Baarcadeeye.com
Fadeexad Dul Hoganaysa Wasaaradda Maaliyadda Oo Qaybisay Miisaanad Aan Ahayn Tii Baarlamanku Ansixiyey Iyo Buuq Ka Taagan Wasaarado Lacagtii Ay Filayeen Ka Dhex Waayay
May 6, 2018 - Written by admin

Hargeysa(Baarcadeeye)- Maalmihii Ugu Dambeeyey Waxa Hadal Weyn Iyo Guux Xooggani Ka Dhex Taagan Yahay Xarumaha Dawladda Somaliland Kadib Markii Ay Ifka U Soo Baxday Miisaaniyad Aan Ahayn Miisaaniyad Sanadeedkii 2018 Ee Ay Dhawaan Golaha Wakiiladu Anisixiyeen Madaxweynuhuna Dhaqan Galiyey Taasi Oo La Sheegay In Wasaaradda Maaliyaddu Soo Saartay Miisaaniyad Meelo Badan Kaga Duwan Tan Asalka Ah.

Wargeyska Foore Oo Tan Iyo Markii Ay Hadal Hayntani Soo Baxday Baadi Goob Ugu Jiray Sidii Uu Wax Uga Ogaan Lahaa Xaaladdan Fadeexadda Ah Ayaa Waxa Noo Caddaatay Miisaaniyad Sanadeed Aad Uga Gaddisan Miisaaniyaddii 2018-Ka Ee Ay Ansixiyeen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Muuse Biixi Iyo Golaha Wakiiladduba Taasi Oo Wasaaradda Maaliyaddu Toddobaadkii Dhawaa Soo Daabacday Loona Qaybiyay Hay’addaha Dawladda.
Isla Markii Miisaaniyaddan Macmalka Ah Loo Gudbiyey Xisaabaadka Iyo Hanti-Dhawrka Qaranka Ayaa Waxa Dhacday In Xafiiska Hanti-Dhawrka Qaranka Somaliland Uu Dib Ugu Celiyey Wasaaradda Maaliyadda Nuquladii Miisaaniyadda Ahaa Ee Maaliyaddu U Soo Gudbisay Kadib Markii Ay Ogaadeen In Khaladaad Badani Ku Jiraan Oo Ay Gabi Ahaanba Ka Duwan Tahay Tii Ay Ansixiyeen Golayaasha Xukuumadda Iyo Wakiiladu Halka Wasaarado Dhawr Ahi Ay Aad Uga Qayliyeen Markii Ay Ogaadeen In Miisaaniyaddan Ay Wasaaradda Maaliyaddu Soo Saartay Aanay Ahayn Tii Ay Hore U Filayeen Oo Lacagaha Ugu Jiraa Aad Uga Yar Yihiin Tan Hore Ee Asalka Ah.
Ilo-Wareedyo Arrintan U Dhuun Daloola Ayaa Wargeyska Foore U Xaqiijiyey In Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu Isla Markiiba Ay Dib U Soo Urursadeen Nuqulladii Miisaaniyadda Ahaa Ee Ay Soo Saareen Iyaga Oo Dib Ugu Celiyey Xafiisyadooda Sheegayna Ay Dib U Soo Saxayaan Oo Ay Wiiggan Soo Saari Doonaan Tii Saxda Ahayd.
Wargeyska Foore Oo Helay Dhukumantiyada Miisaaniyadda Saxda Ah Ee Hore Wakiiladu U Ansixiyeen Iyo Tan Kale Ee La Sheegay In Wax Laga Baddalay Ayaa Waxa Ka Muuqata Kala Duwanaansho Qaarkood Muujinayaan Sub-Heads-Ka Hay’adaha Dawladda Oo Dakhliga Ugu Qorani Kala Badan Yahay. Waxaana Hay’adahaasi Dawladda Ee Dakhliga Miisaaniyadda Ugu Jiraa Ka Duwan Yahay Tan Cusub Ayaa Waxa Ka Mid Ah:
Wasaaradda Horumarinta Waxbarashada Iyo Sayniska Oo Miisaaniyadda Saxda Ah Ay Ugu Jirto Lacag Dhan 131,172,389,040 Halka Miisaaniyaddan Dambe Ee Ay Wasaaraddu Baahisay Ay Ugu Jirto 89,462,293,760.
Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Ayaa Iyana Kala Duwanaanshaha Dakhliga Sab-Head-Keedu Waxa Uu Kala Yahay Miisaaniyadda Cusub Oo Ah 3,755,387,808 Iyo Miisaaniyadda Saxda Ah Ee Goluhu Anisixay Oo Ah 6,956,328,344. Waxaana La Mid Ah Oo Sidan Oo Kale Hay’ado Dawladeed Oo Kale Oo Ay Kala Duwan Yihiin Wixii Miisaaniyadda Ugu Jiray Iyo Waxan Ku Jira Miisaaniyaddan Cusub Ee Ay Soo Daysay Wasaaradda Maaliyadu Waana Arrin La Fahmi La’yahay Sida Ay U Dhacday.
Wararka Illaa Hadda Soo Baxaya Ee Arrinkan La Xidhiidha Ayaa Sheegaya In Aan La Ogayn Sida Qaladkaasi U Dhacay In Uu Ahaa Mid Talo Gal Ah Oo Madmadaw Lagu Galinayay Miisaaniyadda Iyo In Ay U Dhacday Farsamo-Xumo Wasaaradda Ka Timid Waana Markii Ugu Horraysay Xukuumadihii Kala Dambeeyey Oo Fadeexad Noocan Oo Kale Ah Ka Soo Baxdo Miisaaniyadda Qaranka Waxaana La Hadal Hayaa In Wasaaradda Maaliyaddu Dib Ula Noqotay Miisaaniyaddan Ay Qaybisay.

Xigasho Foore

COMMENTS