Baarcadeeye.com
Muj Maxamed Xaashi Oo Xukuumadda Muuse U Soo Jeediyay Inay Laasho Wadahadaladii Soomaliya,Sheegayna In Madaxda Hadda Talada Soomaaliya Haysaa Ka Mid Tahay Kuwii Shacabka Somaliland Xeebta Jaziira Ku Xasuuqay.
February 10, 2018 - Written by admin

“Soomaaliya Hadaanay Ka Garaabayn Xasuuqii la Inoo Gaystay, Inaynu Wadahadalana Maaha, Inaynu U Tagnana Maaha,Inaynu Wax Isku Darsanana Maaha,If Iyo Aakhiraba Inayn Col Ahaano Weeyi”

Hargeysa(Baarcadeye) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Muj Maxamed Xaashi Cilmi oo imika ka tirsan Siyaasiyiinta ku bahoobay Madashada Wadatashiga Somaliland ayaa si adag uga hadlay wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee sida weyn loo hadal hayo inuu dhawaan dib u bilaabanayo,Waxa uu ka sheekeeyay Dhacdooyinkii xannuunka badnaa ee ay Shacabka reer Somaliland ka dhaxleen Midawgii Soomaaliya 1960-kii, iyo halgankii nafhurka ahaa ee loo galay Somaliland,Waxa uu carabka ku adkeeyay inaanay Siyaasiyiinta Soomaaliya qirsanayn Xasuuqaasi,Sidaa darteena waxa uu soo jeediyay in gabi ahaanba Somaliland joojiso Wadahadalaasi.

MuJ Maxamed Xaashi Oo ka hadlay Madal ay Siyaasiyiinta Madasha Wadatashigu kula hadleen Warbaahinta ayaa waxa uu si adag uga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomalaiya ee dhawaan dib u furmaya waxaana uu yidhi“Soomaaliya waa la inagu gumaaday,Dadkii Guryaha ku jiray ayaa lala soo baxay,Xeebta Jasiira ayaa lagu laayay,Halkaasi ayaa lagu aasay,Caasimadiina way ahayd taas dadka laga soo xulay ee reer Hebel lagu soo xulay ee lagu laayay,Markaa Wax rajo ah oo Soomaaliy iyo Somaliland ka soo muuqda ama iman kara ma qabo inay jiraan,Mustaqbal iyo imikaba. Kolkaad u sii fiirsato,Nimankii waxan gaystay ee Somaliland baabiiyay ee Reer ahaan dadka u dilayay,UN-Kuna way ka seexdeen oo wixii “Ethnic Cleansing”Wixii ay ku samayn jireen Dadka Ruwaanda iyo wixii loo sameeyay,inaga way inaga habradeen,oo UN-Ka iyo waxan iswataa teena ma soo hadal qaadaan,Waa ta Qudha ee aan Cidina soo qaadin weeyaan”.
Waxa kale oo uu yidhi“Ta kale ee jirtaa waxa weeyaan Markii aynu dalka ku soo noqonay,Guruubkii General Caydiid iyo Cali Mahdiyo xagaasi qabteen,kolkiiba waxa uu Cali Mahdi u dhawaaqay dawlad aan la inagala tashan,oo aan wax la inaga waydiin,oo wixii ina gaadhay iyagoo og iyo sidii aynu iskugu nimid,ayuu ku dhaqaaqay,Waxaan Farmaajana ka maqlayay,Shuruud yaan lala imanin,shuruud waa lala imani,oo dadkii waxan gaystay xagooda waxay ka qoran yihiin Niman geesiyaal ah, waa nimankii waxan gaystay,Halkii laga ciqaabi lahaa ayay kaga jiraan dad Geesiyaal ah,waa laba fikradood oo aad u kala fog,Markaa anigu waxaan qabaa,ka tagaan waa khaayin,inuu tagana maaha, inay cidi inaga tagto maaha”.
“Wadahadalkuna hadaanu ka garaabayn wixii la inoo gaystay oo aanay raggii waxan gaystay daba galayn,oo aan dambigoodii lagu qaadayn inaynu wadahadalana maaha inaynu u tagnana maaha,inaynu wax isku darsanana Maaha,If Iyo Aakhiraba Inayn Col Ahaano Weeyi”.

Foore

COMMENTS