Baarcadeeye.com
“SHAQADAYDII GU’GII 2017 WAXA AY AHAYD…” Cabdinaasir Axmed Abraham.
January 2, 2018 - Written by admin

Mahad idilkeed Rabbi baa leh innagu simay curashada gu’ga cusub. Gu’gii 2017 wuxu ii ahaa mid barako badan, oo aan ku badhaadhay. Waxa aan ka helay deeqdii ugu mugga weynayd ee wakhti. Dhinacayga wuxu u muuqday in uu ka badnaa 365 maalmood.

Gu’gaa tagay (2017) wuxuu iigu curtay xeebta Djibouti, waxa aan se soo maray Muqdisho, Jigjiga, Diri-dhaba, Ceerigaabo, Maydh iyo meelo kale. Waxa aan sannadkan bartay dad qiimo badan oo kaydkayga hantida ma-guurtida ah iigu biiray.

Markii aan garwaaqsaday in baahida ugu weyn ee aan qabaa tahay in aan xog helo ayaan sannadkan horraantiisii is-weydiiyay waa kee dowga ugu midho dhalka badan ee wax loo akhriyi karaa? Waxa igu xoogaystay dareenka qotada dheer ee jeceylka barashada “Deep love learing” Sidaa darteed, ayaan xoogga u saaray akhriska iyo qoraalka. Gun-gaadhka qoraalkaygani waa in aan dhiiri-geliyo akhriska. Taas oo iga anfacday in aan wax badan faa’iido. Waxyaabaha is-beddelka qofeed ee la taaban karo igu sameeyay akhriskaygaa waxa ka mid ahaa;
– Perseption (Hummaag maskaxeed)
– Logic (Maan-gal) Mind (Maan)

Waxa aan ogaaday in runtu markasta qarsoon tahay ama runtu ay dhowr tahay sidaa darteed, aan dib uga fadhiisto xukunnadii degdegga ahaa ee maskaxdaydu ka gaadhi jirtay arrimaha qaarkood. Malcaamadihii reer Galbeed iyo kuwii reer Bari aragtahoodii iyo doodihii aan ka soo akhriyay ayaa Iyana waxa ay raad weyn ku yeesheen aragtiinkayga. Sababtuna waxa ay ahayd buugtii laga qoray waaxda Falsafadda ee maxaa cilmi ah ka jawaabta? Ayaa farti iigu fiiqday in cilmi badan oo Soomaalidu wax caadi ah oo noloshooda ka mid ah u haystaa uu dunida falsafadda yahay cilmiyada ugu xiisaha badan. Taasina waxa ay igu dhalisay Cilmi-baadhis suugaaneed xikaayaadka iyo hal-muceedyada aan ku baadi goobayay, isla markaana xoogga ku saarayay cilmiyeynta suugaanta Soomaalida ayaa Iyana dabarro dhowr ka jartay garashadayda. Isku soo wada xoori oo waxa aan sameeyay akhriskii ugu badnaa ee aan sannad gudihii sameeyo, buugta aan akhriyay tiradoodu waxa ay dhammayd 84 buug iyo 18 warbixinood oo carro-edeg laga sameeyay, waxa aan joogteeyay ama qabatimay saddex saacadood oo akhris maalinnimo ah iyo laba habeenkii ah, guud ahaan shan saac habeen iyo maalin oo joogto ah.

Guud ahaan akhriskaygii qaybo ka mid ah ayaan halkan idin kula wadaagayaa, si aad u baadi dooni kartaan una akhri kartaan, ciddii danaynaysa. Dhowr ka mid ah qoraalladii aan sameeyay sannadkaa gudihiisa, kuwaas oo marka xaggayga laga istaago aan intii ugu yarayd ka soo qaatay, haddii xaggiina laga eegana laga yaabo in ay idinku badato. Ka hor inta aanan idin la wadaagin magacyada buugta iyo warbixinaha waxyaabaha kale ee aan u arko in ay ahmiyaddooda lahaayeen ee Iyana sannadkaa Alle ii sahlay waxa aan ka xusi karaa, kuwan;

