Baarcadeeye.com
Ururradii Reer Xamarka Ahaa Ee Dhawaan Dalka Laga Mamnuucay Oo Wali Hawshooda Wata, Cidda U Fududaysay Iyo Fadeexado La Xidhiidha Musuqa Mashaariicda Beeraha
May 6, 2018 - Written by admin

Hargeysa(Baarcadeeye)- Ururradii laga lahaa waddanka Soomaaliya, muddodana hab sharci darro ah gudaha Somaliland uga hawl-galayay ee uu dhawaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed uu dalka ka Mamnuucay ayaa la sheegay in ay badankoodii wali sidoodii hawlaha uga wataan oo aanay sistamka ka bixin iyaga oo taageero ka helay jihooyin kala duwan oo xagal daaciyey dadaalladii Wasaaradda Beeruhu ku doonaysay in ay Ururradaasi dalka kaga mamnuucdo si ay ururrada Waddaniga ah ee beeraha iyo xoolaha ka shaqeeyaa ay fursad wanaagsan uga helaan mashaariicda iyo hawlaha dalka ka socda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyey in Ururradii dalkaasi Soomaaliya laga lahaa ee uu dhawaan Wasiirka Beeruhu dalka ka mamnuucay ay sidoodii uga hawl galaan Gudaha Somaliland iyada oo la sheegay in jihooyin kala duwan oo ay ka mid tahay Wasaaradda Qorshaynta Qaranku ay u fududaysay in ay ururradaasi sidoodii uga shaqeystaan gudaha Somaliland taasina waji gabax weyn ku tahay qaranka iyo guud ahaan Ururradii Maxaliga ahaa ee reer Somaliland ee ay muddoba cuno-qabateeyeen ururradan oo intooda badan hab musuq maasuqa ah mashaariicda beeraha iyo xoolaha uga qaata Hay’adda FAO gaar ahaan iyo guud ahaan hay’ado kaleba, mashaariicdana ka soo qaata dhinaca Magaalada Nairobi taasina ay keentay in ay muddo badan ka qayliyaan ururrada hawlahan oo kale dalka ka qaban lahaa ee waddaniga ah kuwaasi oo aan jaanis loo siin firsadahaasi dalkooda ka bannaanaaday balse lagu naas nuujiyo ururradaasi Soomaaliya laga leeyahay.
Dhinaca kale wararka la xidhiidha arrimahan ee aanu helaynaa waxa ay sheegayaan in Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ay Sabtida soo socota Caasimadda Hargeysa ku qabanayso shir ay ka soo qayb gali doonaan Ururradan iyo kuwo kale oo dalkaasi Soomaaliya ka socdaa kuwaasi oo qaarkood mashaariicda hay’addani bixiso lagu siiyo sifo aan sax ahayn imikana wali doonaya in ay dalka ka sii fuliyaan mashaariicdan ay Musuqa ku helaan.
Magacyada Ururradii Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed uu dalka ka mamnuucay dhawaan waxa ay kala ahaayeen ADA, APD, HOD, Juba Foundation, RAADO, SOLO, SORRIO, SRDA, iyo ARD.

Qaabkee Ururradani U Shaqeeyaan Halkeese Mashaariicda Ka Helaan?
Ururro badan oo kuwan ka mid ahi waxa ay dalka ku leeyihiin wakiilo reer Somaliland ah oo shaqaale ah waxaanay mashaariicda ka soo qaataan dalka Kenya iyo meelo ka sii shisheeyaba iyaga oo si gaar ah ugu xidhan Masuuliyiinta FAO ee Soomaaliya. Sida xogahani tibaaxayaan mashaariicda waxa ay ku helaan qaab hoose oo musuq maasuq ah iyaga oo lugo ku leh madaxda hay’adahan ay mashaariicda ka qaataan kadibna waxa ay mashaariicda la soo siiyo wax yar oo ka mid ah ka qabtaan dalka iyaga oo adeegsanaya wakiillada muwaadiniinta ah ee dalka u jooga halka lacagaha mashaariicdan inta ugu badan ay akoonadooda ku shubtaan. Tani waxa ay meesha ka saartay gabi ahaanba hay’adihii waddaniga ahaa ee Fulin lahaa (Local Implementation Organizations) mashaariicda hay’adahaasi bixiyaan maadaama aanay wax mashaariic ahi soo gaadhin ama aan qandaraasyo lagu bixin oo ay gacmo kale meel dhexe ka qabsadaan. Waana sababta keentay in mashaariic badan oo Beeraha iyo Cuntada lagu bixiyo oo magaca Somaliland lagu soo bixiyay aanay dalka iyo dadka toona ka muuqan wax manaafacaad ahna u keenin maadaama la musuqo oo NGO-yadani afka u dhigtaan.
“Waligeed lama arag Mashaariic ay qandaraasyo caddaan ah ku naadinayso Hay’adda FAO xafiiskeeda Hargeysi. Waxa yar ee dalka laga qabto waxa afka u dhigta ururradaasi reer Xamarka ah oo ku xidhan masuuliyiin sare oo hay’addan ah. Waa nasiib darrada haysata ururradii hawshan fulin lahaa. Hannaanka mashaariicdani waa kuwa ugu musuqa badan ee aan ku arkay hay’adaha dalka ka shaqeeya. Waxa nasiib darro ah in ururradii dhawaan dalka laga mamnuucay ay sii xoogaysteen oo ay taageero ka heleen qaybo kale oo dawladda ah oo ku shaqo leh hawshan. Waa dhibaato weyn iyo wada shaqayn la’aan iyo musuqa oo meel walba galay” sidan waxa ku calaacalay muwaadin ka hawl gala ururrada Cuntada iyo Beeraha ka shaqeeya oo Wargeyska Foore arrinkan wax ka waydiiyey.
Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne Muuse Biixi waxa looga fadhiyaa in ay arrimahan noocan oo kale ah caddayso waxna ka qabato maadaama ay wakhtigii ololaha kaambaynka ku gali jirtay in ay Musuqa noocyadiisa kala duwan oo dhan xididada u siibi doonto waxaana looga baahan yahay in ay baadhitaan qoro dheer ku samayso cid kasta oo xagal daacisay dadaalkii Wasaaradda Beeraha si tallaabo looga qaado.
Dhinaca kale mar aannu isku daynay in aannu arrinkan wax ka waydiino Hay’adda FAO iyo masuuliyiinta kale ee ay hawshani khusayso nooma ay suurto galin.
Waxaanan qormooyin kale ku eegi doonaa fadeexaddan oo Wargeyska Foore baadhitano culus oo kale ku hayo iyada oo aannu tix-gelin siin doono cid kasta oo daraasad ama xog baadhis ka samaysay arrimahan.

COMMENTS