Baarcadeeye.com
Siyaasi Cabdilaahi Geeljire Oo Ka Soo Horjeestay Qorshaha Xukuumadda Muuse Biixi Xuskii 18-May Ugu Soo Rartay 15-Bishan May,Khaladna Ku Tilmaamay Arintaasi.
May 5, 2018 - Written by admin

“Waxaa Haboon Inaynu Ka Dhigno Inay Maalintani Ka Duwan Tahay Maalinta Ka Horaysa Iyo Maalinta Ka Dambaysa, Oo Ay Tahay Maalin Alle Guul Inagu Galaday,….”Geeljire.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumaddii hore ee Kulmiye Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa ka soo horjeestay qorshaha Xukuumadda Muuse Biixi wado ee ay Xuska Sanad Guuradda 18-may ugu soo rarayso in la xuso 15-May oo maalmo inaga xigaan bilashadda Bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed,Waxaana uu ku sheegay arintaasi khalad islamarkaana waxa uu ugu baaqay Gudida loo xilsaaray Xuskaasi inay Madaxweynaha dib ugula noqdaan oo ay xuska ku celiyaan maalintiisii.
Siyaasi Cabdilaahi Geeljire ayaa sidan ka sheegay Waraysi khaas ah oo uu shalay siiyay Wariye Cismaan Axmed Cismaan oo ka Mid ah Madaxda Telefishanka Caalamiga ah ee Star,Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa“Arintan markay noqoto Shan iyo Tobanka May Waxaan leeyahay waa Khalad,Waxa loo dabaal degayaa waa Maalinta eh ee waxa la muujinayaa maaha Dabaal dega,Maalintuna waa maalin uun eh, maalin kale maaha,kuma amaahan kartid maalin kale,Dabaal Degaasi haddii ay Duruufo carqaladaynayaa ay jiraan iska dayntiisa illaa iyo yarayntiisa inta u dhexaysa dhinac aad uga wareegto waa heli kartaa,laakiin maalinta maalin kale aad uga wareegtaa waa aniga ilama haboona”.
Waxa kale oo uu yidhi“Haddii dhinaca Muslinimada laga eegayo Iyo Diinta,iyo haddii laga eegayo xaga kale ee Dunidaba labaduba taariikhdu wixii haboon ee la samaysanayo Ramadaanna looma daynin, Soonna looma daynin, Muslimiintii hore Ramadaan ayaabay dagaalamaysay oo Dagaalkii Bader ayaa dhacay,inaguna Ramadaan ayaabaynu dagaalamaynay oo wadanka la xoraynayay, Ramadaan Macsida ayaa la iska daayaaye,oo Diinta ayaa la xoojiyaa,laakiin Noocyada Wax loo xusaa way badan yihiin,markaa si Ramadaanta iyo Cibaadada Wax oo dhan munaasib ku ah ayaan qabaa in la samayn kari lahaaa,Xitaa hala joojiyo-na way dhaantaa maalin kale haloo raro,waxaa haboon inaynu ka dhigno inay maalintani ka duwan tahay maalinta ka horaysa iyo maalinta ka dambaysa ee ay maalintan 18-MAY tahay,tii Alle inagu galaday,labada Sanno ee socdana waxay ku dhacaysa badhtankeeda,markaa ma sidan uunbay noqonaysaa?”
Ugu dambayn waxa uu ku soo gunaaday Hadalkiisa“Maalintaa aan ku heshiino inaan sideedii ku celino ayaan qabaa,gudidana waan ka codsanaynaa, waxaan leenahay dib arintaasi uga fadhiista,Madaxweynihii Dib ugula noqda,markaa arintaasi taladaasi talo halooga noqdo ayaanu leenahay”.

Foore

COMMENTS