Baarcadeeye.com
Muxuu Daarnaa socodkii Lugta ahaa Ee Madaxweynihii Hore Ee Siilanyo Iyo Afadiisa Aamina Waris Ku Mareen Shaaracyada Suuqa Hargeysa
January 11, 2018 - Written by admin

Dadweynaha ayaa laba waji oo kala duwan ku qaabilay socodkii lugta ahaa ee Madaxweynihii horee Somaliland Axmed Siilanyo iyo afadiisa Aamina M.Jirde(Aamina Waris) ay saaka ku soo dhexmareen caasimadda Hargeysa iyadoo qaarna ay kala kulmeen soo dhawyn halka qaar kalena ay ku tiraabayeen hadalo ay ku dhaliilayaan Siilaanyo iyo Aamina Waris iyadoo ku eedaynayaan ii intii ay xukunka dalka hayeen ay ku kaceen musumaasuq, ku tagri fal hanti qaran,qaraabo kiil iyo qabyaalad.

Siilaanyo iyo Aamina Waris ayaa waxa socodkooda ka soo bilaabeen Villa Silanyo oo ah qasri cusub oo madaxwrynihii hore xoolaha ummadda kaga dhistay xaafadda State House-ka ee ay degganyihiin dadka reer Somaliland ugu saboolsan.


Waxaanay lamaanuhu socodkoodii ku gaadheen Hotel Booli Qaran(Hotel Ali Jirde) oo loo boobay dhulkii xaruntii Women’s Club si uu parking ugu noqdo hotelkaasi kaasoo ay reer Hargeysa u bixiyeen hotel booli qaran.Labadan dhisme ee villa Silanyo iyo hotelka ayaa waxa dhismahoodu bilasbmay waqtigii uu Siilaanyo xilka qabtay waxaana dhismahoodu dhamaaday badhtamihii sanadkii 20017 iyadoo kharashkii ku baxay labadaas dhisme iyo qalabayntoodiiba laga bixiyey khasnadda dawladda.

COMMENTS