Baarcadeeye.com
Dhacdooyinkii ay ku fashilantay Dowlada Madaxweyne Farmaajo sanadkii koobaad (Akhriso)
February 8, 2018 - Written by admin

Maqaalkani maaha qoraal siyaasadeed, maaha muxaafid ama mucaarad, maaha qabyaalad iyo qaran-dumis, maaha mid kula jira kaana jira, maaha murti iyo suugaan, maaha mushkilad iyo marin-habaabib, maaha maaweelo iyo madadaalo, mana ahan mucjiso waaxid iyo wadar toona ku wajahan.

Bulshaan kala sarreyn iyo sinnaan baan sugeynee, sedbursigoo lasuulshiyo xaq-soor baan sugeynee, Saxalkoo dhammaadiyo sharaf baan sugeynee, Gacmo laysi-saariyo nabad baan sugeynee, Sallaankii midnimadoo la kabaan sugeynee, Seermaweydo hoortiyo xareed baan sugeynee, Guryosamo la dego iyo barwaaqaan sugeynee, Saadaashii may noqon oo saakey ka daran tahay, Eebbow na samata-bixi oo guusha hayna seejin. Abwaan Maxamed Warsame Tabantaabo

Sida ka muuqata ciwaanka qoraalkan waxaan kaga hadlayaa sida uu iila muuqdo sanadkii koobaad ee Dowladda mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmajo, Siddeedii bishii Feebaraayo ee sanadkii tagay Soomaaliya waxa ay yeelatay madaxweyne Cusub, qofka kasta wuxuu u riyaaqay natiijadii kasoo baxday doorashada, waxaana la hamiyeye in laga bixi doono mugdiga jahliga, colaadda, cadaalad-darrada, qabyaaladda, qaran-jabka, dagaalada sokeeye, dowlad la’aanta, quursiga iyo wax waliba oo la hal maala. Tiigsiga iyo tawalintu waxa ay aheyd iftiinka aqoonta, cadaalad loo dhan yahay, tubta nabadda, sinnaanta, sharaf, karaamo, iyo Garsoor daacad ah. Halka ay gaartay farxadda shacabka waxaa laga dareemay dal iyo dibadba si wada jir ah ayuuna dadweynuhu ugu heesay dowladda cusub “maantay curatoo wey mataaneysee aan maalno hasheenii maandeeq”.

Geesiyaal mudan in la xasuusto ayaa 1993-dii, Admiral Jonathan Howe iyo ciidankii uu hogaaminayey ee loogu magacdaray howl-galkii rajo soo celinta Operation Restore Hope, kula dagaalamay dalka, isla markaana is-hortaag ku sameeyey yoolkii Boutros Boutros Ghali ee ahaa in dib Soomaaliya loogu celiyo maxmiyad cusub isla markaana la hir-galiyo damacii Mareykanka ee New World Order, sidaan oo kale taageerayashii Geesiyaashaas waxa ay markaas ku maansoodeen, “maantay curatoo wey mataaneysee aan maalno hasheenii maandeeq”. Hayeeshee hal-dooradii soo hooyay guushaas taariikhiga ah waxa ay ku dagaalameen dambarkii Maandeeq oo nin waliba waxa uu hamiyey in uu qod-qaniin ku maalo.

Sidaas oo kale doorashadii dhacday bishii Feebaraayo 2017, dhamaan musharaxiintii la tartantay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh, waxa ay ku hadaaqayeen erayga Isbaddel-doon qof waliba wuu rumeysanyahay Eex iyo Addiyad in kursi doonku ay iskuugu dareen Mr. Xasan si uusan u soo laaban, galabtii lagu balamay fagaarihii faltanka ee 8 bishaasna wey kaga adkaadeen si codadka ay isku siiyeenba. Sidan kor kusoo sheegay waxaa la’is lahaa waa laga gudbi doonaa sabankii suluf colaadeedka iyo salowga qabiilka, hayeeshee nasiib darro manta waxaa madaxa iyo majaha isku dhagan raggii ra’yiga mideysan lahaa ee guusha kasoo hooyey muxaafidkii ay la faltameen.

Xisbiyada Siyaasadda ee dalka Mareykanka waxay isla ogol yihiin isreeb-reebka in musharaxiinta u loolamaya xilka ugu sareeya dalka loo qabto Talaadada tartanka ugu dembeysa oo ay ugu yeeraan Talaadada weyn Super Tuesday isla markaana doorashadu dhacdo Talaadada ugu horreysay bisha 11aad.

