Baarcadeeye.com
“Lacagtan Uu Imaaraatku Diyaaradaha Ku Qaaday Ee Uu Ka Dejiyay Muqdisho Waa Tii Uu Ka Urursaday Dekeda Berbera, Intaasi Oo Kun Oo Dollar Ayuu Maalin Walba Ka Rartaa”
April 21, 2018 - Written by admin

“Muuse Biixi Waa Inuu Xidhiidhka U Jaro Dalka Imaaraatka,Joojiyana Waxa Alla Wixii Siilaanyo Heshiiyada Lagalay Ama Barito Waxaasi Wax Ka Badelin Hanoo Keeno Imaaraatku”

Hargeysa (Baarcadeeye) – Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasin (Dheeg) oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa si adag uga hadlay Dhawaaqii kasoo yeedhay Wasiirul Dawladaha Arimaha Dibada Dalka Imaaraatka Carabta Dr Anwar Bin Maxamed Qarqaash,waxaana uu Xildhibaan dheeg u soo jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi inuu dalka Imaaraatka Carabta Xidhiidhka u jaro ama ay jawaab ka soo bixiyaan Hadalkaasi,Waxa uu sidoo kale ka hadlay Heshiiska Dekeda Berbera iyo lacagta uu dalka imaaraatku ka urursanayo Berbera, isagoo carabka ku dhuftay inuu ka shaki qabo in lacagtii Dhawaan imaaraatku ka dejiyay xamar ay ka mid tahay lacagta uu Dekeda Berbera ka urursado.

Xildhibaan Dheeg oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi “Maaha Waxaanu ka filaynay,Waxa imaaraatku ku hadlay Waxa cirka iyo dhulka isku jira,Waxaan daawanayay Qadar,oo konton bas oo basaskii waa weyn ee Caalamka iskaga Gudbi jiray oo sidaasi loo safay oo Dawladdii hoose ee Xamar lagu wareejinayo,Aniga oo taasi daawanaya ayaa kana waxaasi ku hadlay,Markaasi ayaan is idhi,Waar idinku waxaad ku wareejiseen Deked,Dekedda waan dhisayaa ayuu yidhi,Dekedii noomuu dhisin,Wixii kasoo baxayayna wuu gurtaa,Lacagtan uu gurto goor laga qaadatay oo laga amaahday garan mayno,Wuxuu noogu qabtayna garanmayno,Majaraf Ciida la iskaga qaado noomuu keenin,hal musbaar Wadanka soo muu galin”.
Waxa kale oo uu yidhi “Waxaan filayaa oo aan is idhi markaan hoos u eegay,Lacagtan Uu Diyaaradaha ku qaadayo ee uu ka dejiyay waa tii Uu Imaaraatku ka urursaday Dekeda Magaalada Berbera,intaasi oo kun oo Dollar ayuu maalin walba ka rartaa Dekeda Berbera,Sixir Bararkana waa ka kaw isagu,Xalay kamaan seexan Ninkaasi Cadhidiisa,hadalka uu ninkaasi Xalay ku hadlay Waan ka jeefsan kari waayay,waxa Alle waxay dekedayadii noo keentay iyo wax Alla waxaanu Dadka ku kala dhimanay ee aanu Qadar ku dilay ee ay noo tartay midna garan mayno, Neef adhi ah noomuu furin,Baasaaboorkayagii noomuu ogolaan,waligayaba maan ictiraafin ayuu yidhi, safaaradayduna waata Xamar iska taala,waxaan leeyahay xidhiidhka haloo jaro,waxa Alla Wixii Siilaanyo la saxeexdayna Muuse Biixi meesha haka saaro,ama barito waxaasi wax ka badelin hanoo keeno Imaaraatku”
Ugu dambayn waxa uu yidhi “Imaaraatka waxaan leeyahay waanu kugu khasaarnay,Xamar ayuu ka farxiyay,Wax Alla waxaanu isku haynay anaga ayuu beenaalayaal naga dhigay,Warkiisaasi Xamarna wuu ka farxiyay,anagana wuu naga nixiyay”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

Xigasho Foore

COMMENTS