Baarcadeeye.com
Khatarta Ku Duugan Xarun Caafimaad Oo Hargeysa Kutaala Oo Lagu Magacaabo Alhuda Herbal Center Iyo Khiyaano Badan Oo Ay Ku Shaqayso.
March 10, 2018 - Written by admin

“Mishiinka Dadka Lagu Baadho Ee Xaruntaasi Yaalaa Waa Technology-Da Dalka China Soo Saaro,Waana Diagnosis Result-Keedu Aanu Caadi Ahayn (Accurate) Oo Aduunyadda Kale Aan Laga Isticmaalin”.

BAAQ: Khuseeya Dr. Sheekh Farxaan Ali Dhimbiil (Waa Sida Waraaqda Ugu Qoran) Mulkiilaha Xarunta ALHUDA HERBAL CENTER Fadlan Intaad Tvga Soo Fadhiisato Noo Sharaxd Ama Faah Faahin Xaqiiqo Nimada Iyo Hubaasha Caafimaad Ee Mishiinka Shaybaadhka “Quantum Bio Electric System” Ee Qofkasta Lasaaro Ee $20 Labixiyo Xaruntaada.

Alhuda Herbal Center waxay ku taalaa agagaarka dawlada hoose shaqadu waxay bilaabantaa 3:00am habeen badhka, Tigidhaduna waxay dhamaadaan 5:00Am salaada subax ka hor dumar iyo waayeel ayaa ka buuxa dadkuna meelo fog ayay kakala yimaadaan oo intooda badani tukhaaan lasoo kiraystay ayay soo raacaan …xaruntan intaanad tagin faaalada dadku ka bixinayaan waxaa kamida sheekhan/dhakhtarkan 2bilood hargaysuu joogaa 2na imaaraadka,dalkoodhan ayuu xarumo kuleeyahay,lama kala helo,koomputuutar ayuunbaa gacanta laguu saarayaa cudurkaagoi dhana wuu sheegaya….HOOYADAY ayaan geeyay wiigii hore dhexdiisii 3:15am ayaan gaadhnay anagoo luloonayna waxaan helay lambarkii 17-aad, kaadhku lacag maaha ayaa lana yidhi sheekhii ama dhakhtarkii ayaan ugalay su’aalo kooban ayuun waydiiyay, wuxuu nagu yidhi “computer ka isasoo saara,qof kasta in lasaaro ayay waajib ku tahay”, $20 oo computer ka lacagtiisii ah ayaan bixinay qolkiina waan galnay gabadh yar ayaa laptop software app la yidhaa “quantum bio electric system” uu ku jiro dadka ku saarayasa HOOYADAY ayay macluumaad ka qortay meelbay gacanta saar ku tidhi 2daqiiqo ayaan sugnay jawaabtu intay soo baxaysay wuxuu soo saaray computer kii report ka kooban 25 qayboood oo intiisa badan format isgasii jiraya oo la mida kii qofkii naga horeeyayba lasiiyay…iidaabac ayaan yartii ku idhi lama daabaco ayay tidhi ee sheekhaa warkaba kusiine utag…dhawr suaalood ayay yartu nawaydiisay oo lamida kuwii naga horeeyay iyo kuwii naga dambeeyayba kuwii la waydiiyay sida gaas maleedahay, wadnuhu maku xanuunaa waa 2 daan kasii xasuusto…intaanan sheekha u galin ayaan netka furtay mishiinkii magaciisii ayaan galiyay oon is idhi bal hada cilmigan cusub hubi…. “quantum bio electric system” magacaa hadaad galisaan xogtiisoo dhan waad helaysaan…. sheekhii ayaan u galnay wuxuu eegay waxay yartu soo qortay wuxuu yidhi dhiikar ayaad leedahay/babaasiir/gaas/iyo midkale oon iloobay ayaa ku haya….gaasta wuu ku saxsanaa mishiinkii Bp ga ayaan soo qaaday markaan guriga imid HOOYAAN ku xidhay anagoo dhiikarka aanaan