Baarcadeeye.com
Amarkii Ka Soo Baxay Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Ee Joojinta Khudaarta Wadamada Jaarka Oo Saamayn Xun Ku Keentay Suuqyada Hargeysa Iyo Qiimaha Basasha Oo Cirka Isku Shareeray.
May 5, 2018 - Written by admin

“Faraasiiladu Basasha Ahi Waxay Markii Hore Maraysay 15-Dollar,Shalayna Waxay Kor U Sii Dhaaftay 25-Dollar,Majirto Khudaar Dalka U Soo Goday, Wasaaradduna Iyagoon Suuqyada Soo Eegin Ayay Warbaahinta Ka Hadleen”.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Kadib markii ay Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ku dhawaaqday todobaadkii aan ka soo gudubnay inay dalka ka mamnuucday Basashii dalalka jaarka Somaliland uga soo galaysay ayaa waxa uu amarkaasi ku keenay Suuqyadda Khudaarta Dalka Somaliland gaar ahaan Suuqyada Magaalada Hargeysa jahawareer dhinaca Khudaarta ah iyo Basashii oo suuqyada qaar ka go’day oo laayahay islamarkaana dhinaca Qiimahana mar qudha cirka isku shareertay.

DCIM100MEDIA


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cismaan Xuseen Warsame oo dhawaan warbaahinta muuqbaahiyaha la hadlay ayaa sheegay inay Wasaaradda ganacsigu amartay inaan Wax basal ah dalka dibada laga soo galin Karin isagoo sheegay inay taasi badelkeeda ay noqonayso oo ay soo go’day Khudaartii dalka Somaliland isagoo hadalka u dhigay inay Wasaaraddo uga dan leedahay inay suuq u samayso Khudaarta dalka,balse waxa uu hadalkaasi ku keenay Suuqyada Hargeysa saamayn xun oo wal wal eh,waxaana la ogaaday inaanay wasaaraddu wax daraasad ah samayn ka hor intaanay armarkaasi soo saarin oo ay amarkaasi iskaga dhawaaqday.
Suuqyada Khudaarta Hargeysa ayaa shalay laga waayay Basasha,iyadoo meelaha laga helayayn lagu kala gadanayay qiime aad uga sareeya qiimihii markii hore la siinayay, Waxaanay qaar ka mid ah Khudradlaydu Wargeyska Foore u sheegeen sidan “Waxaa fooda inagu soo haysa Bishii Ramadaan ee Barakaysnayd,runtii Agaasimaha Wasaaradda Ganacsigu isagoon xog ogaal u ahayn Suuqyada Khudaarta ayuu warbaahinta ka sheegay inay khudaartii dalku suuqyada taalo oo aan loo baahnayn Khudaarta wadamada jaarka inooga timaada,majirto khudaar dalka ka soo go’day oo suuqyada taala,manay gaadhin wakhtigii ay soo go’aysay,waxaanay Wasaaradda ganacsigu abuurtay sicir barar iyo in lakala waayo Basasha,waana wakhtigii Basasha la isticmaalayay, oo bisha ramaan ayaa aad loo isticmaalaa Dalkeena Basasha,waxaan u soo jeedinaynaa madaxweynaha inuu arimahan oo kale soo farogaliyo”. Sidaa waxa yidhi Nasir Axmed Cabdi oo ka mid ah Khudradlayda Suuqa WAAHEEN ee Badhtamaha Hargeysa.
Waxa kale oo uu yidhi“Faraasiilada Basha ahi waxay markii hore suuqyada ka maraysay 15 illaa 16 Dollar marka ay qaaliyawdo,Saakana (Shalay) waxa ay kor u sii dhaafaysay 25-Dollar,meelaha qaarna lamaba kala helayn,runtii danyar badan ayaa nolol ku qabtay”.

Foore

COMMENTS