Baarcadeeye.com
Imisa Boos Ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Ka Siiyay Dumarka 100-Kii Xil Ee Uu Magacaabay Intii Uu Xilka Qaranka Hayay, Aragti Noocee Ah Ayayse Dumarku Ka Qabaan Xukuumaddiisa.
April 27, 2018 - Written by admin

“Saamiga Kuraasta Uu Madaxweyne Muuse Ka Siiyay Dumarka Marka Loo Eego Magacaabistii Uu Sameeyay Muddadii Uu Xilka Hayay Waxa Ay Aad Uga Yar Tahay Xukuumaddihii Ka Horeeyay.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Guud ahaan Dumarka Somaliland,gaar ahaan kuwa daneeya Siyaasada ee jecel inay Qayb ka noqdaan Xilalka Qaranka ayaa si weyn isha ugu haya Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi oo hadda Shan bilood afka la gashay,waxa ay si gaar ah isha ugu hayaan qaabka uu u Xulanayo Xubnaha Xukuumaddiisa iyo saamiga uu Dumarka Kasiinayo,waxaana isasoo taraya Saluug weyn oo ay Dumarku ka qabaan Saamiga ay illaa hadda ka heleen Dumarku 100-Magacaabiseed oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa intii uu Xilka hayay oo hadda ku dhaw Shan bilood,waxa uu magacaabay 100-Xil,oo ay Xukuumaddiisu ka kooban tahay waxaanu Dumarka ka siiyay 5-Xila halka uu 95-ka Xil ee kale ay wada rag yihiin,waxaana ay noqonaysaa Saami aad uga yar Saamigii uu Madaxweynihii ka horeeyay Axmed Siilaanyo ka siiyay Dumarka Xukuumaddii hore,iyadoo ay dumarka Siyaasada u dhuun daloolaa ay hoosta ka xariiqeen in Xukuumaddii hore ay Xilal ka hayeen dumar Toban kor dhaafaya kuwaasi oo ay qaarkood ku fadhiyeen kuraas ama Xilal aad u culus lamana garanayo sababta keentay in Madaxweyne Muuse Biixi oo taageero badan ka helay Dumarka Wakhtigii uu ololaha ku jiray uu saami intaasi leeg ka siiyo Dumarka.

Shanta Xubnood ee Dumarka ah ee Uu Madaxweyne Muuse Biixi ku soo daray Xilalkii Uu Magacaabay intii uu Xilka hayay ayaa Waxa ay kala yihiin sidan; 1- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Hinda Jaamac Gaani, 2- Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha – Yurub Abiib, 3-Agaasimaha Maamulka Hay’adda La Dagaalanka Aidska – Xamda Daahir Afqarshe,4- Xubin ka mid Ah Gudida Qandaraasyada Qaranka – Caasha Cabdillaahi Cilmi,5- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Deegaanka Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.
Madaxweyne Muuse ayaa wakhtigii uu u ordayay Kursiga Madaxweynenimada,waxa dhawr jeer laga bixiyay dareen ku saabsan inaanu Muuse Biixi Jeclayn inay Dumarku Guryaha dibada uga soo baxaan oo ay shaqooyinka Ragga Qabtaan,waxaana meelo fagaare ah lagu waydiiyay su’aalo ku saabsan aragtida uu ka qabo arintaasi iyo su’aalo kale,waxaana uu wakhtigaasi ka bixiyay aragti taban taasi oo umuuqatay inuu ku beerlaxawsanayay Dumarka islamarkaana uu doonayay oo qudha inuu codkooda kasbado oo aanu ka maarmayn. Waxa ay Dumarka Somaliland gaar ahaan Kuwa Isticmaala Baraha Bulshadu ku xidhiidho ee internetka waxa ay siyaabo kale duwan uga bixinayeen Saaamiga uu Madaxweyne Muuse Ka siiyay Xukuumadiisa Dumarka waxaanay qaar badani fasiraad uga bixinayeen inay arintani hore u sii arkayeen oo ay dabeecad ka tahay Madaxweyne Muuse Islamarkaana aanay ahayn wax lala yaabo halka kuwa kalena ay ka muujiyeen dareen ah inay hungo ka taagan yihiin Xukuumadda Muuse Biixi.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale wakhtigii uu Oloha Kujiray la waydiiyay Su’aalo ku aadan aragtida Uu Ka qabo Dumarka Golayaasha Siyaasada Iska Soo Xaadiriya iyo Dabcigiisa Ku Aadan,waxaanu taasi lafteeda ka bixiyay aragti taban oo uu ku muujiyay inuu raali ka yahay inay fasax u leeyihiin,isagoo intii uu xilka hayayna Sheegay inuu Dumarka Fursado badan oo shaqo ah ka siinayo Xukuumaddiisa.

Foore

COMMENTS