Baarcadeeye.com
Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Iyo Walaalkeed Oo Laga Dhacay Lacag Laxaadle Iyo Cida Dhacday + Halka Lagu Dhacay Hantidaas
February 10, 2018 - Written by admin

Hargeysa(Baarcadeeye) – Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada xukuumadii madaxwayne Siilaanyo ee dhawaan uun xilka ka degtay Marwo Samsam Cabdi Aadan Iyo Wiil ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Xaaji Cabdi Aadan ayaa la sheegay in laga dhacay lacag dhan 7 milyan oo doolarka Maraykan ka ah.
Sida ay xaqiijinayaan wararku waxa lacagtan ka dhacay marwo samsam iyo walaalkeed nin ganacsade ah oo la yidhaa cabaas, ninkaas oo uu adeer u ahaa madaxwaynihii hore ee Soomaaliya sheekh shariif.

Cabaas oo xidhiidhka ganacsi ee dhexmaray marwo Samsam Cabdi Aadan uu isu keenay wiilka ay walaalaha yihiin ee xaaji oo isagu ahaa shaqsi aan hore ganacsade u ahayn balse deganaa wadanka ingiriiska oo uu ku lahaa laba guri oo yaryar islamarkaana uu kirayn jiray.
Xaaji oo ah wiilka ay walaalaha yihiin wasiirkii hore ee Maaliyada Marwo Camsam Cabdi Aadan kaliya waxa saaxada ganacsiga iyo wax kala iibsiga lagu arkay mudadii ay walaashii ahayd wasiirka maaliyada xiligaa oo uu dhawr jeer qaatay mashaariic gaadiidka dawlada ah islamarkaana uu soo degay wadanka imaaradka halkaas oo ay oo ay markii danbe iska barteen ganacsade Cabaas oo isna ahaa wiil uu adeer ruma u yahay sheekh shariif waa madaxwaynihii hore ee somaliyee, cabaas iyo xaaji waxa dhex maray xidhiid iyo hawlo shaqo oo ay wada bilaabeen iyadoo xidhiidhka ganacsi ee ay wadaageen ay lacagtiisa lahayd wasiir samsam islamarkaana ay dalalka ruwand iyo Musanbig ay ka bilaabeen ganacsi.Wasiir samsam may jirin hanti hore oo ay lahayd ama reer koodu uu lahaa waxase aan shaki ku jirin inay lacagta cadadkaa lihi ay ahayd hantidii qaranka ay ka dhacday.
Haatan oo ay lacagta xajimigeedu dhan yahay 6 ilaa 7 Milyan oo dolarka maraykanka ahi ka dhacantay wasiir samsam ayaa wararku ay xaqiijinayaan in uu ganacsade Cabaas oo gabi ahaan ba dhacay lacagtaas islamarkaana ay wararku sheegayaan in Xaaji uu dhawaan ka yimid ingiriiska islamarkaana dalka imaaradka loogu garnaqayay ninkan dhacay hantida balse aan wax natiijo ah laga gaadhin.
Ex, Wasiir samsam ayaa la sheegayaa lafteedu inay arintaa u tagtay dalka South africa iyadoo halka ka gashay baadigoobka hantidaa wallow aan war rasmiya laga hayn waxay kala kulantay iyo halka ay sheeko isugu biyo shubantayba. Warar kale ayaa sheegaya in Ergo dhex dhexaadin ah ay Samsam ka dalbatay Hargeysa islamarkaana ay arintani isku horfadhiisannayaan beelaha Isaaq iyo Hawiye,waxaana Samsam wali ku sugan tahay Dalka Imaaraatka Carabta gaar ahaan Dubai.
Si kastaba ha ahaatee waxa su’aal ka taagan tahay dhaca hantida intaa leeg oo qofkastaaba garanayo inay tahay hantidii umada masaakiinta ah ee reer Somaliland islamarkaana uu kaashifkeedu noqonayo canbaar dul taala nidaamkii xukuumadii madaxwayne siilanyo oo marka horeba musuqmaasuq xoogleh lagu xamanayay.

Marsannews

COMMENTS