Baarcadeeye.com
“Telesom Dadweynahan Ay U Adeegto Ee Macmiilka Uwada Ah, Ha Ka Dayaan Qabyaalada Iyo Sheekadan Ay Baraha Bulshada, Afmiishaarrada Iyo Warbaahinta Ugu Soo Dhiibayso”. Garyaqan Maxamed Bacaluul
March 19, 2018 - Written by admin

Markii la iskugu yimid dhambaalladii Moobillada ee lagu sheegayay lacagta (Zaad/E-cash) ayay Telesom bilowday inay Keeballo iyo xadhko laydh daadiso, oo ay la shirtimaaddo waxyaabo aan hore looga maqli jirin, iyadoo ummadda kaga marin habaabinaysa arrinta taagan, Dadweynahan ay shirkaduhu u adeegaan ee macmiilka uwada ah, ha ka dayaan qabyaalad iyo sheekadan ay baraha bulshada, afmiishaarrada iyo warbaahinta loo dhiibayo ee la leeyahay cid gaaraa loo jeedaa, Dhawrkeedan fooq reer qudha ma wada qaadaan, oo lama odhan karo reer hebelbaa halkaas ka wada ceesha oo loo jeedaa, inta saamiyada ku lihina waa in kooban, haddii la isku wada darana intaasi waxba kama noqonayaan ciidamada nabadgalyadeena ilaaliya iyo shaqaale waynaha ummaddu ee shilinkii ay qaadanayeen iyo Bangigii dhexe ee u adeegi lahaaba dhulka lala dhacay, nolol-xumadoodana laga dul samaystay nolol kale oo daruuraha dushooda ah.

Lama diidi karo dadaalka ay isgaadhsiinta gaarka ahi samaysay, iyo waxtarka adeeg ee ay ka hirgaliyeen dalka, walaw ay faaidadooda u socdeen. Balse, waa in markay xaaladuhu adkaadaan, ay wixii laga firsan waayo ee ay dani keento, ay la qaataan dawladda iyo ummaddooda. Hungurigii iyo damacoogii gaarka ahaana, ay dib-ula-yara noqdaan. Isla markaana ay joojiyaan abaabulka ay bulshada intaan waxba ogayn, kaga faaidaysanayaan wacyi la’aantooda, ugana dhigayaan in cid gaar ah loo jeedo. Ciddaas la sheegayo, ee Shirkadlaydu is leedahay arrimihiina ku toosista, waa shacabkii Somaliland, waxaanay la wadaagaan duruufaha sicir-bararka Ummaddan ay kamidka yihiin, waayo ma jirto cid suuq gaar ah leh amma ay meel gaar ah wax uga yimaaddaan.

Garyaqan Mahamed Ahmed Bacaluul

COMMENTS