Dhamaan Soomaalidu waxey isla ogolyihiin in aan la dagaalamin, la is dooxin, oo aan la is dilin sababnka abaarta iyo Naq-raaca, lana hilmaamo qabiil u bururka isla markaana la hirgaliyo sinnaan iyo xaqsoor loo simanyahay oo lagu wadaago manfaca saarka iyo salooka la is kuugu yimid jiilaalka dardiis.

Tagistii magaalo ee Soomaalida waxay meesha ka saratay hidde dhaqan soo jiraan ahaa, dabcan Soomaalidu waligeed waxa ay isku dili jirtay waxa loo yaqaaan Todobada Bilane Belo Huris ee kala ah: Gabdhaha, Geela, Gamaanka, Beeraha, Biyaha, Daaqa iyo Qilaafka dariiqooyinka. Hayeeshee dagaal waliba oo dhaca waxaa lama dilaan ahaa Todobada Biri Mageydo oo kala ah: Hogaamiye dhaqmeed, Culimo, Maato, Ergo, magan, Socoto iyo Xidid.

Gacan-galintii Xabashida ee Qalbi Dhagax : 27-kii Bishii Agoosto ee sanadkii dhamaaday waxaa dalka ka dhacay wax lagu tilmaamay qaraw iyo qaracan, sawaxan bulsho iyo xasilooni daro siyaasadeed, muwaadin magaciisa la yiraahdo, Cabdi kariin Shiikh Musse {Qalbi Dakax } ayey dowladdu u gacan galisay xukuumadda Addis Ababa oo aan aamisanahay god-ka-weyn oo Soomaaliya laga qaniino in uusan jirin.

Run-ahaanti cid kasta oo ku lug laheyd dhiibistii walaal Qalbi Dhax waxa ay ku tunteen dhaqankii Soo jireenka ahaa ee Soomaalida, sida aan kor kusoo sheegay Todobada Biri Mageydo waxaa kamid ah: Maato, Ergo, magan, Socoto iyo Xidid, Somaali weyn oo ah dad Xigaalo Xasabo Xidid iyo Xabiib wada ah, waa dhaqan ku cusub in arintan oo kale ay ka dhex dhacdo. Haddii ay loo eego dooddii xukoomadda iyo eedeyntii ay dusha kaga tureen Mr. Cabdi kariin waxaan looga fal-celin karaa dhaqankii lagula dhaqmi jiray Ergo, magan, Socoto iyo Xidid ayaad meesha ka saarteen.

Mushkiladda mataanaha iyo margiyada jartay Soomaalida saldhig-yadeeda waxaa qeyb ka ah, gabood-fallo diinta iyo culimada laga galay oo Rabbi uu cuqubadeeda soo dadajiyey. Gafkii iyo gardaradii lagula kacay Qalbi Dhax, 48 cisho kadib 14-kii bishii Oktoober magaaladii laga qafaalay ee Muqdisho waxa ay marti galisay mashaqo moorada cagliga iyo maanka fiyowba diidanyihiin.

Reer miyigu marka ay ka caagaan Sakada Saladda iyo Soonka oo uu sare maro salowga iyo Sad-bursi u qooqu, dilka iyo dirirtuna ay daba dheeraato isla markaana ay ku yaraato ku shugrinta nimcada uu rabbi ku maneystay waxa ay ku tookhan Allow Balaayada soo higle naga hor joogso, Ku dheeraan mayo mucjisadii 14kii Oktoober ka dhacday Isgowska Soobe laakiin waxaan si buuxda u amissanay in mushkiladdaas ay salka ku heysay cuqabadii laga galay Qalbi Dhagax.

Dhacdooyinkan dhowr xabo aan kasoo qaato, Abaaraha: sida lawada xasuusto sanadihii ugu danbeeyey abaaruhu waxa ay ahaayeen aafo gayiga oo dhan gaartay, indheer-garadyadu waxa ay ku doodaan in xaalufinta dhirta ay masuul katahay soo noq-noqoshada abaarta roob la’aanta ka dhacday qeyba badan oo ka mid ah Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa si weyn u saamaysay deegaannada Soomaalida, sanadkii tagay wuxuu arintaas kala simanyahay sanadihii ka horreeyey, tii oo ay jirto magacbixinta Adduun weynaha ee Graveyard of Foreign Aid – qabrigii kaalmada shisheeye.