– Soo bixistii buuggaygii MASRAXII CADAABTA!
– Isku duba ridkii iyo daabacaddii buugga XEELADAHA DAGAALKA ee uu qoray saaxiibkay Dr. Aadan Hassan Aadan “Beleloo”
– Tafatirkii, isku duba ridkii iyo daabacaddii buugga Shan-daranley ee uu qoray saaxiibkay Axmed Cali Garas “Ma-qalloocshe.”
– Waxa aan ka qayb galay 6 doodood muuqbaahiyeyaasha kala ah, Horn cable, Universal iyo RTD.
– Waxa aan sameeyay lix gorfeynood oo ay ka mid ahaayeen;
A. Buuggii Duco-qabe,
B. Barnaamij Siyaasadeedkii buugga Kulmiye,
C. Barnaamij Siyaasadeedkii buugga Waddani iyo
D. Silsilad maanseeddii dhallinyarta ee Miimley.
– Akaademiga aan ka mid ka ahay ee ODAY-KA-SHEEKEE waxa u suurto-galay samaynta cilmi-baadhisyo, dood cilmiyeedyo iyo Daah-furkii “Kal-tirsi Qorrexeedkii Soomaalida ee DABSHID”

BUUGTII AAN AKHRIYAY
Buugtan hab akhriska tolmoon ayaa ii sahlay in aanan wada akhriyin ee fahan wanaagsan aan ka qaato, akhriskayguna wuxuu u badnaa mid ujeeddo leh oo buug kasta meelo gaar ah ka bartilmaameedsanaya, aniga oo aan ka tagayn fahanka nuxurka farriinta buuggu sido. Buugtan waxa ku jirta qaar falsafad ah oo jaho-wareer badan ku keeni kara qofka akhriya, markaa ciddii aan u diyaar garoobin akhriskooda ha iska dhaafaan kuwa falsafadda ah. Buugtaas waxa ka mid ahaa kuwan;
1. In between three civilization ( Dr. Husien)
2. A life in a Science (JOHN GRIBBIN)
3. At the end of the physics (STEPHEN HAWKING)
4. The theory of everything (STEPHEN HAWKING)
5. Empire of the Sun (SIMON GOODWIN)
6. Signs of The end times in Surat Al Kahf (HARUN YAHYA)
7. The clash of civilization (SAMUEL P. HUNTINGTON)
8. The road to Makka (MUHAMMAD ASAD)
9. The end of the history (FRANCIS FUKUYAMA)
10. Small is beautiful (E.F.SCHUMACHER)
11. Theories of perception in medieval and early modern Philosophy
12. De anima (ARISTOTLE)
13. Psychotherapy East and West (ALAN WATTS)
14. Geopolitics re-visioning world politics (JOHN AGNEW)
15. The Empire of Trauma (DIDIER FASSIN AND RICHARD RECHTMAN)
16. The will to power( FRIEDRICH NIETZSCHE)
17. On the Genealogy of Morality(NIETZSCHE)
18. Hegel’s Phenomenology of Spirit (LUDWIG SIEP)
19. Stars, Seasons And Weather in Somali Pastoral Traditions( MUSA H.I.GALAAL)
20. An Enquiry Concerning Human Understanding (DAVID HUME)
21. The secret State (Divid )

REPORTS
– The Iraq inquire.
– Investigative Report on the Terrorist Attacks on U.S. Facilities in Benghasi, Libya, September 11-12, 2012. (U.S. House of representatives 113th Congress. November 21, 2014.
– Annual report of Congress 2003.
– Annual report of Congress 2004.
– Annual report of Congress 2005.
– Annual report of Congress 2006.
– Annual report of Congress 2010.
– Annual report of Congress 2011.
– Annual report of Congress 2013.
– Annual report of Congress 2014.

BUUGTA SOOMAALIGA
Buugta Afka SOomaaliga ku qornaa ee aan akhriyay sannadkaa waxa aan muunad ahaan uga soo qaadan karnaa, kuwan;
– Taariikhda Soomaaliya” Dalkii Filka Weynaa ee Punt” ( MAXAMED IBRAAHIM LIIQ-LIIQATO)
– Go’aan iyo Gobonnimo (CALI CABDI COOMAY) Sooyaalkii Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar “AHN”
– Aaya-reeb, Kab-dhexeeye (IBRAAHIM AXMED CALI) Sooyaalkii Xeer Ciise
– Fatuux Al-xabash ( Turjumaaddii AADAN XASAN AADAN “BELELOO” IYO MAXAMED CABDILAAHI RIISHAASH)
– Hangool (MAXAMED AADAN TARABI) Suugaantii Abwaan Aadan Tarabi Jaamac.
– The Art of the War( DR. AADAN XASAN AADAN)
– Shan-daranley (AXMED CALI GARAS) Sheeko jeceyla oo aad u xiiso badan.
– Af-dhaab (CISMAAN CABDINUUR XAASHI) Cilmi-baadhis afeed arragtiyo cusub daaha ka rogtay.
– Duco-qabe ( XASAN CABDI MADAR) Qayb ka mid ah sooyaalkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal “AHN”
– Miisaanka Maansada (PROF. ABDULLAHI DERIA GULED (ARRALE)