ogayn eegayna wuxuu soo saaray 127/79 waan ku celiyay wuxuu soo saaray hadana 128/88 oo iska noormal ah…sheekhii dawuu noo qoray far-soomaali ku qoran sidaad sawirka ku aragtaan markaan farmasigii tagnay waxay yidhaadeen $190 keena waan yaabnay waar wax nagaadaaya ayaan ku idhi maxaanu kaadatnayaa sawkaa sheekhu warqada kusoo qoray ayuu igusoo celiyay waan eegay ilayn dawa kasta lacagteedii ayuu ku hor qoray sheekhu.”.
Hadaba Anuu Sheekha Ama Dhakhtarka Cilmigiisa Ma Diidin Ee Mishiinka Cudur Walba Sheegaya Oo Hooyaday Oo 25 Sano In Ka Badan Macaan Lahayd Aan Sheegin Ayaan Diiday…Waa Mida Kalee Ma Aaminsani Inuu Yahay Mishiinkan Sheekhu Isticmaalayaa Mid Kuwa Caafumaadka Loo Isticmaalo Ee Dadka Lagu Daweeyo Waa Technology ay China keentay oo diagnosis resultkeedu aanu accurate ahayn aduunkuna ogolayn .
Hadaba Bud dhiga Doodaydu waxa ay tahay;
1. Mishiinada caafimaadka loo isticmaalo ee ilaa hada caalamku yaqaan sida: X-ray ga shucaac ama radiology ayuu ku gaadhaa goobta loo baahan yahay…MRI/CT scan/Endoscopy/Ultrasound iwm iyaguna waa “imaging” ama ultraviolet ayay jidhka ku dhaafaan si loi ogaado goobta xanuunku jiro…Bp ga ayaa ugu yaroo marka qofka lagu xidho naqaska uu ku afuufo waa ka u sahla inuu mishiinku tiriyo tirada boodboodka wadnaha just sida dhikhtarkuba ka manual ka ah u dhagaysto oo kale….hadaba dhamaan qalabkaasoo dhani waxay ka simantihiin in marka qofka lasaarayo goobta loo xanuunka loo malaynlo laga saararo kor iyo hoos loo mar mariyo qaarkood dawooyin loo raaciyo si si fiican loosii arko….Waxaanse diiday mishiinkan sida dhigta meel qabso jidhkoo dhana wuu ku baadhayaa…haatan waxay ahayd inuu sheekhu yarta u sheego in qofka jidhkoo dhan laga wada marnariyo haduu xataa bal wixii jidhkoo dhan ku jira inuu sheegayo rabo…HOOYADAY oo mishiinka u fiirsanaysay intay gacanta ku haysay ayaa igu tidhi “ computerka waxan aan ka arkayaa waa NIN sawirkii waanu taaganyahay ana waan fadhiyaaye siday wax u jiraan” garoo markuu scanning ka samaynayo wixii app ka ku sii jiray ama dumar ha ahaado ama rage ayuunbuu tusayaa qofka ee maaha wax hada ah oo naftaadii ka tarjumaya.
2. Waa mida kalee Xalaal duhur ayaa la qashaaye sheekhu muxuu ku keenay 3:00 am saqbadhka ii kaalaya 5:00am intaanay subax la tukana inagu kal yaaciya
3. Waligay dawo Dr. Ama sheekh qoray oo afsoomaali ku qoran waa kii kowaad, sida “ dawada babaasiirta”… waxa igusoo dhacday markay dawadii qaali nagu noqotay CILAAJYADA kaleba ka iibso…kadib markaan waraaqdii eegay soomaali ayayba ku qorantahay…hadaan afka kaga idhaa xarumaha cilaajka dawadii babaasiirta iga iibiya waxba kagama duwana”.
Waxaan Kusoo Gunaanadayaa Wasaarada Caafimaadku Iyadaa Dadkan Ka Masuul Ahe Xagay Qabatay!!!

Cabdibaasid Ibraahim Aadan

COMMENTS