Baarcadeeye.com
Madashada Wadatashiga Somaliland Oo Madaxweynaha Ku Hambalyeeyay Go’aankii Uu Ka Qaatay Raasiga Bebera,Una Soo Jeediyay Inuu Bulshada U Sheego Inuu Joojiyay Saldhigiina.
January 13, 2018 - Written by admin

“Waxaanu Qoladayadan Odayada Ahi Leenahay Arintaasi Saldhiga Wax Dan Ah Oo Inoogu Jirtaa Majirto,Waanay Ka Duwan Tahay Arinta Ganacsiga Ee Dekeda Oo Iyada Lafteeda Aan Waxba Lagu Hayn”.
Hargeysa(Baarcadeeye) – Qaar ka mid ah Hogaanka sare ee Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku Hambalyeeyay go’aanka uu ka qaatay Dhulka Raasiga Berbera oo ay Xukuumaddii hore dad shacab ah siisay,Waxa kale oo ay u soo jeediyeen inuu shaaciyo go’aan cad ee uu ka qaatay arinta Saldhiga oo ay sheegeen inuu ku joojiyay saldhigii dalka Imaaraatka laga siiyay Berbera,Waxa ay ka dalbadeen inuu dadka ka farxiyo oo uu ku dhawaaqo inuu Saldhigaasina joojiyay,kaasi oo ay sheegeen inaanay wax faa’iido ahi ugu jirin Somaliland,khasaare mooyaane.
Waxa ay sidan ku sheegeen shir Jaraa’id oo ay qaar ka mid ahi Shalay ku qabteen Magaalada Hargeysa,Waxaana ugu horayn Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay Pro Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah Madaxda Madasha Wadatashiga,waxaana uu yidhi“Waxaanu Madaxweynah aad iyo aad ugu hambalyaynayaan dhulkii ku xeernaa Dekeda Berbera oo dhul aad u wayn ah oo Dekedu u baahan tahay oo dhul aad xasaasi u ah,oo la bixiyay oo dad gaar ah la siiyay,in iyadana uu ka soo baxay Amar uu Madaxweynuhu ku joojiyay,taasina aad iyo aad ayaanu ugu hambalyaynaynaa,Sababtu waxa weeyi, dhulka Raasiga Berbera waa dhul loogu talo galay Raasigu kaw inuu ku fido,Labana, Amniga Raasiga in lagu illaaliyo, illaa Noobiyada Agteedii ayaa la sheegayaa in dhul laga bixiyay, Hambalyo wayn ayaanu taasina ugu diraynaa Madaxweynaha Cusub”.
Waxa kale oo uu yidhi“Xukuumaddan Cusub waxaanu qoladayadan odayada ahi leenahay arintaasi Saldhiga Wax dan ah oo inoogu jirtaa majirto,Waanay ka duwan tahay arinta Ganacsiga ee Dekeda horumarinteeda oo illaa imika aynaan arkaynin,sannad ku dhawaad kadib wax iska badelay oo caynkaas ah ma arkayno,taas lafteedu waa mid gaar ah in laga shaqeeyo,laakiin ta ku saabsan arinta Saldhiga wax Alaale wax inoogu jiraa majiro,haddii ay xag amni tahay,haddii ay Xag Horumar Ciidan tahay,iyo haddii ay Xag dhaqaale tahay midna wax dan ah oo inoogu jirtaa majirto,Waxay dani inoogu jirtaa inaynu inagu isku tashano,oo dadkeena iyo dhalinyardeena tababarano,wixii aynu k amaarmi waynana dalal badan oo inoo diyaar ah oo walaalaheena ah oo aynu la kaashano wixii ay ina dheer yihiin way jiraan,Laakiin aynaan saldhig ku badelanin Mucaawino yar ayaa la idin siinayaa ama Ciidamo la yidhi waa la idiin tababarayaa Marnaba aynaan labadaasi isku doorsan”.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Madasha Wada –Tashiga Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo isna Hadal kooban Shirkaasi jaraa’id ka ka dhiibtay ayaa waxa uu yidhi“Dadkan Saldhiga ina waydiistay dariiqa ay inoo soomareen ma fiicnayn,Saldhig ahaana dawlad aan ina aqoonsanayn,oo inoo haysata inaynu qayb Soomaaliya ka tirsan nahay,inaynu wax la galnaa oo Saldhig la galnaa waa arin aad u fool xun,Waxaanu anagu qabnaa haddii aanu madashii nahay inaynaan Saldhigaasi u baahnayn,Madaxweyne,Joojiskaasi aad joojisayna waad ku mahadsan tahay,laakiin noo raaci,oo dadka ka farxi inaad Saldhigaasi baabiisay oo aad joojisay” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi.

Foore

COMMENTS