Baarcadeeye.com
Madaxweyne Gudoomiye Sharmaarke U Magacaw Wakaalada Biyaha Hargeysa Si Ay Caasimadu Biyo Ku Filan U Wada Hesho,Cabashada Biyuhuna Kaaga Yaraadaan. W/Q Muxumed Xasan Jaamac
April 21, 2018 - Written by admin

“Waxaan Aaminsanahay In Biyo La’aanta Hargeysa Haysataa Ay Salka Ku Hayso Maamul Xumo Iyo Tayo La’aan Haysata Hadba Masuuliyiinta Loo Magacaabo Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Madaxweyne,Marka hore Salaan Qadarin iyo Ixtiraam xambaarsan ayaan kugu salaamayaa,waxaa hubaal ah inaad tahay Madaxweyne soo jeeda oo u heelan inuu dalkan iyo dadkan wax u qabto islamarkaana heegan u ah inuu dhegaysto,akhristo Talooyinka wax ku oolka ah ee ay u soo jeedinayaan Shacbigiisa jeceli. Madaxweyne,dalkan waxaad usoo gashay dagaal naf hur ah,oo adigoo shabaab ah ayaad qoriga u qaadata oo aad wakhtigii ugu qaalisaan iyo xoogaagiiba soo galisay sidii uu dalkan iyo dadkani uga xeroobi lahaayeen Gumaysigii iyo isir tirkii uu ku hayay Nidaamkii (Regime) Siyaad Barre,waxaanad hadda tahay Madaxweynaha Somaliland ee go’aanka ugu dambeeya iska leh,waxaana u arkaa inay shacabka Somaliland guteen Waajibkii aad ku lahayd.
Madaxweyne Waxa isweydiin mudan maxaa biyo la aanta ugu wacan magaladda Hargesa oo ah Caasimaddii dalka Somaliland ee ay Biyuhu uwada gaadhi laayihiin?. Madaxweyne waa ilbaxnimodaro iyo caqligeena oo lagu ciyaarayo sababta ay Qasabadaha Caasimada Hargeysi u dhaafi laayihiin kuwii lagaliyay Wakhtigii 1970-yadii,waxaanay u baahan taha inaynu si caqli fayaw ugu fiirsano sababta iyo waxa hor taagan,Madaxweyne Waxaan aaminsanahay in Biyo La’aanta Hargeysa Haysataa Ay Salka ku hayso Maamul Xumo Iyo Tayo la’aan haysata Hadba Masuuliyiinta loo magacaabo Wakaaladda Biyaha Hargeysa.
Waxa jirtey sanadihii 1978 kii in Magaaladda Hargesa ay siin jirtey biyo dadkii markaa degenaa iyo weliba qaxooti tiradoodda lagu qiyaasey 700,000 oo ka soo cararey dagaaladii 1977-kii ee ka dhex dhacay wadamada Somaliya iyo Itoobiya.
Waxa shaqeyn jiray masharuucii uu chinesku inagu caawiyey sanadihii 1974 oo runtii awoodiisu aheyd 8000 m3 oo ,waxa kale oo lagu kordhiyey markii ay Magaaladii iyo dadkiiba bateen mashruuc kale oo isna ilaa 8000 m3 ahaa oo la dhameystirey sanadihii 1988,markii SNM soo gashey Magaloonyinka waa weyn ee Somaliland.
Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa inaad Awooda saarto wakaallada Biyaha Hargeysa oo aad keento khuburo aqoon u leh Biyo balaadhinta Caasimada si ay shacabka ku nool oo aad u badani biyo ku filan u helaan. Waxa ayaano daro ah in Caasimadii dhamayd maalin walba dadka ku nooli ay biyo la’aan ka cabanayaan oo xiitaan aan lahayn dardar iyo dhaq dhaqaaq ay wadaan Masuuliyiinta hadba loo magacaabo Wakaalada Biyaha Hargeysa.
Madaxweyne waxaan kuu soo jeedin lahaa inaad Wakaalada Biyaha Hargeysa aad u magacawdo oo aad u soo wareejiso Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Sharmarke Axmed Maxamuud Geele oo runtii sida Xidigaha uga dhex ifaya Masuuliyiinta Xilalka Haya. Gudoomiye Sharmaarke waa wiil da’yar oo firfircoon oo aqoon ku filan u leh Shaqada Qaranka,intii Xilkaasi hayay waxa uu muujiyay dadaal ku dayasho mudan waana masuul heegan ugu jira gudashada Xilka Qaranka ee aad u gunuday. Gudoomiye Sharmaarke isma naqaano laakiin waxaan ka mid ahay ninka xaalkiisa la socda ee og sida uu wax uga badelay Hay’adda Shaqaalaha Waxaanan iswaydiiyay caqli gaabnidayda in Wakaaladda Biyaha Hargeysi u baahan tahay Sharmaarka Axmed Muxumed Geele oo aan runtii Madaxweyne Isleeyahay meel ayuu ku tiirin hawsheeda,ama waxa uu inala wadaagi waxa hortaagan waxa u diiday Hormarka Wakaaladdaasi.
Waxaan aaminsanahay in Wakaalada Biyaha Hargeysi u baahan tahay madaale,karti shaqo iyo aqoon xambaarsan oo maskaxdiisa tuujiya,markaa haddii Wakaaladda Biyaha Hargeysa loo magacaabo Gudoomiye Sharmaarke,waxaa igu mudan Madaxweyne,in Hargeysi biyo ku filan wada heli doonto,Waa madaale,Waa mufakir wakhti kasta u soo jeeda sidii uu xilka Qaranka uu u hayo uga midho dhalin lahaa,Waxa uu Hay’adda Shaqaalaha ka dhigay muraayad la aamino,waxaanu meesha ka saaray shakigii ay dadku ka qabeen ee xagga dhex dhexaadnimada shaqaalaysiinta,waxaana aaminsanahay inuu Wakaalada Biyahana ka dhigi doono meel Guud ahaan Shacabka Hargeysa Waraabisa,waxa kale oo uu tusaale unoqon lahaa in Boosaska xilka qaranka loo siman yahay oo aanay ahayn meel gaar ah oo cid gaar ah u suntan.
W/Q Muxumed Xasan Jaamac (Ablaawe).

Xigasho Foore

COMMENTS