Baarcadeeye.com
Baadhitaan Caafimaad Oo Lagu Sameeyay Xaalada Boqor Buurmadaw Oo Xabsiga Hargeysa Ku Dhex Xannuunsanaya Iyo Warar Sheegaya In Xukuumaddu Damaanad Ku Sii Daynayso.
May 4, 2018 - Written by admin

“Boqor Buurmadaw Oo Gaadhi Ambalance Ah Lagu Keenay Dhakhtarka Weyn Ee Hargeysa, Baadhis Lagu Sameeyay Iyo Natiijadda Ka Soo Baxday Oo Keeni Karta Damaanad Lagu Siidaayo.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Ehelada Boqor Cismaan Awmaxamuud (Buurmadow) oo ku xidhan Xabsiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa,oo maalmihii u dambeeyay laga dayrinayay Caafimaadkiisa ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay in Dawladu u ogolaatay in baadhis Caafimaad lagu Sameeyo Boqorka islamarkaana loo qaaday Goob Caafimaad islamarkiibana dib loogu celiyay Xabsiga dhexe oo uu illaa hadda ku xidhan yahay.

Warkan Wargeyska Foore soo gaadhay ee ku saabsan Boqor Buurmadaw ayaa daaha ka rogay in Barqonimadii Doraad ay Ciidan aad u gaashaamani ay Gaadhi ambalaas ah kaga soo qaadeen Jeelka weyn ee Badhtamaha Magaaladda Hargeysa islamarkaana ay si toos ah u geeyeen Cisbitaalka weyn ee Dawlada,waxaana ay noo sheegeen ehelada Boqorku in Baadhis caafimaad lagu sameeyay Boqorka oo maalmihii u dambeeyay arimo caafimaad daro kula soo darseen Jeelka dhexdiisa islamarkiibanna dib loogu celiyay jeelka weyn kadib markii la ogaaday xanuunkiisa iyo arimaha caafimaad ee uu ka cabanayay Boqor Cismaan Awmaxamuud Buur Madow oo dhawaan Xukuumadda Somaliland u taxaabtay Xabsiga kadib markii lagu eedeeyay hadalo lidi ku ah Qaranka Somaliland oo uu kaga Khudbadeeyay Munaasibad caleemo saar oo ka dhacday Deegaanka Carmo oo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland.
Wararkan ayaa intaasi ku daray in Baadhistaasi Caafimaad ee lagu sameeyay Boqor Buurmadow in lagu ogaaday inuu jiro xannuunka uu Boqorku ka cabanayo islamarkaana daawooyin loo sii qaaday si uu jeelka dhexdiisa ugu dhex isticmaalo. Xaaladda Boqor Buurmadow ayaa Sida ay noo xaqiijiyeen ehelada Boqorku aad u fiicnayd saacadihii la soo dhaafayay,Waxaanay warar hoose sheegayaan inuu jiro dhaq dhaqaaq xoogan oo lagu doonayo in damaanad lagu soo daayo Boqorka,maadaama oo la ogaaday islamarkaana la xaqiijiyay Xannuunka iyo halka uu ka cabanayo caafimaad ahaan Boqorku.
April -25-keedii -2018-kan aan ku jirno oo aynu maalmo uun ka soo gudubnay ayay Maxkamada Gobolka Hargeysi Xukun Shan Sanno ah ku riday Boqor Cismaan Buur Buurmadow,waxaana loo haystaa Hadalo lidi ku ah Qaranimada Somaliland oo uu kaga tiraabay Munaasibad lagu caleemo saarayay Oday dhaqameed deegaanka Carmo oo ka tirsan Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Foore

COMMENTS