GORFEYNAHAYGII 2017
1.01. GORFEYNTA BUUGGA “DUCO-QABE”
“Buugga DUCO-QABE halgankii iyo Siyaasaddii Maxamed Xaaji Ibraahim CIgaal oo uu qoray Xasan Cabdi Madar. Lagu daabacay Hargeysa-Somaliland. Ay daabacday shirkadda Sageljet. Tarmintiisii koowaad la sameeyay 2016. Ka kooban 333 bog. Markii aan akhriyay wax ila qummanaatay in aan faallo ka sameeyo. Aniga oo inta karaankayga ah isku dayaya in aan si caddaaladdi ku jirto u lafo-guri doono buugga. In qalinka runta lagu sheegaa waa gobonnimo heerkeedu sarreeyo. Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee. Maxamed Xaashi Dhammac “Gaarriye” Wuxu yidhi:
“HADDII QALINKA LOO TUDHO,
WAX QORAALKA LAGA TAGO,
LAMA TAABBO-GELI KARO.” Buugga Hagar-laawe. Maansada Tanaad 1972. Bogga 201aad.
Sidaa darteed, ayaan qoraal kooban uga samayn doonaa anigoo niyadda ku haya murti-maahmaaheedda Soomaaliyeed ee tidhaa; Rabbow eex na ha igaga tagin, aqoonna ha igu caddaabin.
Hor iyo horraan ba waan bogaadinayaa Qoraha hawshan mugga weyn isku xilka saaray. Cigaal waxa ay ahayd in dawlad ama Hay’addi wax ka qorto. Hasa yeeshee, dedaal badan ayaa ka muuqda buugga, wixii iila muuqday in uu il-duufayna waan xusi doonaa. Goortaan akhriyay buuggan waxa jiray arrimo dhowr ah oo aan u arkay in habboon tahay in wax laga yidhaa. Sidaa awgeed, ayaan si kor ka xaadis ah gorfeyntaydan ugu taataaban doonaa. Haddii Rabbi i garansiiyo. Kuwaas oo kala ah; Buugga iyo aragtidayda, laga bilaabo oogada buugga, farriinta buugga. Qoruhu sida uu xigashooyinka iskaga dhawray, ama sida uu xilka iskaga saaray in uu sugo dhammaan ilaha uu soo xiganayo. Aragtidayda arrimo ahmiyad badan buugga u lahaan lahaa oo qoruhu il-duufay iyo guud ahaan dhalliilihii iiga muuqday intii aan akhriyay. Intaas kooban ayaan halkan ku wadaagi doonnaa.

OOGADA BUUGGA: jalleecada ugu horreysa ee Duco-Qabe, waxa aad arkaysaa in shaqo mug leh gashay nakhshadayntiisa. Foolka hore ee jaldiga waxa kaaga muuqanaya, oday Soomaali, reer magaalnimo iyo ilbaxnimo qoto-dheer ka muuqato. Suudh dhuxuli ah, shaadh-cad iyo xadhigga qoorta lagu xidho (Tia) guntiinkiisa xirfad heersarraysa ka muuqato. Waxa intaa weheliya muraayad-indhoodda aalaaba lagu yaqaanno ruug-caddaadiga cilmigu biyo dhigay. Madaxiisa waxa saaran koofiyad dambari ah; midabkiisa oo maarriin dhalaalaya ah, waxa sii bilay dhoolla-caddayn aanu ku talax-tegin. Hab maamuuska uu sawirka u galay, sida uu labada gacmood isku dhex galiyay iyo gacanta bidix oo uu ku xidhan yahay saacad dahabi oo widhwidhaysa.
Intaas oo arrimood marka la isku soo xooriyo, waxa kuu soo baxaya hab-maamuus madaxnimo oo dad cilmi leh ka soo talo bixiyeen in uu sawirka u galay. Ama ba Diyaar garow badan ka muuqdo.
Qofka aan Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal aqoonta u lahayn waxa iskugu fadhiisanaya sifooyinka quruxda badan ee aan kor ku xusnay ee sawirka jildhiga ka muuqda iyo magaca farta waaweyn ku qoran ee oogada jaldiga ku xardhan oo ah DUCO-QABE.
Jaldiga buugga oo aad u qaro-weyn iyo warqadda buuggu ku daabacan yahay oo ah xaashi-cas oo isha wax ka akhriyaysaa aanay suurto-gal ahayn in ay dhibsato. Iyo Maxamed Xaaji Ibraahim “Cigaal” oo ahaa hoggaamiye yoollahaa “Visionary Leader” oo dadkuna u jeellaanayeen in ay wax ka ogaadaan taariikh nololeedkiisa. Labadaa qodob ee aan kor ku xusnay ayaa ah awoodaha ugu waaweyn ee kugu riixaya in aad buuggan gudaha u sii gasho.

