Baarcadeeye.com
“Axmed Siilaano Waa In Maxkamad La Soo Taago,Madaxweyne Muuse Biixina Waa Inuu Is Casilo,Ama Waa In Lagu Qaado Khiyaamo Qaran Oo Lagu Sameeyo Maamuus Ka Xayuubin”.
April 21, 2018 - Written by admin

“Madaxwayne Siilaanyo, Wuxu Ka Tegay Taariikh Madaw, Qarankan Iyo Madax Banaanidiisa Waxa Uu U Gaystay Dhaawicii Ugu Xumaa,Madaxweyne Muuse Biixi-Na Wuu Ku Raacay Oo Muu Sixin”.Gudoomiye Cirro

Hargeysa(Baarcadeeye) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa weedhihii ugu cuslaa ku ganay Madaxweynaha Hadda Xilka haya Mudane Muuse Biixi Cabdi,Iyo Madaxweynihii Xilka uga horeeyay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,waxa uu ku eedeeyay inay labadooduba Khiyaano qaran galeen,Waxaana uu soo jeediyay in Axmed Siilaanyo maxkamad lasoo joojiyo halka uu Muuse Biixi-na u soo jeediyay inuu iscasilo ama uu isku diyaariyo inuu waajaho maamuus ka xayuubin.

Gudoomiye Ciro oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa daba socday Hadal kasoo yeedhay Dalka Imaaraatka Carabta oo ay ku sheegeen inay Soomaaliya wax ka ogayd heshiiska Dekeda Berbera,Waxaana uu yidhi sidan“Waxaa maanta cadaatay in KULMIYE shacbigiisa, calankiisa iyo ciidiisa khiyaameeyey,KULMIYE-ow waxay huursanaadaanba hadimooyinkii aad dalkan ka gashay waa kuwaa oogta ka cadaaday, qaranimadii Somaliland waxay inaga luntay 1960, waxaa mar labaad la ambaday madaxwayne Siilaanyo, wuxu ka tegay taariikh madaw qarankan iyo madax banaanidiisa waxa uu u gaystay dhaawicii ugu xumaa,waxa dhacday khiyaamo qaran, shacbigiisa, calankiisa, ciidiisa iyo himaladii shacbiga wuu khiyaameeyey, wuxu ku bedeshay madax banaanidii Somaliland iyo gooni isu taagii dhaqaale iyo dano shakhsi ah, heshiisyada saldhiga iyo dekedda oo dawladda federaalka Somalia saxeexday ayuu uga dhigay inay Somaliland la gashay dawladda Imaaraadka”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“ jiritaanka warkan sidaad ka warqabtaan waxaa xaqiijiyey wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee dawladda Imaraadka Carabta, hadalka dawladda Imaaraadku waa dhab, waa dhab. Siilaanyo wuxuu hog madaw ku riday himiladii qarankan oo ay adkaanayso in laga soo saaro wuxuu mutaysay in maxkamad la hor keeno oo lagu qaado khiyaamo qaran. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaybka ahaa dhagarta KULMIYE u maleegay shacbiga Somaliland, marka hore xog ogaal buu ka ahaa khiyaamada qaran ee madaxwayne Siilaanyo u gaystay dadkiisa iyo dalkiisa, faylkii dawladda imaaraadku saxeexday Siilaanyo wuxu ku wareejiyey Muuse Biixi markii uu xilka ku wareejinayay, Madaxwayne Muuse waxa uu haystay fursad markii uu kursiga ku fadhiistay oo ahayd inuu saxo khaladkaas, ama shacbigiisa iyo baarlamaanka u soo bandhigo khiyaamada qaran ee madaxwaynihii ka horeeyy sameeyey”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Muuse Biixi midna ma samayn ee wuxu yidhi heshiisyadii dawladdii hore gashay waan fulinayaa ,kuwaasi oo ay maanta cadaatay inay u dhexeeyaan dawladda federaalka ah ee Soomaalia iyo dawladda Imaaraadka. Madaxweynahu wuxu jabiyey dastuurkii, wuxuuna ku kacay khiyaamo qaran, waxa u bannaan lama arrimood midkood inuu yeelo, inuu is casilo dadkana saamaaxaad waydiisto kuna dhawaaqo in doorashooyin Madaxwayne la qabto, waxaa kale oo u bannaan haddii uu taas yeeli waayo in lagu qaado khiyaamo qaran oo lagu sameeyo maamuus ka xayuubin”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Gudoomiye Cirro.

Xigasho Foore

COMMENTS