Baarcadeeye.com
Dagaal Dhaawac Iyo Dhimasho Sababay Oo Dhex Maray Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Maamul Goboleedka Soomaaliya Ee Puntland Ee Isku Hor Fadhiya Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool.
May 5, 2018 - Written by admin

“Maleeshiyaad Reer Garow Ah Oo Isku Dayay Inay Gaadmo Ku Laayaan Ciidamo Ka Xaabaysanayay Meel kayn ah oo Ka Tirsan Kuwa Qaranka Somaliland Iyo Dhirbaaxo Kulul Oo La Gaadhisiiyay Puntland.

Qaboobe(Baarcadeeye) – Dagaal wakhti gaaban socday ayaa Doraad dhex maray Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhiisimaha ku leh Jiida hore ee Deegaanka Tukoraq iyo Maleeshiyaad ka amar qaata Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxaana la soo sheegayaa inuu dagaalkaasi ka dhashay Khasaare iskugu jira Dhimasho iyo dhawaac kala gaadhay labada dhinacba.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Wargeyska Foore ayaa daaha ka rogay in Maalintii Arbacadii ee Doraad ay Maleeshiyo ka tirsan kuwa Puntland ay dagaal gaadmo ah ku soo qaadeen Ciidamo Ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland oo wakhtigaasi xaabo ay shitaan ka urursanayay meel ka durugsan Xerada Ciidanka,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal wakhti yar socday kaasi oo sababay dhimashada Hal askari oo Ciidanka Qaranka Somaliland ka tirsanaa iyo Tiro kor dhaafaysa illaa 5 Askari oo ka geeriyooday Kuwa Puntland iyadoo sidoo kalena la sheegayo inuu dhinaca Puntland jiro Dhaawac baddan oo ay haleeshay rasaas badan oo ay ku hurgufeen Ciidamada Qaranka Somaliland oo la sheegay in wakhtigaasi la soo gaaday.
Wararkan ayaa intaasi ku daray in maleeshiyaadka Puntland ay wateen Dhawr gaadhi islamarkaana ay doonayeen inay Khasaare culus gaadhsiiyaan Ciidamo kooban oo ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland ee Fadhiisimada ku leh Deegaanka Tukoraq gaar ahaan Deegaanka loo yaqaan Qaboobe oo wax yar u jira Tuuladda Tukoraq ee Gobolka Sool ee Somaliland oo xaabaysi wakhtigaasi ugu baxay meel kayn ah Balse sida la sheegay Ciidanka Qaranka Somaliland oo ah kuwa aad u foojigan way dareemeen waanay isdifaaceen,iyagoo wararku ay sheegayaan inay Khasaare baahsan gaadhsiiyeen Ciidamada Puntland. Ciidanka Puntland kama ay soo degani gaadiidka waxaanay si toos ah dib ugu laabteen iyagoo sita Maydkoodii iyo dhaawacadoo halkii ay markii hore ka yimaadeen.
Askarigii Ciidanka Qaranka Somaliland kaga dhintay iska hor imaadkaasi ayaa Sida lanoo xaqiijiyay aas qaran loogu sameeyay Magaalada Burco ee Caasimada Gobolka Togdheer.

Source Foore

COMMENTS