Baarcadeeye.com
Ma Dhabaa In Wasiirka Arimaha Dibadu Gudi U Saaray Ka Soo Ka Soo Talo Bixisa Saldhiga Imaaraatka Laga Siiyay Berbera, Maxayse Kawada Hadleen Waftigii Imaaraatiga Ahaa Ee Dhawaan Dalka Yimid.
January 13, 2018 - Written by admin

“Warar Sheegaya In Madaxtooyaddu Iskaga Leexiyay Inay Saldhiga Ka Wada Hadlaan Wasiir Sacad,Iyo Wasiirka Oo Kulan Dheer Kadib Gudi U Saaray Kasoo Talo Bixisa Arinta Saldhiga.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Iyadoo ay laba cisho ka hor uun dalka ka dhoofeen Wafti Culus oo Imaaraati ah oo todobaadkii hore Hargeysa ku sugnaa kuwaasi oo la sheegay inay u yimaadeen Arinta Saldhiga milatari ee ay Xukuumaddii hore u qoondaysay inay Imaaraatka ka siiso Berbera ayaa waxa hadda soo baxaya tafaasiil iyo faah faahino ku saabsan Cida ay kala kulmeen Xukuumadda Cusub iyo Waxa ay kawada hadleen,Waxaanay wararku sheegayaan inuu Wasiir Sacad u saaray Saldhiga Gudi Culus.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska Foore u xaqiiyay in Waftigaasi markii ay dalka yimadeen uu qaabilay Safiirka Dalka Imaaraatka u jooga Somaliland Baashe Cawil islamarkaana uu markii ay habeen joogeen uu geeyay Madaxtooyada balse sida la sheegay ay madaxtooyaddu isku dhaafisay arintooda inay kala hadlaan oo ay Waftigaasi la xidhiidhaan Wasiirka Arimaha Dibada Sacad Cali Shire oo horena arinta Saldhiga Gacanta ugu hayay islamarkaana imikana gacanta haya Arinta Saldhiga,Waxaanay Sida lanoo xaqiijiyay Ay waftigaasi kulan wakhti badan qaatay xafiiskiisa kula yeesheen Wasiir Sacad oo la sheegay inay wax badan iskula jeex jeexeen,sidoo kalena ay is waydaarsadeen sheekooyin badan oo sida la sheegay salka ku haya mustaqbalka Saldhigaasi iyo qorshaha ay ku waajahayso Xukuumadda Cusubi.
Dhinaca kale Waftiga Imaaraatka ayaa aad ugu dheeraaday sida la sheegay kulan gaaban oo ay madaxweynaha qasriga kula yeesheen iyo Kan ay Wasiirka la yeesheenba, waxaanay si qoto dheer uga hadleen sida ay Xukuumaddii hore ugala soo tacaaleen ee ay wax ugala soo qabteen arimo badan oo la soo gudboonaaday intii ay Dekeda la wareegeen iyo ka horba,waxa ay sidoo kale sheegeen inay lacago badan ku bixiyeen oo ay ugu deeqeen Abaarihii dalka ka dhacay waxa kale oo ay tibaaxeen inay mashaariic horumarineed ku tabaruceen dalka iyagoo tusaale u soo qaatay kawaanka Berbera laga rikibay ee loogu talo galay in lagu qalo Xoolaha Somaliland ee Hilibkooda ama iyaga oo qalan dibada loo dhoofinayo,kaasi oo aan wali la dhaqaajin balse islamarkiiba lagu amray Dawlada Hoose Berberi inay la wareegto.
Sikastaba hanoqotee,Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa Waftigaasi imaaraatiga ku wargaliyay inay Xukuumaddani Cusub dib u eegis ku samaynayso Saldhigaasi islamarkaana waxa uu u sheegay inaanu garanayn wax ka soo bixi Doona,Waxaanay Waftigaasi isla maalintii ay kulamadu usoo idlaadeen galabnimadiiba dalka ka dhoofay islamarkaana sheegay inay Wixii ay Xukuumadda Cusub kala kulmeen ay dib ugula noqonayaan Dawladoodii. Warar kale ayaa sheegaya in Wasiir Sacad Cali Shire Wafti heer Qaran ah u saaray kasoo talo bixinta Saldhiga,Waxaanay Wararka aanu helnay ay noo xaqiijiyeen inay Gudidaasi ka mid yihiin Maayirka Berbera Cabdishakuur Cidin,Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka Cabdilaahi Abokor,Jananka Ciidanka Milatariga Sareeye Gaas Nuux Taani,Maareeyaha Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda Cabdi Maxamed Rodol iyo Wasiirka Gaashaandhiga Ciise Axmed.
Majiro War Rasmi ah oo Arintani ku saabsan oo ka soo baxay dhinaca Xukuumadda.

Foore

COMMENTS