Baarcadeeye.com
Dawladda Soomaaliya Oo Ku Eedaysay Kenya Inay Samaysatay Ciidamo Nooca Alshabaab Oo Kale Ah Oo Hawlgalo Khaarjin Ah Ka Fuliya Gudaha Dalka Soomaaliya.
January 13, 2018 - Written by admin

“Kenya Waxay Sameysatay Ciidamo Iska Dhigaya Al-Shabaab Si Ay U Khaarajiso Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya Iyo Dadka Danaheeda Ka Soo Horjeesta Ee Ku Sugan Dhinaca Xuduuda”. Col. Aadan Rufle
Balad-Xaawo(Baarcadeeye) – Sarkaal Ciidamada Dawlada Soomaaliya ka tirsan ayaa Dawladda Kenya ku eedeeyay inay samaysatay Ciidamo iska dhigaya Alshabaab islamarkaana sita Calanka Alshabaab kuwaasi oo ay sheegeen inay shalay jimcihii hawlgalo ka fuliyeen Gudaha Dalka Soomaaliya,oo ay khaarajiyeen Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Qaranka Soomaaliya,kaasi oo sida la sheegay ka soo horjeeday dhaq dhaqaaqa ay Dawlada Kenya ku doonayso inay xoog kula wareegto dhulka ka tirsan Dalka Soomaaliya.
Wararka naga soo gaadhaya degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Shalay Jimcihii uu halkaas ka dhacay dagaal khasaare geystay oo dhexmaray ciidamo Kenyan ah iyo kuwa dowlada itaalka Daran ee Soomaaliya ee degmadaas ku sugan. Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilowday markii ciidamo Kenyan ah oo soo galay degmadaas ay dileen Dhamme Maxamed Aadan Yuusuf oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo ay ku weerareen hoygiisa. Col. Aadan Rufle oo ka tirsan ciidamada dowlada ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamo Kenyan ah oo isku soo ekeysiiyey Al-Shabaab ay dileen sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, dibna ugu laabteen xadka dalkooda.
Sarkaalkan arintaasi fashiliyay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa“Ciidamada Kenya oo wejiyada soo duubtay, isla markaana watay saddex gaadiidka dagaalka ah iyo Calanka Al-Shabaab ayaa ka soo gudbay xadka Kenya, kuwaasoo dilay sarkaalkan oo ka mid ah saraakiisha xoogga dalka ee ka horjeeday damaca dhul balaarsiga Kenya” ayuu yiri Col Aadan Rufle. Waxaa uu sheegay in markii hore loo qaatay ciidankan iney yihiin Al-shabaab hase ahaatee la ogaaday iney yihiin ciidamo Kenyan ah markii ay ka gudbeen xadka Kenya oo wejiyada ay furteen calankii Al-shabaabna ka dejiyeen gaadiidkooda.
Waxa kale oo uu yidhi“Waxay markii hore raadinayeen odayaal reer Gedo ah oo wax ka abaabulay gadoodkii shacabku ka sameeyeen degmada Belad Xaawo ee dhul ballaarsiga Kenya lagu diidanaa kuwaasoo shalay isaga tegay Ceelwaaq, balse markii ay waayeen ayey weerareen hoyga Dhamme Maxamed Aadan Yuusuf oo ay dileen” ayuu yiri Col. Aadan Rufle oo intaa ku daray in Kenya ay sameysatay ciidamo iska dhigaya Al-Shabaab si ay u khaarajiso saraakiisha iyo dadka danaheeda ka soo horjeesta. Waxaa uu xusay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay u aargudi doonaan saacado gudahood dilka sarkaalkan loo geystay isagoo dowlada itaalka daran ee Somaliya ugu baaqay ineysan ka aamusin arritan, ayna jawaab kulul ka bixiso.
Dowlada Kenya ayaan ka jawaabin eedeynta loo jeediyey, sidoo kale dowlada Soomaaliya weli kama hadlin falkan ciidamada Kenya ay ku khaarajiyeen sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Foore

COMMENTS