Baarcadeeye.com
Wiil Uu Dhalay Faysal Cali Waraabe Isla Markaana Ka Mid Ahaa Ururka Daacish Oo Ku Geeriyoodey Dalka Suuriya
January 14, 2018 - Written by admin

Hargeysa(Baarcadeeye) – Dalka Suuriya waxa 29kii bishii December ee sanadkii 2017kii ku geeriyooday Xuseen Faysal Cali Waraabe oo kamid ahaa carruurta uu dhalay guddoomiyaha xisbiga UCID.

Xuseen ayaa sanadkii 2013kii ka tagay magaalada Hargeysa iyadoo wakhtigaasi la sheegay in uu ku biiray ururka DAACISH ama ISIS ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya halkaas oo la sheegay inuu ku geeriyooday isaga oo udagaalamaya jabhada Daacish.

Cali Faysal Cali Waraabe oo ay walaalo yihiin Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in loo malaynayo in wiilkoodu ku dhintay duqayn diyaaraddeed.

COMMENTS