayso iyo talo ahaan sida aanu u aragno”.

Foore

COMMENTS