XIGASHOOYINKA BUUGGA: Mugga kalsoonida ee buugga waxa qayb libaax ka qaata nooca xigashooyinka uu cuskaday qoruhu. Si xatooyada hanti-maskaxeedka looga hortago ayaa adduunka Qalinka sida bakhtiga loo xaaraantinimeeyay qofku in uu adeegsado qurub xog ah ama sawir ah amaba fikir ah oo aanu lahayn isagoo aan sheegin cidda leh.

Buugga Duco-Qabe waxa intii aan akhriyay aan ku arkay warqado wareegtooyin dawladeed ah oo goobta ugu dhow ee laga heli karaa ay tahay “Xafiiska keydka Warqadaha Qaranka” oo buugga ku xusan tiradoodu waa (25) iyo Sawirro Iyana tiradoodu tahay (25) guud ahaanna tiradoodu waa (50) Intaas oo dhan qoruhu meesha uu ka keenay ama ka soo xigtay, buugga kuma sheegin. Hoos ka akhri meelaha ay ku yaallaan, sawirradaas iyo warqadahaasi;
Bogagga; 5, 16, 31, 45, 59, 61, 100, 142, 147, 149, 153, 156, 157, 159, 162, 166, 169, 173, 175, 186, 196, 199, 205, 213, 215, 222, 234, 242, 243, 247, 249, 253, 256, 273, 274, 280, 282, 285, 288, 316, 324, 325, 326, 327.
YAA WAX KA YIDHI MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL?
Qofka wax laga odhanayo marka uu yahay Maxamed Xaaji Ibraahim ama qof u dhigma taariikh ahaan, waxa ila habboon inta aan wax ba laga odhan in la is-weydiiyo yaa wax ka odhan kara? Dadka qaar in ay wax ka yidhaahdaan, waxa ay wax u dhimaysaa buugga laftiisa, xataa haddii ay yaqaannaan. Dadyowga wax ka yidhi ee buugga ku jira waxa ay u badan yihiin Isaaq oo ah jilib yar oo Ummadda Soomaalida ka mid ah. Waxa aan door u arki lahaa in Cigaal ay wax ka yidhaahdaan cid aan ahayn reerkiisa.

Dadka wax ka yidhi Cigaal ee buugga ku qoran waxa ka mid ahaa:
– Yuusuf Xaaji Aadan,
– Axmed Siciid Cige,
– Kornayl Sulaymaan Cumer-ku-joog,
– Aadan Muuse Jibriil,
– Bashiir X. Xasan Geele,
– Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax,
– Xuseen Axmed Caydiid,
– Cabdirisaaq Xaaji Xuseen,
– Cabdilaahi Maxamed Ducaale,
– Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan.
– Cabdi Ibraahim Jaamac.
Magacyadan kore marka aad aragto waxa kuu soo baxaysa dadkii Cigaal wax laga weydiiyay ama wax ka yidhi in ay u badnaayeen Reer Sheekh Isaxaaq. Aragtidayda Cigaal waa mid ka mug weyn Somaliland.
Aragtidayda fikirka kale ee aan isna ila mudnaa ee qoraagu il-duufay ama gafay waxa ka mid ah in aanu qoraagu dadkii wax ka sheegay Cigaal aanu ku darin Haweenkiisii.
Haweenku waa isha ugu xoogga badan ee laga heli karo xogo sugan oo ku saabsan shakhsiyadda saygooda ama odaygooda. Waxaana laga soo xigan karaa arrimo door ah aadna u xiiso badan. Marka la qorayo taariikh nololeed “Biography”
Waxa aan is-weydiiyay sababta aanu mid ka mid ah haweenkii Cigaal waxba uga weydiin taariikh nololeedkiisii. Isaga oo qoraagu buugga ku xusay, in uu Maxamed Xaaji Ibraahim “Cigaal” guursaday shan haween ah oo kala ahaa;
1. Caasha Siciid Caabi.
2. Adna Aadan Ismaaciil.
3. Xaawa Axmed Caynab.
4. Deeqa Maxamed Ciid.
5. Kaltuun Xaaji Daahir.” Duco-Qabe. Bogga 12aad.

