Baarcadeeye.com
Madaxweyne Farmajo Oo Saxaafada Dalkiisa U Adeegsanaya Fashilinta Mashruuca Berbera Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dagaal Dhinaca Dhaqaalaha Ah Kula Jira Hay’addaha Warbaahinta Somaliland.
March 9, 2018 - Written by admin

Hargeysa(Baarcadeeye) – Madaxweynaha Dawlada Faderalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmajo ayaa dagaalka uu kula jiro Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee Maalgashiga Dekeda Berbera ee Somaliland u adeegsanaya Warbaahinta Dalkiisa,halka uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi dagaal qaawan kula jiro Warbaahinta dalkiisa gaar ahaan Wargeysyada dhex dhexaadka ah ee afkaarta mucaaridka iyo Muxaafidka daabaca ee madaxa bannaan.

Waxa maalmihii u dambeeyay Xafiisyada Wargeysyadda ka soo baxa Somaliland si isdaba joog ah u soo gaadhayay Warqado ogaysiin ah oo uga imanayay dhinaca Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Xukuumadda Cusub kuwaasi oo ku wargalinaya inay joojiyaan dhamaan nuquladii ay keenayeen Xafiisyada Wasaaraddahaasi ee iibka ahaa,iyagoo dhinaca kalena ka dalbaday Xarumaha Wargeysyadu inay soo dalacdaan wixii dayn ah ee ay ku leeyihiin Hay’addahaasi. Masuuliyiinta Hay’addahani illaa hadda joojiyay iibka Wargeysyada ayaa marka la waydiiyo ku sababaynaya inay madaxtooyaddu Meesha ka saartay ama yaraysay kharashkii ku talo galka ahaa ee iibka Wargeyska ee Miisaaniyadda kujiray kaasi oo Hay’addaha dawlada u saamaxayay inay kolba inta uu kharashkoodu yahay ay ku iibsadaan ama ku dalbadaan qaar ka mid ah Wargeysyada.
Arintani ayaa ku soo beegmaysa wakhti si weyn loo hadal hayo inay Xukuumadda Cusub ee uu hogaaminayo Muj Muuse Biixi Cabdi ay diyaarinayso Qorshe ay ku xakamanayso Hay’addaha Warbaahinta iyadoo shalay uun ahayd markii uu Madaxweyne Muuse Biixi soo saaray amar uu Masuuliyiinta Dawlada iyo Shaqaalahoodaba dul dhigay inaanay warhaahinta ka hadal. Waxa sidoo kale jira hanaan ay Xukuumadda Cusub ku doonayso inay marka hore dhaqaale ahaan (Financially) ula dagaalanto Wargeysyada dalka gaar ahaan kuwa aanay ka dhex arkayn maslaxadooda una aragto inay mucaarid ku yihiin,iyadoo loo marayo in marka hore la joojiyo ama laga xakameeyo dhaqaalihii yaraa ee ka soo gali jiray dhinaca Dawlada,Waxaana ugu horeeyay oo islamarkiiba la yareeyay tirada Nuquladii Wargeysyada ahaa ee la gayn jiray Madaxtooyadda iyadoo kala badh hoos loo dhaafiyay lagana dhigay 6-Nuqul halka awal la gayn jiray 11-nuqul.waxaa kale oo illaa hadda joojiyay isticmaalka iibka Wargeysyada Wasaaraddo badan oo kale oo kaga dayday Madaxtooyadda.
Dhinaca kale,Waxaa 48-kii saacadood ee u dambeeyay ay Warbaahinta Muqdisho daabacaysay Warar lidi ku ah Mashruuca Maalgashiga Dekeda Bebera ee Somaliland kuwaasi oo qayb ka ah Dagaal ay Dawlada Farmaajo kula jirto Somaliland iyo horumarkeeda dhinaca Maalgashiga, Waxaanu Madaxweyne Farmaajo u adeegsanayaan Fashilinta Heshiishka Saddex Geesoodka ah ee Somaliland,Itoobiya iyo Shirkada Dp-World ku galeen Dubai todobaadkii hore Warbaahinta dalkiisa halka ay Xukuumaddii Somaliland ee uu hogaaminayay Madaxweyne Muuse Biixi ku foogan tahay Dagaal dhinac ka ah Warbaahinta iyo inay curyaamiso,iyadoo uu sii xumaanayo Xidhiidhkii wada shaqayneed ee Madaxtooyadda Somaliland iyo Saxaafada Madaxa bannaan u dhexeeyay.

Foore

COMMENTS