Baarcadeeye.com
Gudoomiyihii Hore Ee Sariflayaasha Hargeysa Oo Madaxweynaha Ku Hambalyeeyay Gudida Uu U Saaray Sixir Bararka Iyo Xayiraada Dhulka La Saaray,Talooyin Dhaxalgal Ahna U Soo Jeediyay Shacab.
January 6, 2018 - Written by admin

“Haddii Aanu Nahay Ganacsatada Sariflayaasha,Waxaanu Dawlada Cusub Ka Codsanaynaa In Bangigii Dhexe Laga Shaqaysiiyo,Si Loo Soo Celiyo Nidaamkii Dawladnimo Iyo Saamayntii Uu…”

Hargeysa (Baarcadeeye) – Gudoomiyihii hore ee Sariflayaasha Hargeysa Maxamed Siciid Waaraad ayaa Madaxweynaha Cusub ee Somaliland ku hambalyeeyay Gudida uu u saaray kasoo talo bixinta Sixir bararka ragaadiyay Shacabkeena,Waxa kale oo uu ku hambalyeeyay Xayiraada la saaray arimaha Dhulka waxaana uu ugu baaqay shacabku inay la shaqeeyaan Xukuumadda, Waxa uu sidoo kale talooyin u soo jeediyay Gudidaasi loo saaray Sixir Bararka.

Gudoomiyihii hore ee Sariflayaasha Hargeysa Waaraad ayaa sidan ka sheegay maruu shalay nagu soo booqday Xafiiska Wargeyska Foore islamarkaana uu Waraysi arintaasi ku saabsan uu nasiiyay,Waxa uu ugu horayn Talo dhaxalgal ah ku socodsiiyay Gudida Wasiirada ah ee loo magacaabay Sixir Bararka waxaana uu yidhi “Gudida Madaxweynuhu u saaray Kasoo talo bixinta Sixir bararka waan soo dhawaynayaa, Xukuumaddanna waa Xukuumad Wax qaban karta haddii ay la tashadanaa dadka Khibrada iyo waayo aragnimada dheer u leh dhinaca safarka iyo Wareega Suuqa,Waxaanan kula talinayaa Xukuumaddan Cusub ee uu hogaaminayo Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Xildiid,inay sideeda uhirgaliso Amarada ka soo baxaya oo aanay ku shilmin Sidii dawladii hore,una Habran Dad gaar ah oo dano khaas ah wata,shirkadaha Waa weyn ee Sarifka Gacanta kula jiranna ay faraha kala baxaan arimaha Sarifka,maadaama oo ay yihiin kuwo saamaynta ugu wayn kuleh Sixir bararka iyo Lacagteena Qiima dhacday|”.
Waxa kale oo uu yidhi“Haddii aanu nahay Ganacsatada Sariflayaasha,waxaanu dawlada Cusub ka codsanaynaa in Bangigii dhexe laga shaqaysiiyo,si loo soo celiyo nidaamkii dawladnimo iyo saamayntii uu baanku kulahaa Suuqyada,Bankigana loo soo magacaabo dad Khibrad u leh oo soo celiya haybadii iyo doorkii uu baanku ku lahaa wareega iyo illaalinta sumcad shilinkeena si aanu u qiimo dhicin oo aanu suuqyadda uga bixin shilinkeenu sida uu hadda ku dhawaaday,Waxaa illaahay mahaddii ah in Durba sarifkii Dollarku hoos u sii socdo oo Suuqyada kaashkii laga laayahay,Waxaasina waxa ay ka mid yihiin dadaaalada hordhaca ah ee ay Xukuumaddani wado iyo Gudida la magacaabay,Waananu soo dhawaynaynaa”.
Gudoomiyihii hore ee Sariflayaasha Hargeysa ayaa sidoo kale fariin culus u diray Dadka Shacabka ah waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Waxaan kula dardaaramayaa dadka shacabka ah ee sharafta leh ee reer Somaliland inay muwaadinimo muujiyaan oo ay ilaashadaan lacagtooda oo ay ka ilaaliyaan Bahdilka iyo qiimo dhaca oo aanay ka saraysiinin lacag qalaad,waxaan marlabaad iyo mar saddexaadba u soo jeedinayaa inay foojignaan saayid ah u yeeshaan lacagteen Somaliland oo ay si buuxda ula shaqeeyaan dawladan Cusub si ay u soo celiso sharaftii iyo karaamadii ay lacagteenu lahayd,Waxaa sidoo kale fariin halka uga dirayaa guud ahaan Reer Somaliland inay aaminaan Lacagtooda oo ay isticmaalaan,Waxaan sidoo dad Waynaha u soo jeedinayaa inay u diyaar garoobaan sidii ay dhulkooda ugala soo bixi lahaayeen maadaama oo ay Xukuumaddani dhalatay ololaha ku soo gashay balanqaadkeedii ugu waynaanaana ahaa inay maalgalin xoog ah ku samaynayso islamarkaana ay dhiirigalinayso waxsoosarka beeraha”.
Ugu dambayn Waxa uu ku hambalyeeyay Madaxweynaha Somaliland go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatay Dhulka danta Guud ahaa ee la boobay waxaana uu yidhi “Waxaana Madaxweynaha Cusub ku hambalyaynayaa go’aanka uu ka qaatay dhinaca dhulka Danta guud ah,iyo Xayiraada uu saaray Muddada Afarta bilood ah in Wax faro galin ah lagu sameeyo arimaha dhulka,Waxaananu Ilaahay uga baryaynaa inuu ku asduro xilkaasi Culus iyo Dadaalka hantida umadda uu ku baadi goobayo”.

COMMENTS