Go’aankii Bariga dhexe: Soomaalida waxaa lagu sheegaa in ay yihiin dad aan aqoon durugsan u laheyn abla-ableynta arimaha Dibadda waxaana tusaale loo soo qaataa sanadkii 1977-kii sidii loola dhaqmay Midowga Sofiyet, iyo fashilkii Somaaliya ku dhacay 1963 aas aaskii Organisation of African Unity kaas oo dhidibada loogu taagay Addis Ababa. Dhex dhexaadkii ay dowladdu ka noqotay runtii wuxuu mushkilad siyaasadeed ku noqday dowladda, inta badan maamul goboleedyada waxa ay ka dhan noqdeen go’aankaas iyaga oo si cad u sheegay in dowladdu aysan iyaga la tashan. Mudane madaxweyne u tali tobanka madaxweyne.dhex dhexaad nimadaas waxa ay sababtay in ciidamo Shisheeye ay madaxda dalka ku baacsadaan gudaha caasimadda.

Weerarkii Warsame iyo Duulaankii Qeybdiid:

Sida aan kor kusoo xusay manta waxaa madaxa iyo majaha isku dhagan raggii ra’yiga mideysan lahaa ee guusha kasoo hooyey muxaafidkii ay la faltameen. 17-12-2017, Guriga Xisbiga Wadajir ayaa lagu ekeeyey weerar isagana la Xiray laguna dilay ilaaladii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hogaamiyaha Xisbi siyaasadeedka Wadajir. Deegaanka burburay iyo dhaqan doorsoonka ka sakow, waa wax ku cusub Soomaalida falkii ay dowladdu kula kacday Cabdiraxmaan. Dabcan Warsame waa muwaadin Somaaliyeed la xiri karo, la dacweyn karo, la eedeyn karo si sharciya waa faqsan, hayeeshee aqriste qaladaadka aad ka dharagsantahay ee saqdii dhexe 17-12-2017, ka dhacay gurigii xisbiga wadajir, Xeer-ilaalintu waxa ay ugu yeertay mid xaq ah oo lagu qaaday qab-qable qaran dumis ah, waxaana lagu eedeeyey in uu waddan shisheeye lacag kasoo qaatay.

Raggu Saddex waa ka siman yahay: magaca, magta iyo maganka. Saddexse waa ku kala tagsanyahay: wixii tagay tilmaamiteed; waxa taagan ka talinteed iyo timaatada tawalinteed. Waxaan rumeysanahay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, uu yahay shaqsi madaxda maanta ka mudan salaan sara joogsi leh iyo maamuus mag-dhow leh, maadaama isaga iyo intii lamid ah la’aantood aysan joogeen halka ay maanta joogaan.Ogoobey rag waxaa ugu liita Asaraar iyo abaal kadhac.

Dec 30, 2017-kii Sanoter Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ahna gudoomiyaha Gudiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa gurigiisa lugu qaaday weerar isaga kadhan ahaa, inkastoo ay amaan balaaran mudan yihii madaxda qaranku sida deg degta ah oo ay uga fal celiyeen hadana waxaa wali dowladda laga sugayaa in ay meel saarto werarkaas qaawan. Warsame iyo Qeybdiid labaduba si aan gabasho laheyn ayey hoosta ugu xariiqeen in la doonayey qaarijintooda. Allow adaa ceeb ka hufan.

Maqaamka Muqdhisho: sanadkaan waxaa si weyn loo walwaalay maqaamka gobolka Banaadir , sida lawada rumeysanyahay magac bixintaas waxaa xilkii uu hayey ku waayey gudoomiyhii hore ee gobolka Taabid Cabdi, Muqdisho waa caasmidda Soomaaliya laakiin maqaam iyo matalaadbey rabtaa. si lagu dooday maqaamka Banaadir wuxuu hoos yaalaa Barlamaanka iyaga ayaana laga rajeynayaa in ay xaqooda usoo dhicaan dadka dagen deegaanka daacadnimada iyo dulqaadaka, wixii xamar ka dhacay hadday ka dhici laheeyeey gobol kale u maleymaayo in uu xitaa sheegan lahaa isirka Afrikaanka.

