Baarcadeeye.com
Oday Reer Puntland Ah Oo Ka Yaabiyay Farmaajo “Labada Reer Ee Hareeraha Inaga Xiga Ee Xamar Iyo Hargeysa Joogaa Waxay Ku Talo Galeen Inaanu Nin Daarood Ahi Dib Dambe U Talin”.
January 11, 2018 - Written by admin

“Nin Neceb Iyo Nin Jecelba,Puntland Maamulka Ka Dhisani Gabood Ayuu U Yahay Siyaasiyiinta Beesha Daarood, Hadaanu Jiri Lahayne,Magaceenu Ma Jiri Lahayn”.

Garowe(Baarcadeeye) – Nin la sheegay inuu ka tirsan yahay Madax Dhaqameedka Reer Puntland oo khudbad ka jeediyay meel ay wada fadhiyeen Farmaajo iyo Cabdi Wale Gaaska Puntland ayaa ka yaabiya Dadkii Goobta joogay waxaanu ku tiiq tiiqsaday oo uu furka ka furay siro hoose oo u gaar ah Beesha degta Deegaanka Puntland,Waxa uu sheegay inaanay Hawiye iyo Isaaq jeclayn inuu Daarood mar kale talada ku soo laabto waxaana uu sheegay in Maamulka Puntland ka dhisani gabood u yahay Beesha Daarood islamarkaana uu yahay meesha keli ah ee u hadhay ee ay ka arimiyaan,waxaana uu soo jeediyay in lawada dhawrto Puntland oo aan la isku halayn Xamar.

Ninkan oo Codkiisa lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Puntland ayaanu eeganaynaa,Waa meesha aan ka soo noqonay,Soomaaliya way burburtay,Qabaa’ilo ayay u qaybsantay,Meesha aan ka soo noqonay ee aan ka noolaanay ee aan wax ka noqonay, ee ka hadlayaa maanta ku hadli karayaa,nin Neceb iyo nin jecelba waa Puntland weeyi,Hadaanay jiri lahayne,Magaceenu ma jiri lahayn,Waxaa la inoogu talo galay oo Daarood loogu talo galay,oo laba reer ee Hareeraha inaga xiga ee Xamar iyo Hargeysa joogaa ay ku talo galeen nin daarood ahi inaanu dib dambe meel u soo fadhiisan,arimina,Talina,in laga dhigo Nin dalka laga saaro,nin Xabaalaha lahoos mariyo,iyo nin loo taliyo oo magan ah inuu noqdo,Waxaynu ku noolaanay oo nin mucaarid ah,nin neceb iyo nin ordayaba oo meel kasta u cararayaa waxa uu wax ku yahay oo uu wax ku raadsanayaa ee uu Soomaalida wax kaga doonanaynaa waa jirintaanta Puntland”.
Waxa kale oo uu yidhi“Xaataa adiga oo neceb Puntland ayaa lagaaga boqoyaa,Waayo magac Daarood ayaa sidataa, meeshaas yari inaga oo dhan ayay ina ilaalinaysaa,magaceena ayaa ka soo noqday, Waa meesha aynu ka taaganahay Xaqiiqatan,Sooomaaliya way burburtay,Hadii ay burburtayna, qabiilo ayay u qaybsantay,Way kala tagtay oo waa lakala socday”.

Foore

COMMENTS