Waxa aan akhriyay buugga uu qoray Obama ee magaciisa la yidhaa, “The audacity of the hope” Wuxu Mishaal Obaama ku soo daray hordhaca buugga, isagoo qoraalkiisa ku caddaynaya sida ay ugu samirtay ee ay ugu dul-qaadatay isaga oo aan wakhti badan la qaadan oo aad uga mashquulsanaa. Odhaahdaasi waxa ay furaysaa daaqad laga arki karo nolosha qoys ee Obama, sidaas oo kale ayaan u door-bidayaa in xog wanaagsan laga heli lahaa haweenkii Cigaal. Xogtaas oo aan ku baran lahayn, Cigaal kumuu ahaa wakhtiga Qoyska?
Haweenkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa ka mid ah Adna Aadan Ismaaciil oo aqoon-yahannad ah, waanan hubaa in ay dhacdooyin xiiso badan buugga macno-weyn u sameeya ay buugga ugu deeqi lahayd. Sidoo kale, Kaltuun Xaaji Daahir waxa ay wax badan oo ka sheegi lahayd Cigaal noloshii goorihii ugu dambeeyay. Fursad wanaagsan oo qoraagu dayacay ayaan u arkaa buug taariikh nololeed fursad u helay haweenkan oo kale… LA SOCO…

Aragtidayda CIgaal yaa wax ka qori kara?
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ahaa ruug-caddaa siyaasi iyo hoggaan gurgurshaa ahaa oo taariikhda ugu suntan indheer-garad, waayuhu laylshay. Erey qalaad haddaan damco inaan u adeegsado, wuxu ahaan lahaa “Super-natural” Aragtiday
Intastoo, aan jeclaan lahaa marka wax laga qorayo Cigaal in Dawlad ama Machad wax ka qoro oo aan shakhsi waxba ka qorin.