Dhul-mareenkii caanka ahaa ee Abuu batuuta ayaa buuggiisa Rixla ee la daabacay qarnigii 13aad ku qoray qaayaha iyo qiimaha ay leedahay Muqdisho, si lamid ah Abuu Xasan Cali Ibnu Saciid Al- Maqribi ayaa isna buuggiisa Kitaab Al-Joqoraafiya , Muqdisho kaga hadlay wuxuuna ku tilmaamay Caasimaddi Islaamka. Waxaan leeyahay in kabadan Saddex milyan oo aan laheyn wax xaquuq ah, Canshuurta ugu badan iyaga laqaado, lagu dul shaqeeyo dhibaatadii ugu weyneedna ay iyaga ku dhacday sababkii suluf colaadeedka iyo salowga qabiilka in qofkii u dooday soo dhicinta xaqaas maqan geesa la galiyo lagana xayuubiyo xilkii uu hayey waa xishood la’aan iyo iska daba-wreeg.

Madaxdii Xilalka laga qaaday: sida ay ku andacoodeen wasiiro iyo masuuliyiin kale oo xilalkoodii waayey mid waliba xilka qaadistiisa wuxuu u maqlay si aan habooneen mid ayaa yiri “Mareykanka ayaa la iiga soo sheegay”, mid kale ayaa ku tookhay “baraha bulshada ayaan ka arkay” laakiin kii ugu darnaa ayaa ku hadaaqay, “anigoo meyd aasaya ayaan maqlay”. Dhamaan mas’uuliyiintaan xilalkooda waayey waxa ay hoosta ka xariiqeen in mid waliba uu markaas gacanta kula jiray shaqo qaran oo muhiim ah, bal qaarkood ayaaba ku dooday in markaas ay hayeen howl madaxda sare ay u dirtay mid waliba oo kamid ahna waxa uu sii raaciyey waxaa la iga balan qaaday in aan Afarta sano wada dhameysan doono. Aleylehe Xushmaddii loogu dhiibay loogama qaadin!

Nabad iyo Nolol: Halheyska dowladda ay astaanta ka dhigay wuxuu ku fiicnaan lahaa in – in kasta oo aan doonista Aadmiga lawada hanan karin – ay haddana ilaa xad ka foojignaato ficillada abuuri kara nin-tooxsi lagu tuhmo: ku takri-fal awoodeed iyo wixii soo raaca. Magacu wuxuu muujinaya labada ugu muhiimsan oo aan maanta halhaleel ugu baahannahay.

Gunaanad iyo talo bixin:

Sokeeye is dilay seeddi iyo walaal dhibaatadii Soomaalida kala gaartay waxey u muuqataa mid laga gudibi doono laakiin waxaa ka daran midda manta Aloosan taas oo ah figraddii Melez Sanawi ee aheyd Somaaliya in loo qeybiyo Koofur & Woqooyi kadibna Koofur loo sii qeybiyo shan maxmiyadood oo kala ah: Puntland, Midland, Banadirland, Bayland & Jubbaland, runtii halkow la rabay ayuu lahelay waana mashaqo Soomaalida kusoo hig tiri.

Dadku wali kama rajo dhigin dowladda oo waxa ay dhowrayaan wax qabad muuqda siyaasad hufan iyo fur-furnaan dheeraad ah in ay la’imaan doonto. Buugga Pastoral Democracy ayaa lagu qeexay in Soomaalidu ay tahay bulsho ku dhaqanta wada tashi iyo iyo dimuquraadiyad, Madaxweynaha iyo RW waxaan kula talinayaa in ay ka hor tagaan sallowga qabiilka iyo sad-bursi doonka lagu talax tagay, isla markaasna ay furdaamiyaan fidnada iyo xasaradaha colaadda, talada dalkana ka qeyb galiyaan dadka waayo aragnimada siyaasadeed leh.

1960-dii, dalka Hindiya waxaa laga hirgaliyey kacaankii cagaarnaa Green Revolotion, kaas oo ahaa in la xoojo beerasha iyo wax soo saarka dhuka, wuxuuna noqday olole lagu najaxay. Fadlan madaxdu dadka hagu hogaamiso ololahaas oo kale.

Soomaalida waxa margiyada jaray waa saddex Arin arigtidetda 1 Qaad Sun leh, 2 Qabyaalad qurun leh, iyo 3 Qoray rasaas leh, Saddexdaas xarafka Q wadaaga wixii dalkan ka qaban lahaa waa idinka.waxaan ugu danbeyn leeyahay Nin xarman, nin xalman iyo nin xagan midna lalama xaajoodo. Talye jiitaa, Tixdaa-wadaad iyo Tuqato haween iga tagbaa u danbeysa.

Wabbilaahi Towfiiq.

Wariye Abdiaziz Aadan Urur

COMMENTS