Baarcadeeye.com
Xaalad Culus Oo Muqdisho ka Taagan Iyo Dawlad Kale Oo Lidi Ku Ah Dawlada Farmaajo Oo Muqdisho Lagaga Dhawaaqay + Ciidamo Beeleedlyo Isku Urursanaya Gudaha Magaalada.
January 21, 2018 - Written by admin

Muqdisho(Baarcadeeye) – Siyaasiyiinta Mucaaridka ku ah Dalwada Farmaajo ayaa shalay sameeyay arin layaab ku noqotay Soomaalida Gudo iyo Dibadba,Kadib markii Xarunta Dawlada Hoose ee Muqdisho ku shiriyeen gudoomiyayaasha Degmooyinka Muqdisho islamarkaana ay ku doorteen masuul Gudoomiye ka noqon doona Gobolka Banaadir ee Muqdisho arintaasi oo ka dhigan Dawlad yar oo ka soo horjeeda Dawlada Farmaajo.

Ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiid dagaal ayaa Xalay la soo dhoobay iskuna gedaamay Xarunta Maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Maamulka Xamar ee Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo qaab qabiil u abaabulan ay ka kala yimaadeen gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe kuna hubeysan yihiin tobaneeyo ka mid ah gaadiidka dagaalka.


Arintan ayaa ku soo aaday xili caawa xubno ku shiray xarunta gobolka Banaadir ay shaaciyeen iney guddoomiyaha gobolka Banaadir u doorteen labada sano ee soo socota Taabit Cabdi Maxamed taasoo la yaab iyo fajac ku abuurtay Soomaalida ku dhaqan dalka iyo dibeda.

Xarunta dowladda hoose ayaa waxaa ku sugan gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, warar kale oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan dowlada ay iyana halkaas gaareen si ay xulufo ugu noqdaan Gudoomiye Taabit oo caawa weji lama filaan ah la soo baxay. Ciidamadan isku gedaamay xarunta gobolka Banaadir oo sida aan wararku ku heleyno ay hogaaminayaan saraakiil caan ah ayaa loogu talo galay iney Taabit ka difaacaan ciidamada nabad sugida Qaranka, haddiiba ay isku dayaan iney soo qabtaan oo xiraan sababo la xiriira waxyaabaha caawa ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.
Xiisada siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda Qaranka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hadda u muuqata mid faraha ka baxday, lugahana la gashay marxalad halis ah taasoo walaac badan ku abuurtay shacabka Muqdisho, lamana oga sida xaalku noqon doono saacadaha soo socda.

Allbanaadir.com

COMMENTS