Baarcadeeye.com
Wasiir Kale Oo Ka Tirsan Xukuumadda Muuse Oo Aflagaado Qaawan Ugaystay Reer Sool Iyo Guux Weyn Oo Cadho Leh Oo Ka Aloosan Gobolkaasi + Wasiirka Oo Safar Uu Ka Tagi Lahaa Uga Baaqday.
May 4, 2018 - Written by admin

“Madaxweyne Wasiiradaadan Caytamaya Dadka Ka Qabo,Bulsho Dhan Ayuu Wasiirkii Maaliyadddu Ku Sheegay Bilaa Diin, Waxaanu Nala Maseeyay Kiristaanka Oo Kale”.Xildhiban Xirsi

Hargeysa(Baarcadeeye) – Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland islamarkaana ka soo jeeda Deegaanka Gobolka SOOL ayaa ku eedeeyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi Aflagaado qaawan oo uu sheegay inuu kula kacay Dadka ku dhaqan Gobolka Sool ee Bariga Somaliland,waxaana uu Madaxweyne Muuse ugu baaqay inuu wax ka qabto wasiiradiisan umadda aflagaadaynaya.
Xildhibaan Xirsi oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi “Wasiir marka hore hadalka kaasoo baxaya iyo waxa aad odhanaysaa waa inay is waafaqaan,ninkii wasiirka Maaliyadda ahaa waxa Alle ka yeedhiyay dad dhan iyo dalka oo bilaa Diin ah,nin masuul ahina inuu sidaa u hadlo waa Xaraan,meesha dadkani bilaa Diinta ku noqday isaga ayaa sheegi,waananu uga fadhinaa inuu cadeeyo,anaga iyo kuwan gaalada ah ee Kiristanka ah ayuu meel nawada geeyay,haddii uu isagu diinta wax ka yaqaano inuu kalmadahaasi Gobol dhan dadkii jooga ku yidhaahdo Bilaa diin ayaa tihiin isaga ayaa ka jawaabi”.
Waxa kale oo uu yidhi“Kalmada labaad,Madaxweyne,Wasiiraddan aad qoratay ee Dadka Shacabka Caayaya waa maxay?,dadka shicibka ah waa laga dambeeyaa,oo waa la ixtiraamaa,waan arkayay isaga iyo nin kale oo Faysal la yidhaa Sidaasi ayay Gobolkaasi ugu dul taagan yihiin,Hase yeeshaa Waxa uu yidhi Sayid Cabdile Xasan, “Yam yam iyo Qadaad wayn ayaa la iiga taag laayahay”, anagu reerkooda Yam yam iyo Qadaad weyn ku sheegi mayno,waxaan leeyahay dadkaasi Wasiir waxaad ku sheegtay bilaa diin eh,adiga ayaa cadaynaya,Waananu kaaga fadhinaa,kaagana hadhi mayno,Madaxweynaha waxaanu ugu baaqayaan oo aanu leenahay, wasiiradaadii waa sidee dadkii ayuunbay aflagaadaynayaane,Wasiiradaadan dadka ka qabo”.
Waa wasiirkii labaad ee Xukuumadda Muuse Biixi ka tirsan ee ka cadhaysiiya deegaan dhan iyo dadka ku dhaqan,waxaana wararka Wargeyska Foore helayaa sheegayaan inuu wasiirku ka baaqday safar uu ugu sii jeeday Gobolkaasi,Kadib markii loo sheegay in kalmado uu Berbera ka sheegay ay si toos ah u gaadheen reer Sool islamarkaana ay cadhaysan yihiin oo ay dhici karto inay mudaharaad kaga horyimaadaan.

Foore

COMMENTS