1.02. GORFEYNTA SILSILADDA MIIMLEY
MAHADNAQ
Mahad iyo ammaan Eebbaa mudan, nabad-gelyo iyo naxariis ALLE ha dallaalimayso Nebi Muxumed iyo ehelkiisa, asaxaabtiisa iyo guud ahaan dadkii raacay.
AFEEF
“Aniga oo ka warqaba in guud ahaan Soomaalidu aanay u bislaan ama ogolayn gorfeynta iyo falanqaynta. Gaar ahaanna, maansoleydu aanay uba baran in ay arkaan qof aragtida ay qabaan mid ka geddisan qaba. Aniga oo shantii sanno ee ugu dambaysay ku hawlanaa soo bandhigga dhaca hantida qaranka. Ummaddana u soo bandhigay hanti 80 guri iyo jago iskugu jirta. Si badheedh ahna farta ugu fiiqay ciddii hantidaa lunsatay. Hawshaana aan halkaa kaga hadhi doonin. Isla markaa, aan ogolayn in hantida ummadda cid gaar ahi ku takrifasho. Shaqadaa intii aan ku jiray dhibaatooyin badan oo kala jaad jaad ah kala kulmay, una soo dhabar-adaygay. Dadkuna marag ka ahaa.
Runta sheegisteedana aan cidna uga habran. Ayaan silsilid maanseeddan”MIIMLEY” fikirkayga xorta ah ka dhiibanayaa. Wali ba anigoo dareemi kara in ay dhibsan doonaan maansoleyda silsilad maanseeddan ka qayb qaatay. Sababtuna waxa weeyaan in dadka Rabbi hibada u siiyay in ay tix mariyaan badankoodu, ciddii fikir ahaan ka hor timaadda ay maanso sida hubka wax gumaada ugu adeegsadaan. Taasina waxa ay keentay in gar iyo gardarra ba la la doodin. Hasa yeeshee, innagoo goortan Qarnigii labaatan iyo koowaad ku jirna, in xorriyaddayda hadalka iyo cabbirka fikirkayga aanu xuub cabsiyeed ku dahaadhnaan doonin ayaan halkan ku xaqiijinayaa. Kalsooni buuxda ayaanan qofnimadayda ka qabaa, waxa aanan leeyahay awood aan ku dhagaysto wax aan dhibsanayo.
Maadaama, silsiladda ummaddu leedahay, oo danta guud lagu lafo-gurayo, qof kasta wuxu xaq u leeyahay in uu aragtidiisa sidii uu ku cabbiro kara ba ku cabbiro tix iyo tiraab.” Cabdinaasir Axmed Abraham.
HORDHAC
Silsiladdan waxa abyey Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” Ammin ku aaddan February. 12. 2017. Xaraf-raaceedu waa “M” Inta ogaalkayga ah waxa hadda soo galay 23 qof, iyada oo wakhti aad u kooban socatay. Waxa aanan filayn in ay jiraan dad raba in qorraxda ay gacantooda ku qariyaan. Kuwaas, oo ah maansoleyda qabta fikir ah in aan musuqmaasuq jirin.
Waxa aan sidoo kale aad u kala caddayn ula jeedka rasmiga ah ee maansoleyda garabka dawladda dhalliilay, sababtuna waxa weeyaan in ay gawl-gawlayaan hadalka oo mid ba wax u jeedo. In musuqmaamuq jiro dad badan baa og, joornaallada, mareegaha wararka iyo muuq-baahiyeyaasha ba waa lagu sheegaa. Haddaad is weydiisa intaa maxaa ka duwan ee sheegayaan…
Qoraalkan waxa aan ku idinkula wadaagi doonaa, taariikh kooban oo ku saabsan silsilidihii geyiga ka curtay bal si maansoleyda aan macnaha silsilad dhaaddanayn wax uga faa’iidaan.
Sidoo kale waxa qoraalkan aan ku soo bandhigi doonaa, meelo door ah oo aan ku saluugay silsiladda, aniga oo labada garab ee silsiladda ku hirdamaya mid ba gaarkiisa wax uga odhan doona.
Markii aan maansooyinka oo dhan wada dhagaystay, waxa iiga soo baxay in arriman hoose;
1. In maansoleyda silsiladda ku jirtaa da’yar u badan tahay. Kuwaas oo silsilad baa socota uun u soo galay. Isla markaa, aan xog ka hayn silsiladii geyiga ka curtay.
2. In maansooyinka silsiladda ku jiraa ay u badan yihiin qaar dhisme ahaan iyo macne ahaan ba jaban oo aan hal-aroor lahayn. Markii aan qaar ka mid ah qoray ee aan ku eegay aragtidii miisanka maansada ee “Gaarriye” waxa iiga soo baxay deel-qaaf badan.
3. In aflagaaddo iyo cay qaawan oo tiro beeshay la isku adeegsaday.
4. In yoolkii silsiladda maansooleyda ka qayb gashay badankoodu dacal-mareen.
5. In garabka dawladda dhalliilay uu kuwa ka soo horjeedo laaluush-cuneyaal ugu yeedhayo.
6. In garabka dawladda raacsan ee midigta fogi, kuwa ka soo horjeeda u haystaan “Qaran-dumus.”
Qodobba kale oo door ah iyo kuwaa maraggooda ba hoos ayaan ku xusi doonaa. Mar aan is-weydiiyay sababta keentay in silsiladdan goortan furanto, waxa ay weydiintaasi dhashay su’aalo kale oo door ah oo ay ka mid yihiin;
– Intan oo maanso-yahan ma dalka ayay ka maqnaayeen?
– Haddii ay joogeenna ma hadda ayay ku soo hambabareen in dalka la boobay?
– Ma imika ayuu musuqmaasuqu bilaabmay?
– Ma markii hore ayay dadkooda dhinac ka raacsanaayeen oo hadda goortan xukuumaddu cadceedda casar noqotay ayay ka daba-geynayaan wixii ay hore u odhan kari waayeen?
– Gabyaagii kale ee aan ku barannay in ay had iyo goor danta ummadda ka hadlaan oo aan ka magacaabi karo, Cabdiraxmaan Cashuur iyo dhiggiisu maxay uga muquurteen in ay ka qayb qaateen silsiladda?
– Haddii silsiladda oo aan wakhti yar socotay sidan qaawan la isku caayay, sii socodkeedu khayr intee leeg ayuu dhali karaa?

