Baarcadeeye.com
Maareeyaha Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda Oo Maagan Inuu Albaabada Iskugu Dhufto Shirkad Kale Oo Malaayiin Dollar Ka Dhex Urursata Madaarka Cigaal,Magaceeda Iyo Cidda Iska Leh.
February 12, 2018 - Written by admin

“Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda Oo Xaalad Adag Waajahaysa Iyo Shirkado Yar Yar Oo Dad Gaar Ah Loo Xidhay Oo Xukuumadda Cusubi Ugu Tagtay Madaarka Cigaal +Dhaqaalaheedii Oo Jeebado Gaar Ah Ku Dhaca”.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Mareeyaha Hay’adda Duulista Iyo Madaarada Dalka Maxamed Cabdi Rodol ayaa maagan inuu Albaabada u laabo mid ka mid ah Shirkado yar yar oo si gaar ah loo leeyahay oo mashruuc loogu xidhay inay qabtaan adeegii ay Hay’adda Duulistu qaranka u qaban lahayd, shirkadan oo iyaduna malaayiin doolar sanadkii ka dhex urursata Gudaha Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

Sida Warbixintani nagu soo gaadhay,Waxa uu maareeye Maxamed Cabdi Rodol ku mashquulsan yahay inuu meesha ka saaro,islamarkaana uu gacanta dawlada ku soo celiyo shirkad kale oo iyaduna la mid ah, islamarkaana matasha shirkadii dhawaan ay Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland Albaabada u laabeen ee ka dhex adeegaysay Gudaha Madaarka Duulista Cigaal ee Magaalada Hargeysa,Waxaana shirkadani labaad oo sida la sheegay maalaayiin Dollar Qaranka ka lunsata sanadkii iyadana lagu magacaabaa “Delt Pass-Gate”. shirkadani ayay Xukuumaddii hore qandaraas naasnuujin ah si gaar ah ugu xidhay inay lacago ka urursato gaadiidka gudaha u soo gala Gudaha Kaamboolka Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Baarkinnada gudaha oo ay gaadiidka saacado ugu xisaabiso, waxaana sidoo kale Qandaraas loo siiyay adeegyo gaar ah oo ay dadka Madaarka ka dhoofaya uqabto oo ay lacago xad dhaaf ah kaga qaadato,iyadoo shaqaynaysay tan iyo sanadkii 2012-kii oo hawsheeda la bilaabay.

Wararka iyo Tafaasiisha Wargeyska Foore ka helay shirkadan labaad ee Lagu magacaabo Delta-Pass-Gate ayaa daaha ka rogay in shaqsiyaadka illaa hadda sida wayn loo hadal hayo ee iska leh shirkadani uu ugu horeeyo Cali Axmed Cali(Cali Hindi) oo ah Xoghayihii khaaska ahaa ee Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, iyadoo warar kalena ay sheegayaan inuu shuraako kula yahay oo uu isna mulkiilayaasha Shirkadani ku jiro Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraatka Carabta Baashe Cawil,oo isna awood badan ku lahaa Xukuumaddii hore ee Somaliland islamarkaana uu sodog u yahay Madaxweynihii hore iyo rag kale oo qarsoon oo aan wali soo shaac bixin, waxaaana si weyn loo hadal hayaa in maareeyo Maxamed Cabdi Rodol damacsan yahay inuu adeegani iyo lacagtaniba uu ku soo celiyo gacanta dawlada.
Shirkadan lagu magacaabo Delta-Pass-Gate ee uu Maareeyuhu doonayo inuu shaqada ka joojiyo ayaa Xafiis weyn ku dhex leh Xarunta Hay’adda Duulista iyo Madaaradda ee ku taala Albaabka labaad ee laga galo Madaarka Cigaal,waxa kale oo ay Xafiisyo ku dhex leedahay gudaha Dhismaha Madaarka Cigaal. Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Dalka ayaa xaalada gaar ah waajahday waxaanu maareeyaha Cusub ugu tagay Madaarka Cigaal shirkado yar yar oo Xukuumaddii hore ku naasnuujisay dad gaar kuwaasi oo afka u dhigta dhamaan Dakhligii Hay’addaasi u soo xeraynaysay qaranka ee ay ku shaqaynaysay. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa doonaya inay Hay’adda Madaaradu iskeed isku kabto oo ay isku filaanto,waxaanay arintaasi u baahan tahay in la tirtiro dhamaan Shirkadaha yar yar ee dadka gaar ah loo xidhay ee Madaarka Cigaal Ka dhex shaqeeya, kuwaasi oo lagu qiyaasay illaa 5-Shirkadood oo dad gaar ahi leeyihiin oo ay ka mid yihiin Shirkadii dhawaan hanti dhawrku xidhay ee SRM (Somaliland Security Management), iyo Delt Pass-Gate oo wali ka dhex shaqaysa Madaarka iyo kuwa kale oo aanu cadadadayada dambe ku soo qaadan doono.

Foore

COMMENTS