Baarcadeeye.com
Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland Oo Baadhis Culus Ku Haya Xafiiska Liismada Wadista Gaadiidka Ee Lafta Ah Ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Keydka Haamaha Shidaalka Berbera.
May 13, 2018 - Written by admin

“Liisamada Lafta Ah Oo Ka Mid Ah Mashaariicda Ay Xukuumaddii Hore Naasnuujinta Ku Siisay Dad Gaar Ah Ayaa Bilihii U Dambeeyay Kala Go’an, Waxaana Hadda Kujira Hanti Dhawrka.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Hanti dhawrka qaranka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay baadhis xoogan ku haya Xafiiska liisamadda Wadista Gaadiidka ee Lafta ah ee Wasaaradda Gaadiidka Somaliland iyo Keydka haamaha Shidaalka Berbera,kuwaasi oo ay Xukuumaddii hore ee Siilaanyo dad gaar ah mashruuc ahaan ugu xidhay,waxaana si weyn dhegta loogu taagayaa natiijada rasmiga ah ee ay kasoo saari doonaan Hanti Dhawrku Baadhistoodaasi.

Xafiiska Bixinta Liisamada Lafta ah oo ay gacanta kuyahaan ganacsato ay Xukuumaddii hore ee Kulmiye ku naasnuujisay ayaa maalmihii u dambeeyay waxa baadhis ku galalafay Hanti dhawrka Qaranka,waxaanay wararku sheegayaan inay baadhistaasi salka ku hayso hawlo musuq maasuq oo xafiiskaasi ka taagan iyo Xukuumadda Cusub ee Muuse Biixi oo doonaysa inay wax ka ogaato hanaanka uu Xafiiskaasi u shaqeeyo. Warar kale ayaa sheegaya in gabi ahaanba liisamadii lafta ahaa ay xafiiskaasi ka go’naayeen bilihii u dambeeyay islamarkaana ay ganacsatadii mashruucaasi loo xidhay khilaaf ka dhex aloosan yahay oo ay tahli waayeen inay liisamadaasi keenaan,iyadoo ay xafiiskaasi dul gaafwareegayaan dadka Reer Somaliland ee doonaya inay qaataan liisamo cusub.
Dhinaca kale Waxa ay hanti dhawrka Qaranka Somaliland baadhis ku hayaan Haamaha Keydka Shidaalka Berbera oo ay iyagana gacanta ku hayaan ganacsato gaar ah oo ay Xukuumaddii hore mashruuc ku siisay kuwaasi oo bishii hore lagu shubay shidaal wasakhaysan oo khasaare culus gaadhsiiyay guud ahaan gaadiidka dalka,waxaana sida la sheegay ay Xukuumaddu ku wadaa baadhis kadib markii la soo wariyay inay xiitaa saamilayda Shirkadahaasi Xukuumadda hore u xidhay ganacsato aan si fiican loo wada aqoon ay kujiraan ganacsato kasoo jeeda dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya,gaar ahaan waxa si cad loo shaaciyay inuu saami ku leeyahay Haamaha shidaalka Keydka Berbera Raysal Wasaaraha Dalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Xukuumadda Muuse Biixi ayaa sida la sheegay doonaysa inay dib ula soo noqoto maamulista Haamaha Keydka Shidaalka Berbera oo ka wareejiso Ganacsatada saamilayda ah ee hadda gacanta ku haysa.
Waxa si weyn loogu dhegtaagayaa Natiijada ka soo bixi doonta Baadhista ay Hanti dhawrka Qaranku ku hayaan Labadaasi goobood ee ay gacanta ku hayaan islamarkaana ay Xukuumaddii hore ee KULMIYE ku naasnuujisay Ashkhaasta gaar ka ah iyo inay Xukuumaddani ku soo celiso gacanteeda oo ay meesha ka saarto inay cid gaar ahi ka tujaarto adeeggii Xukuumiga ahaa ee ay Dawladu u qabanaysay Shacabka. Buugtii gaadiidka ayaa iyagana laga dhigay laf waxaanay Xukuumaddii hore maalmihii u dambeeyay xukunkeeda ku wareejisay dad gaar ah arintaasina waa qorshe kale oo u taala Xukuumadda Muuse Biixi inay gacanta dawlada ku soo celiso.

Foore

COMMENTS