Baarcadeeye.com
Sheekhii U Horeeyay Ee Si Toos Ah Uga Horyimid Talaabadii Ay Ciidanka Booliisku Timaha Uga Xiireen Dhalinayaradda Reer Hargeysa,Soona Jeediyay In La Dhiso Akhlaaqda Ciidanka.
January 6, 2018 - Written by admin

“Waxaa Wakhtigaasi Masaajidkaasi Ku Dhex Sugnaa Madaxweynihii Hore Ee Jslnd Siilaanyo,Waxaanu Sheekhaasi Si Adag U Naqdiyay In Booliiska Maqasyo Loo Dhiibo.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Gudoomiyaha Xafiiska Diwaanka Zakada ee Somaliland Sheekh Saciid Maxamed Faarax oo Shalay Khudbadii Jimcaha ka akhriya Masjidka Lagu Magacaabo Cumar Cismaan oo kuyaala Degmada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa ayaa si toos ah uga soo horjeestay talaabadii ay Ciidamada Booliiska Somaliland ku fuliyeen Dhalinyarada dhoorka samaysatay ee sida islaamnimada ka baxsan timaha ula baxay,waxaana uu xaaraan ku tilmaamay Talaabadaasi,waxaana uu noqonayaa sheekhii u horeeyay ee hawlgalkaasi si toos ah uga horyimaada,Waxa sidoo kale Masaajidkaasi ku tukaday Madaxweynihii hore ee Somaliland Siilaanyo.

Waxaa ka mid ahaa Khudbada sheekhaasi jeediyay“Ciidanka Bilayska waa in la baraa Akhlaaqiyaad badan oo kamaqan Xaqiiqatan,oo dad inay soo qabtaa oo ay iska caayaan oo ay Hooyaddii iyo Aabihii ay wax ka sheegaan sidii Canjalado la soo duuduubay Baryo dhawayd walaalayaa arintaasi ma bannaana,Illaahayna ina laga cabso weeyaan, Tababarka la siinayo Ciidanka waa in Casharada loogu daraa Duruusta Akhlaaqiyaadka Islaamka,oo Qofku isagoo akhlaaqiyaadkiisu ay fiican tahay oo uu wax qabtaa laakiin haddii uu Raysleh noqdo oo isagoo Askari ah xagga dambe Saddex maqas dhigto rayslayaal inagu filani Magaalada way joogaan,Looma baahna in dhalinyarada la argagixiyo,Wiil timaha layar baxay oo gurig fiican ka yimid oo qurux u arkaya oo aan Xukunkooda waxba ka garanayn in la jidh dilo oo la dhibo oo timaha lagaga jaro Dariiqa,oo waliba Aabbahood iyo Hooyaddoo la caayaa waa Musiibo Umadda ku habsatay”.
Waxa kale oo uu yidhi“Inkasta oo Khaladkaasi laga noqday haddana waxaynu codsanaynaa in Ciidanka Bilaysku,waa kuwa ina illaalinaya,waa kuwa mahadnaqa ugu wayn leh Alle ka sokaw,iyaga laftigoodu Akhlaaqiyaadka Islaamka inaanay ka gudbin oo aanay xadka ka bixin,oo wixii looga baahnaa maahee inaanay wax kale ku dhaqaaqin arintaasi waa arin Masuuliyad ah,oo ay iyaga iyo Dhalinyaradu ay saaxiibaan,oo inankan dhalinyarada ah uu u arko inan uu adeer u yahay ama abti u yahay ama uu dhalay oo kale sidaasi ayay Umaddu raali kaga noqonaysaa hawlgalkoodu hawlgal hagaagsan uu u noqonayaa,inamadii imika gaan ayay noqdeen Tooshash ayay soo iibsanayaan,Bal Tujaarta tooshashkaasi soo dejinaya ka waran,Toosh wayn oo indhaha ka qabanaya Qofka ayaa marka uu Mobile Xado ee ay askartu isku daydo inay soo qabato ayuu tooshkaasi ku shidayaa,Askarigu wuu istaagayaa maba dhaqaaqi karaba,Maxaa yeelay indhihii ayaabay wax kaga shidan yihiin”.
Sheekha ayaa sidoo kale Dadkii Masaajidka ku Tukunayay u sheegay inuu Masaajidka ku sugan yahay oo uu salaada la tukanayo Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo“Waxaa maanta sharaf inoo ah oo inala tukanaya Madaxweynaheenii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Waxa uu dalkan iyo dadkan u qabtay kama sheekaynayo imika Taariikhda ayaa xusi doonta”.

Foore

COMMENTS