“Qof ahaan, maamuus badan baan u hayaa, guud ahaan maanso-yahannada SIlsiladda Miimley ku jira, gaar ahaanna, walaalkay Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” oo lahaa maansada silsiladdu ka dhalatay. Waan ixtiraamaa, waan jecelahay, qofnimadoodana ma saluugsani. Hasa yeeshee, waxa aan rumaysanahay in aan xaq u leeyahay in aan fikirkooda dhalliili karo, haddii uu qallooc iila muuqdo. Taasi macneheedu maaha in aan necebahay iyo in aan col nahay midna. Wakhtigeeda iyo bisaylkeeda marka la gaadho, laga yaabaa in ay igu hambalyayn doonaan in aan wakhti galiyay oo gorfeeyay fikirkoodii.
Silsilad kasta waxa ay leedahay, waayo u gaar ah oo wakhtigu maamulo. Sidaas oo kale, ayay u leedahay dadyow aragti darafyo iska soo hor-jeeda ka kala taagan. Tusaale Boobe iyo Idaajaa aragti kala geddisan ayay ka qabaan, silsiladda Deellay. Sidoo kale isna waxaa Gorfeeyay “Hawd” oo si wanaagsan uga faallooday. “Cabdinaasir Axmed Abraham.

ARAGTIDAYDA QODOBBADA AAN KU SALUUGSANAHAY SILSILAD MAANSEEDDA MIIMLEY
Haddii xagga Rabbi laga helo, waxa aan hoos ku qodobbayn doonaa arrimaha aan ku saluugay silsiladda. Kuwaas oo aragtiinkayga sida ay iila muuqadaan aan u soo dhigi doono.
1.01. ASLUUBTA HADALKA AYAY BAAL MARSAN TAHAY SILSILADDANI MA SOGOR-DOHNA
Guud ahaan hadalku wuxu leeyahay asluub, sarbeebtuna suugaanta way bishaa, silsiladihii geyiga ka curtay kuwooda ugu farshaxannimada badani waa ay sogor-dohnaayeen. In silsiladda dadku ay is-weydiiyaan ujeedkeeda Iyana xiiso gaar ah ayay dhalisaa. Silsiladdan Miimley hadalka wey qaawisay. Sidoo kale asluubta hadalka ayay ka weecatay.
Silsilad kasta kaalin-weyn ayay ku leedahay maansada ay ku bilaabmataa. Miimleyna waxa ay ku bilaabmatay maansada Mudduci ee uu curiyay Xasan Daahir Weedhsame. Labada meeris ee ugu horreeya ayuu nuxurka maansadiisa Xasan Daahir ku caddeeyay. Ka hor inta aanan idin la wadaagin, aan idiin taxo meerisyo kala geddisan oo iila muuqday in si qaawan loo dhigay. “CAKU! MUDANAHAYGII,
MOORYAANTU DHAANTOW,
DHIIG-MIIRTIHIIYOW!
Kii loo mushxaradee,
Isna nagu maqnaayee,
Quus nagu macsuumoow.” Xasan Daahir Isaaciil “Weedhsame.”

“Dekeddiyo madaarradan,
La xaraashay maantana,
Ragga macasha waaweyn,
Ma marwooyinkoodaa,
Diric iyo malkhabadiyo
Maryo luugu gadayaa.” Maansada Mitid. Yaasiin Madaale-

“Gofaniyo midhcaan jecel,
Markii talada loo cugay,
Iyagoon midhkaa qaban,
Misna gacanta mariyoo,
Maadhkii ku kala tagey,
Maan-gaabku isa tubay,
In ay ugu mushxaradaan,
Ayaan maanacee garo.” Maansada Maxas-taba. Faysal Axmed Xaashi.

“Masaasalad la dheel inaad tay,
Mujuruc la ciyaar gadh yeeshay,
Maqaaxi ka oy inaad tay,
Wax muujiyay maansadaada,
Maalaayacni heesiddaada,
Haddaad muran uun aloosto…” Maansada Mudaafac. Warsame Ciise.

“Maansooy carruuriyo,
Maqal iyo aboor baa,
Kugu meehanaabee,
Hadday kugu maaleeyaan,
Mijo-saar carruuraha.” Maansada Murdiso. Cabdi Cali.

