Baarcadeeye.com
Waa Kuma Suxufigii Ugu Liita Ee VOA-da Hargeysa Uga Soo Warrama?
January 24, 2018 - Written by admin

Ilaahay ayey mahad idil ahaanteed u sugnaatay. Waxa aan halkan marka uga mahad naqaaa guud ahaan warbaahainta sharafta mudan ee u taagan tabinta iyo soo bandhigida afkaarta shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Maanta waxa aan door biday inaan halkana kaga hadlo waxa loo yaqaano magac dilka (Defamation) oo ah sharafta iyo cirdiga qof leeyahay oo meel lagaga dhaco si guud, iyada oo waliba loo adeegsanayo warbaahinta kala duwan. Shaqsiga aad si badheedh ah warbaahinta ugu mariso wax dhaawacaya sharaftiisa, isla markaana aan ahayn wax run ah waxay saamayn ku yeelaata nolosha qofka aad meel kaga dhaca u gaystay.

Weriye ka hawl gala laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa si badheedh ah oo ay aqoon darro ballaadhani ka muuqato u weeraray wasiir ka tirsan xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isaga oo sheegay in aanu xilka wasiirnimo ee loo dhiibay u qalmin. Weriyaha VOA-da ee Hargeysa Bakhar Kaariye wuxuu cadeeyey heerkiisa aqooneed ee dhanka saxaafaddu halka uu taagan yahay, waxaanu wasiirka cadaaladda ku tilmaamay mid aan ku haboonayn xilka wasiirnimo, yaa u sheegay isaga? Ma sharci dajeinta, garsoorka iyo cadaaladda ayuu kala garan waayey maanta Barkhad Kaariye?. Aqoonta liidata ee Barkhad Kaariye xataa waxay garan wayday inay ka xishooto meel ka dhaca qaawan ee uu kula kacay xataa madaxweyne Biixi oo magacaabay wasiirka cadaaladda.
Idaacada VOA-du haddii ay arrintaa uu weriyaheedu ku dhaqaaqay raaligein ka bixin waydo shacab ahaan waxa aanu u aragnaa inay qayb ka tahay magac dilka wasiirka cadaaladda iyo xukuumadda Somaliland, iyada oo horeba ugu caan baxday hoos u dhiga sumcadda Somaliland.
Barkhad Kaariye wuxuu garan waayey inuu soo baadho kartida iyo aqoonta wasiirka cadaaladda ama uu si toos ah u waydiiyo su’aasha qiiq isku qarinta ah ee uu madaxweyne Biixi kula dul kufay. Wasiir Caateeye haddii aan sharaxaad ka bixiyo waxa uu ka mid yahay dadka farro ku tiriska ah ee aqoontooda kula soo noqday dalkooda hooyo, isla markaana nolol kasta ka door biday wax la qaybsiga bulshadiisa jecel horumarka. Maaha wasiir ay idaacad iyo shaqsi ay sumcadiisa dili karraan.
Shacaka Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxa aan ugu baaqi lahaa inay il gaara u yeeshaan idaacada VOA-da iyo cida u shaqaysa, gaar ahaana wakiilkeeda Hargeysa. Shacab ahaan ma ogolaan doono in maalin kasta idaacada VOA-da laga baahiyo hadalo qarracan iyo marroora dilaaca ku ah jiritaanka Somaliland.

W/Q: Khadar Cabdi

Khadarc16@gmail.com

COMMENTS