Baarcadeeye.com
Gudoomiye Cirro Oo Qarandumis Ku Tilmaamay In Shirkada SOMCABEL Oo Qudha Loo Ogolaado Xadhiga Internetka Ee Vibre Optic-Ga,Shirkadaha Kale Ee Wadaniga Ahna Loo Diido.
May 4, 2018 - Written by admin

“Waxaa Loo Ogolaaday Oo Qudha Shirkada SOMCABLE, Oo Sida Aad Ka Warqabtaan Uu Leeyahay Nin Si Qaawan U Taageera Xisbiga Kulmiye,Waa Xaqdaro In Qof Qudha Kooto Loogu Xidho Ganacsiga”.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Gudoomiyaha Xisbiga Muraaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi inuu shirkadaha Golis,Telesom iyo Dahabshiil u diiday inay Soo jiitaan Vibre Optic-ga halka uu qayrul Sharci ku tilmaamay in kooto loogu xidho Shirkada Somcamble,oo uu sheegay inuu leeyahay nin si qaawan oo badheedh ah u taageera Xisbi Xaakimka Kulmiye,waxaana uu arintaasi ku tilmaamay Qaran dumisnimo iyo inay Xukuumaddihii Kulmiye kala dileen Dadka Shacabka ah oo ay sameeyeen arimo ka hor imanaya dastuurka iyo wixii ay umaddani ku heshiisay.

Gudoomiye Cirro oo safar ugu maqan Gobolada Bariga ayaa khudbadan u jeediyay Shacabka Reer Laascaanood waxaana hadaladiisii ka mid ahaa“Waxaynu samaysannay 1991-kii kadib Dastuur,Dastuurkuna sidiisaba Waa Heshiis Bulsho,Dastuurkuna sidiisaba waa Heshiis bulsho,oo Bulsho ku heshiisay,Waxaana mihiim ah in la ixtiraamo,Haddii uu burburo kaasi heshiiska Bulshaduna waa uu burburayaa, Dastuurka ama heshiiska Bulsho ee Somaliland waxaa ku xardhan oo ku cad in Ganacsigu xor yahay,oo aynu qaadanay Nidaamka (Free Market) ka la yidhaahdo,Waxa uu Dastuurku mamnuucay Waxa loo yaqaan Mino Boliga ama Kootada oo cid gaar ah wax loo xidho,waxaad ka warqabtaa in Xukuumaddihii Somaliland ee Kulmiye ay u badheedheen oo ay jabiyeen Qodob kaasi ah in Ganacsigu Xor yahay,Kootaduna xaaraan yahay,Waxaad ka warqabtaan in Xukuumaddii Siilaanyo ay diiday in xadhkaha Badda Hoosteeda la mariyo ee Vibre Optic Loo yaqaan,oo laga soo qaado Jabuuti oo Berbera la keeno”.
Waxa kale oo uu yidhi“Waxay Xukuumadda Muuse diiday in Xadhkahaasi laga soo qaado Boosaaso oo badda la soo mariyo oo Berbera la keeno,Waxaad ka warqabtaan in Shirkada Golis loo diiday inay Xadhkaha Vibre Optic-ka soo jiidato,oo ay Soomaaliya ka soo jeedato oo ay keento Somaliland,waxaad ka warqabtaan in shirkado badan oo danaynayay inay keenaan Vibre Optic-ka loo diiday, Shirkadahaasi oo ka diwaangashan Somaliland,Waxaa ka mid ah Shirkada DAHABSHIIL, Shirkada TELESOM,Shirkada GOLIS, iyo ganacsato kale oo ay ka mid yihiin Faarax Xarbi Company,dhamaan Shirkadahaasi waa loo diiday,Waxaanay Xukuumaddaha Kulmiye xaaraantinimeeyeen in la keeno Vibre Optic-ka oo laga soo qaado dalka Jabuuti,waxaa loo ogolaaday oo Qudha Shirkada SOMCABLE, oo sida aad ka warqabtaan uu leeyahay nin si qaawan u taageera Xisbiga Kulmiye,arintani waa Dastuur jabin,Waa sharci jabin,waa xalaalayn Wax xaraan ah”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Somaliland lama kala laha,Shirkaduhuna ma kala laha,Muwaadiniintu makala laha,Somaliland waa in la wada yeeshaa,waa in Xukuumadda Somaliland ay u soo noqotaa Dastuurka,waa inay u soo noqotaa inay illaaliso Heshiiska Bulshada,ma xaqbaa in Shirkadahaasi loo diido inay Vibre Optic Dalka keenaan,loona ogolaado Shirkada SOMCABLE, Ma Xaqbaa in Qof Qudha loo ogolaado oo la siiyo Vibre Optica,Waxay shirkadaha loo diiday ay Xaq u leeyihiin inay ku dagaalamaan,waana sharci daro in loo diidaa”.
Gudoomiye Cirro ayaa ku tilmaamay Kootada ay Xukuumadda Muuse Biixi u xidhay Shirkada Somcable mid ay abaal gud uga dhigayso Taageeradii naf hurka ahayd ee uu Xisbiga Kulmiye u muujiyay Mulkiilaha Shirkadaasi Maxamed Awsiciid Geedi.

Foore

COMMENTS