Laba arrimood oo aan u tunsanahay in ay sabab u noqdeen qallooca hadalka ee maanso-yahannada silsiladda Miimley ku jiraa, waxa ay kala yihiin;
– In maanso-yahannada Silsiladda maanseedda Miimley ka qayb qaatay oo u badan raad-barad badankoodana maansadu la weecweecanayso.
– In maansada ay ka dhalatay silsiladda Miimley, ee la magac baxday Mudduci ee uu curiyay Xasan Daahir ay aad ugu yartahay Sarbeebtu. Waxa aan rumaysanahay qaabka uu hadalka u dhigay Weedhsame in uu jaan-gooyay qaab socodka silsiladda.

Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhame” wuxu yidhi:
“Macal-weynta boobkiyo,
Dhaca moodday xoogsiga,
Mudanaha dhimbiishiyo,
Boolida ku mayracay,
Xaaskiyo min-weyntii,
Ninka ma-hayo-mooggii,
Ubadkiisii maydhnaa,
Ku masruufay xaaraan,
Anigaa markhaatiya,
Mareegaale tuugiyo,
Ma naxaan inuu yahay,
Wax la yidhi;”Qof muuqdiyo,
Middi saawirroo taal,
Midna laga ma quustee.”
Halkaa haddii aan ku soo dhaafo, meerisyadii aan ka soo qaatay, maansadii Mudduci ee ay ka dhalatay silsiladda Miimley. Waxa aan ku xigsiin doonaa, maansooyin kale oo silsilado ka dhasheen. Bal aan ku horreeyo Maansadii ay ku bilaabmatay silsiladdii Siinley. Waxaan uga golleeyahay in aan fahan ka qaadanno saamaynta maansada silsiladi ka bilaabmataa ay ku leedahay maansooyinka kale ee silsiladda ku jira.
AAKHIRO
Xuurtoonka mawdkiyo,
Xaaladdaa dar moog baan,
Soo xusuusi leeyahay,
Xawaaraha adduunkiyo,
Daray xuuftu qaadaan,
Xiisa jabi is leeyahay.

Idam Allee xanuunkiyo,
Naartaada xoogga le,
Inta aad xurmeysee,
Ka xorooba aannu noqonnee,
Aakhiroy, xaggee baad naga xigtaa?

Maalinta xanuunkiyo,
Xaqqa mawdku soo galo,
Xabaasha iyo iilkaan,
Kugu soo xusuustaa,
Xiddigaha cirkee sare,
Inaad xubin ka mida tahay,
Inaad hoos u xulan tahay,
Dhulka xero ku leedahay,
Maan helin xogtaadee,
Aakhiroy xaggeebaad naga xigtaa?

In la xaabinaayoo,
Adduunyadu xayiran tahay,
Aan xawd la reebayn,
Waa xarafka Eebbee,
Inaad xuuralcayn iyo,
Janno iyo xareed tahay,
Dhanna xoladdo naariyo,
Xanuun iyo dhib uun tahay,
Xajiyaay ku maqalnaye,
Aakhiroy xaggeebaad naga xigtaa?

Inta gabadh xishoodliyo,
Nin xariira kugu maqan,
Ama geesi kugu xidhan,
Xaddi way ka badatee,
Inaad xaajo adag iyo,
Xisaab leeday maqallaye,
Xumaan iyo samaantaa,
Xaaladday ku noolyiin,
Maan helin xogtoodee,
Aakhiroy xaggeebaad naga xigtaa?
Xigasho: Yuusuf Cabdale Shaacir. Diiwaanka Silsiladda Siinley. Hargeysa-Somaliland-Sagaljet. Bogga.21-23.

Halkaa haddii aan kaga soo gudubno maansadii ay ka curatay silsiladda Siinley ee uu curiyay Cabdi Aadan Xaad “Qays” oo magaceeduna sida kor ku xusan ahaa; Aakhiro. Waxa aan u sii dhaafi doonaa, maanso kale oo iyana silsiladi ka dhalatay, silsiladdaas oo ahayd Deelley. Maansadan magaceeda waxa la yidhaa; DUGSI MA LEH QABYAALADI.
Waxa curiyay Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” (AHN) ammin ku aaddan 10.12.1979. Gaarriye goortaa wuxuu ahaa aqoon-yahan ka hawl-gala Akaadamiga.
Maansadani waxa ay ka hadleysaa “Dhibaatooyinka iyo naafooyinka ay qabyaaladdu Soomaalida gaadhsiisay. