Baarcadeeye.com
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Xukuumaddu La Xisaabtamayso Shirkada Dp-World Oo Aanay Wax Xisaab Celin Ah Ka Hayn Muddo Sanad Ah Oo Ay Dekeda Maamulaysay.
April 29, 2018 - Written by admin

Wasiirka Oo Garan Waayay Saamigii Ay Somaliland Ku Lahayd Dekeda“Waxaanu Jecelnahay Inaanu Ogaano Wixii Inagaga Soo Hagaagay Ee Faa’iido Saamigayagii 35%-Ahaa, …”Wasiirka Maaliyadda
Hargeysa(Baarcadeeye) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland Shirkada Dp-World ka rabto Warbixin Xisaabeed ku saabsan muddadii sanadka ahayd ee ay soo Maamulaysay Dekeda Berbera, isagoo shacabka Somaliland u soo jeediyay inaanay deg degin oo ay wixii war bixin ah isaga ka sugaan,waxa kale oo uu khadlay Saamigii ay Somaliland ku lahayd Dekeda Berbera oo uu ku sheegay 35% halka ay ka ahayd 30%.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa sidan ka sheegay Warbixin uu warbaahinta kula wadaagay Shalay Berbera oo uu kaga hadlay kulan ay Magaalada Berbera ku yeesheen Wafti uu hogaaminayo oo ka kooban madaxda sare ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Masuuliyiinta Maamulka Shirkada Dp-World ee Dekeda Berbera,Waxaana uu sheegay in ujeedada Kulankaasi uu ahaa oo qudha sidii ay Xukuumadda Somaliland wax uga ogaan lahayd Waxa Faa’iido iyo khasaare ah ee ay ka heshay Saamigii ay Dekeda ku lahayd marka loo eego muddadaasi sanadka ah ee ay Shirkada Dp-World Maamulaysay Dekeda Berbera.
Isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi“Maanta waxaanu halkan u joognaa inaanu Ka helno Shirkadda Dp-World Warbixin Xisaabeedkii (Financial Statement),sanadkaasi ay maamulaysay Dekeda Berbera,oo aanu la eegno oo aanu la hubino,oo aanu la lafo gurno oo ay iyaguna nala wadaagaan,wixii inagaga soo hagaagay ee Faa’iido ahna Mudadaasi Sanadka ah ee ay gacanta ku hayeen Dekeda Berbera aanu isla eegno, wixii dayntii hore ee alaabtii la soo galiyay 35%-ka Saamiga Dawladda Somaliland,intii inaga soo hagaagtay,ee lagu celinayo aan isla eegno”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Waxaan jecelahay in la hubsado,waxaan jecelahay umadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan Gudo iyo dibadba in si cad oo waadix ah aan ugu faah faahiyay arintaasi,Cid kasta oo su’aal ka qabtana aan si daahfuran ula wadaagi doono, islamarkaana aan usoo bandhigi doono”.ayuu ku soo koobay hadalkiisa Wasiirku.
Wasiirka maaliyadda ayaa hadalkiisan isku khalday islamarkaana garan waayay saamiga dhabta ah ee ay Somaliland ku leedahay Dekeda Berbera,waxaana uu saamiga Somaliland ku sheegay 35%,halka ay ka ahayd 30%,isagoo wakhtigaasi ka hor khudbadaynaya Masuuliyiinta Dp-World ee Dekeda Berbera. Waxa uu gabi ahaanba Wasiirku ka tagay Saamigii Dalka Itoobiya isagoo sheegay inuu wakhtigani ka horeeyay Itoobiya oo ay Itoobiya wakhti dambe Saamilayda soo gashay.

Foore

COMMENTS