Baarcadeeye.com
War Deg Deg Ah:Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hadda Soo Saaray Magacaabis Cusub Iyo Agaasimayaal Uu Xilkii Hore Ka Badelay + Qaar Uu Shaqada Ka Caydhiyay
January 13, 2018 - Written by admin

Hargeysa(Baarcadeeye) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-22/012018, uu ku magacaabay Afar Agaasime.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh);
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

1. Aadan Cabdillaahi Cabdulle Nuur (Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

2. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax(Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

3. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf (Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga

4. Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil (Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AID

[

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS