Baarcadeeye.com
Xukuumadda Oo Ka Soo Celisay Safiir Baashe Cawil Kawaankii Xoolaha Ee Dalka Imaaraatku Inagu Caawiyay Ee Berbera Laga Hirgaliyay,Yaase Kawaankaasi Ku Wehelinayay Baashe?”
January 13, 2018 - Written by admin

“Waxa isasoo taraya Mashaariic Badan Oo Dalka Imaaraatka Carabtu Ku Caawisay Shacabka Somaliland inuu afka u dhigtay Bashe Cawil Oo Awood Badan Ku Lahaa Xukuumaddii Hore.

Berbera(Baarcadeeye) – Xukuumada Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu hogaaminayo oo sida warkan lagu sheegay utafaxaydan soo celintii hantidii qaranka ee la boobay mudadii ay dalka xukumaysay xukumadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilanyo ayaa waxa ay dhawaan kala wareegtay sida la sheegay Maslakhii Gawraca ama kawaankii loogu talagalay gawaraca xoolaha la qalayo ee Debeda hilibkooda loo dhoofinayo(surgery Camp for animal) Wiilka safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Imaaraatka Carabtay Baashe Cawil ee Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilanyo Sodoga Uyahay.

Safiir Baashe ayaa sida la sheegay damacsanaa inuu mulkiyada Kawaankan isku qoro isaga oo horena uga sheegay Warbaahinta in Dawlada isutaga Imiraatka Carabtu ugu deeqday Dawlada Somaliland kawaankaas oo si casriya loo sameeyay loona qalabeeyay iyada oo laga dhisay agagaarka Cisbataalka Ciidan Xooga ee Berbera oo masaafo kooban dhinaca bari kaga beegan magaalada berbera. Waxaana la sheegay inay Dhawaan Xukuumaddu kawaankaasi ku celisay Dawlada Hoose ee Berbera oo markii hore lagala cararayay islamarkaana dad gaar ahi ay danaynayeen oo ay doonayeen inay si gaar ah ugu manaafacaadsadaan.
Maslakhan ama kawaanka xoolaha lagu qali doono lagana dhoofin doono iyaga oo qalan ayaa la sheegay in dawlada dhexe oo kaashanaysa khabiiro dhinaca adeega kawaanada ah oo udhashay Somaliland dagana dalka debediisa ayaa qorsheeyay in lagu wareejin doono shirkad cilmi badan uleh kawaanada iyo qaabka looga shaqeeyo, haday tahay qalitaanka xoolaha. Nadaafada, Caafimaadka Xoolaha iyo dhoofinta shirkadaas oo aan ilaa hada heshiis lala galin ayaa la sheegay in la raadinayo dhawaana la filayo in la hello oo sidaas loogu wareejin doono xukumaduna heshiis rasmiya oo labaahin doono la gali doonto dushana ay ka maamuli doonto kawaanka Xukumadu waa siday sheegayaan xogo rasmiya oo aanu helay,sida lagu baahiyay Shabakada Wararka Berberatoday.
Baashe Cawil oo ah wiilka uu Madaxweynihii hore ee Somaliland sodoga u ahaa ayaa Awood badan kulahaa Xukuumaddii hore waxaanu islamarkaa qorshihiisu ahaa inuu Mulkiyada kawaanka isku qoray oo uu sheegto inuu isagu leeyahay Waxaanu hoosta ku haystay waraaqo uu ka saxeexday sida la sheegay Madaxweynihii hore Mr Siilanyo hase yeeshee Xukuumadda hadda talada dalka haysa ayaa arinkaas si qota dheer u eegtay, ogaatayna inuu kawaankani ka mid yahay hantida dalka islamarkaana waxay sida warkan lagu sheegay la hoos geeyay Dawlada hoose ee Bebera. Warar kale ayaa sheegaya in Qorshahani lagu dhaxal wareejinayay Kawaankan uu Maayarka Bebera Cabdishakur Cidin kula jiray Islamarkaana ay isaga iyo Baashe Cawil damacsanaayeen inay Hanti gaar ah ka dhigtaan.

Berberatoday

COMMENTS