Baarcadeeye.com
Mid Ka Mid Ah Beelaha Ugu Tunka Weyn Soomaaliya Oo Heshiis Culus La Saxeexday Kooxda Alshabaab Iyo Awoodii Dawlada Farmaajo Oo Sii Wiiqmaysa + Halka Uu Heshiisku Ka Dhacay
January 11, 2018 - Written by admin

“Dhacdadan Oo Ku Soo Beegmaysa Wakhti Uu Farmaajo Safar Aan Ujeedadiisa La Garan Ku Joogo Puntland Iyo Kooxda Alshabaab Oo Heshiiskan Oo Aan Qarsoonayn La Gashay Beesha Abgaal.

Muqdisho(Baarcadeeye) – Qaar kamid ah Hogaanka sare ee kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirtay Maamulka Xamar ayaa kulan kula qaatay Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee dalkaasi Soomaaliya waxgarad iyo Odayaal kasoo jeeda Beesha Abgaal oo ka mid ah Beelaha ugu Tunka Weyn Beelaha Somaliland.

Kulankan ayaa looga hadlayay sidii beesha Abgaal ee u taageeri laheyd Dagaalka ay ku jirto Al Shabaab, waxaana kulanka goob joog ka ahaa sida lagu baahiyay Mareegaha wararka Xubno sare oo katirsan Al Shabaab oo gobolo kala duwan ka kala yimid .

Labada Dhinac ee Al Shabaab iyo Waxgaradka Beesha Abgaal Cismaan ayaa ku balamay in ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan, waxa ayna Waxgaradka beesha u balan qaadeen Al Shabaab in ay taageerayaan.
Xubno ka tirsan Hogaanka Al Shabaab oo kulanka ka hadlay ayaa sida warkan lagu sheegay ku amaanay waxgaradka beesha Abgaal ee ay kulanka la qaateen sida ay garab ugu siiyeen dagaalka ay kula jiraan Dowlada uu hogaaminayo Farmaajo iyo sidii shareecada islaamka dalka loogu xukumi lahaa.
Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud oo kamid ahaa Waxgaradka beesha Abgaal ee kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in Hogaanka Al Shabaab kula balameen in ay garab istaagaan gacana ka siiyaan dagaalka ay ku jiraan Dawlada Soomaaliya.
Sheekh Xuseen Cali Fiidoow oo kamid ah Hogaanka sare ee Al Shabaab ayaa ku amaanay beesha Abgaal sida ay u garab istaagtay ku dhaqanka shareeca, waxa uuna sheegay in waxgaradka beesha kula balameen inay dagaalka ku garab siiyaan.
Hogaanka sare ee Al Shabaab ee ka qeyb galay kulankan ayaa sida la sheegay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Shabaab ee Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade, Gudoomiyaha Shabaab ee Hiiraan Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan , Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub iyo xubno kale. Waa markii u horaysay ee ay beel dhan oo ka tirsan Beelaha ugu waa weyn Soomaaliya ay Heshiis aan qarsoonayn la galaan Kooxda Alshabaab ee Dagaalka kula jirta Maamulka Xamar.

Foore

COMMENTS