Baarcadeeye.com
” Tuko-Raq Waa Dhulkii Somaliland ” Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo U Hanjabey Puntland + Muuqaal
January 13, 2018 - Written by admin

Hargeysa (Baarcadeeye):- Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Muj Maxamed Kaahin Axmed oo saaka
xafiiskiisa kula hadley warbaahinta waxaa uu ka hadley xaalada deeganka Tuko-raq ee gobalka Sool.
Muj Maxamed Kaahin ayaa si cad u sheegay in Dawlada Faderaalka ah ay xaalado dagaal ka wado deeganada bariga Somaliland isla markaana ay wasiiro ka mid ah xukuumadiisii ku soo xad gudbeen dhulka Somaliland.
Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in Tuko-raq ay tahay dhulkii Somaliland isla markaana aaney Somaliland ku duulin dhul ay maamulka Puntland leedahay.
Dhinaca kale wasiirka ayaa beesha caalamka u sheegay in maamulka Somaliya ay ciidamo badan soo urursadeen isla markaana ay soo dul dhigeen fadhiisamadii ciidamada qaranka ee deeganka Tuko-raq


Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaal Warkan

COMMENTS