Baarcadeeye.com
Akhri Oo Ka Bogo Digreetooyinka Magacaabiseed Ee Illaa Hadda Ka Soo Baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Sida Uu Beelaha Somaliland Ugu Qaybiyay Kuraasta Xukuumaddiisa
February 3, 2018 - Written by admin

“Gudaha Ka Akhri,Tirada Beelkasta Oo Somaliland Degta Kaga Soo Hagaagtay Guud Ahaan Degree-tooyinkii Uu Muuse Biixi Soo Saaray 53-Kaasi Maalmood ee Uu Xilka Hayay + Magacyada Masuuliyiinta.
Hargeysa(Baarcadeeye) – iyadoo ay Ka Soo Wareegtay Maalintii Xilka Madaxtinimada Qaranka Somaliland loo dhaariyay Madaxweyne Muuse biixi Cabdi Muddo kooban oo ka yar laba Bilood (53-Maalmood) ayaa durba waxa soo yeedhaysa qaylo iyo buuq ay samaynayaan qaar ka mid ah beelaha Somaliland kuwaasi oo saluugsan tirada kuraasta kaga soo hagaagtay Beesha ay ka soo jeedaan Xukuumadda Cusub ee uu hogaaminayo Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu Wargeysa Foore halkan ugu soo gudbinayaa Akhristayaashiisa Tirada iyo Mansabyada ay beelaha Somaliland ka heleen Degree-tooyinkii Magacaabiseed ee ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,iyadoo marka la isku geeyo ay tirada Beelaha Somaliland ka heleen ay kala yihiin, marka beel beel loo soo qaato Garxajis- (12) – Xubnood, Habar Awal (13) – Xubnood, Habar Jeclo ( 9) – Xubnood,Dhulbaahante (5) – Xubnood, Warsangali (2)-Xubnood,Samaroon (4) – Xubnood, Ciise (2)-Xubnood,Arab (4) – Xubnood, Ayuub (1) – Xubin, Toljeclo (1)-Xubin,Gabooye (1) – Xubin,Iyo Beesha Fiqishini(1)Xubin.
Beelaha Garxajis
1- Wasiirka Wasaaradda Horuminta Maaliyada – Yuusuf Maxamuud Cabdi
2- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka – Dr Xasan Ismaciil Yuusuf
3- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta deegaanka – Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare
4- Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha – Yuusuf Mire Maxamed (Boos)
5- Wasiir kuxigeenka Wasaaradda warfaafinta – Maxamed Muuse Abees
6- Wasiir kuxigeenka waxbarashada – Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed
7- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Boosaha Iyo isgaadhsiinta – Cali Cabdilaahi Daahir
8– Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka – Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan
9- Badhasaabka Togdheer – Xamse Maxamed Cabdi
10- Badhasaabka Hawd -Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim
11- Afhayeenka Madaxtooyada – Maxamuud Warsame Jaamac
12. Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa – Axmed Maxamed Juxo
Beelaha Habar Awal (13-Xubnood)
1- Wasiirka Arrimaha Dibada – Dr Sacad Cali Shire
2- Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka – Cabdilaahi Abokor
3- Wasiirka isgaadhsiinta – Cabdi-Wali Sheekh Cabdilaahi Jibriil
4- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta – Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo
5- wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha – Maxamed Muuse Diiriye
6- Maareeyaha hay’adaha duulista – Cabdi Maxamed Rodol
7. Hantidhawaraha Guud Qaranka- Axmed Yuusuf Dirir
8.Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka – Dr Maxamed Cabdi Xergeeye
9- Agaasimaha Guud ee wasaarada maalgashiga – Axmed Abokor Maxamed
10- Maareeyaha Hay’ada WFO iyo kaydka qaranka iyo Hay’ada Ka hortaga aafooyinka dabiiciga – Faysal Cali Sheekh
11.Badhasaabka Gobolka Salal – Mawliid Maxamed Nuur
12.- Badhasaabka Gobolka Gabiley – Maxamuud Saleebaan Ramaax
13- Badhasaabka Gobolka Saraar – Axmed Maxamed Xaashi Ducaale

Beelaha Habar Jeclo
1- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha – Maxamed Kaahin Axmed
2- Wasiirka Wasaaradda macdanta – Jaamac Maxamuud Cigaal
3- Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka Iyo Dastuurka – Maxamuud Xaaji Cilmi
4- Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Qoyska – Hinda Jaamac Gaani
5- Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga – Xasan Maxamed Gaafaadhi
6- Wasiir ku xigeenka Caafimaadka – Cabdinasir Cumar Jaamac
7- Maareeyaha Barakacayaasha – Cabdikariin Axmed Faarax (Xinif)
8- Badhasaabka Gobolka Awdal – Cabdiraxmaan Axmed Cali
9- Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex ee Caasimada Hargaysa – Jaamac Xaaji Axmed Cabdi
Beelaha Arab (4-Xubnood)
1- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga – Maxamed Axmed Cawad
2- Wasiir Diinta Iyo Awqaafta – Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed
3- Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Dibada – Liibaan Yuusuf Cismaan
4- Badhasaabka Gobolka Sanaag – Maxamed Axmed Caalim(Tiimbaro)
Beelaha Dhulbahante (5-Xubnood)
1-Wasiirka Waxbarashada – Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Farotoon)
2- Agaasimaha Lacagta Gudida Aids-ka- Xamda Daahir Afqarshe
3 – Wasiirka Biyaha- Saleebaan Cali Koore
4- Wasiirka Hawlaha guud- Cabdirashiid Xaaji Ducaale
5 – Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta – Aadan Cabdilaahi Cabdile Nuur.
Beelaha Samaroon(4-Xubnood).
1- Wasiirka Qorshaynta – Cawaale Ibraahim Shirwac
2-Wasiirka Wasaaradda Beeraha – Axmed Muumin Seed
3- Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha – Maxamed Sacad Iidle Saajin
4 – Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha -Khadar Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar
Beelaha Ciise (2-Xubnood)
1- Wasiirka Wasaaradda Cadaalada – Cabdiqani Maxamuud Caateeye
2- Agaasamaha Guud ee Waxbarashada – Maxamed Faarax Xareed
Beelaha Warsangali
1-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga – Ciise Axmed Yuusuf (Xawar)
2-Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Jidadka – Sahal Maxamed Jaamac
Gabooye (1-Xubin)
1- Wasiir Ku Xigeenka Wasaaaradda Qorshaynta – Eng Xuseen Buuni
Beesha Ayuub (1-Xubin)
1- Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha – Yurub Abiib
Beesha Fiqishini (1-Xubin)
1- La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada – Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud .
Beesha Toljecle(1-Xubin)
1-Wasiir Ku Xigeenka Wasaaraddda Horumarinta Maaliyadda – Maxamed Daahir Furre

COMMENTS