Baarcadeeye.com
Qaarka Ka Mid Ah Maayarada Xilka ku Raagay ee G/Deegaanka Dalka Oo Cabsi Xooglehi Soo Waajahday Iyo Gudi Hoosaad Golaha Wakiilada Ka Tirsan Oo Shalay Albaabka Hoosta u Soo Xidhay.
January 11, 2018 - Written by admin

“Bulshada Oo Isha Ku Haysa,Aadna U Danaynaysa Inay Xukuumadda Cusubi Farogalin Deg Deg Ah Ku Samayso Goleyaasha Deegaanka Si Dalka Looga Dareemayo Isbadel Gun Iyo Baar Ah.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Qaar ka mid ah Maayarada mudada badan Xilka maayarnimo ku fadhiyay ee ay ugu horeeyaan Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco,Maayarka Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakur Cidin iyo Maayarka Golaha Deegaanka Burco Maxamed Yuusuf Muraad ayaa waxa soo foodsaartay Cabsi Xoogleh kadib qorshayaal ay Xukuumaddu dabada ka riixayso oo la doonayo in wax ka badel lagu sameeyo Maayarada dalka gaar ahaan maayarada Caasimada Waa weyn ee dalka,waxaana durba laga dareemayaa Goleyaasha Deegaanka dhaq dhaqaaq Xoogan.

Gudi hoosaadka Golaha Wakiilada Somaliland u qaabilsan Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ayaa durba Shalay u yeedhay Qaar ka mid ah Maayarada Dalka ugu tunka wayn islamarkaana kulan albaabadu u xidhnaa kula qaatay Magaalada Hargeysa,waxa ay talaabadani ka mid tahay dhaq dhaqaaqyada xoogan ee lagu baacsanayo Maayarada Dalka oo dhaliilo waa weyni horyaalaan islamarkaana gogol xaadh u ah duufaano xilka lagaga qaadayo oo lagu kicinayo. waxa arimo laga waydiiyay fayo dhawrka Deegaanka iyo qorshayaasha shaqo ee uga meel yaala fayo dhawrka Dalka,Waana markii u horaysay ee Maayarada dalku hor yimaadaan Gudidaasi islamarkaana wax laga waydiiyo arimaha deegaank,waxaanay arintani salka ku haysaa hubin iyo curin wax lagaga ogaanayo Heerkooda shaqo iyo masuuliyadeed maadaama oo ay waajib ku tahay illaalinta deegaanku.
Dhinaca kale waxa si weyn loo hadal hayaa Talaabooyin ay soo wado Xukuumadda uu hogaaminayo Mudane Muuse Biixi Cabdi kuwaasi la doonayo in wax lagaga badelo shaqo maalmeedka Goleyaasha Deegaanka si looga saaro xaaladii ay markii hore ku jireen ee Fadhiidka ahayd,waxaana si weyn loo raajicinayaa in Qorshayaashani ay kujiraan in Maayarada qaar xilka laga tuuro. Dadka shacabka ah,gaar ahaan dadka ku dhaqan magaalooyinka Waa weyn ee Somaliland ayaa si weyn isha ugu haya oo u sugaya talaabooyinkan,doonayana in lasoo dedejiyo si ay Goleyaasha deegaanku u noqdaan kuwo la jaan qaadaya Dardarta culus ee Cusub ee ay Xukuumada Cusubi dalka ka wado.

Foore

COMMENTS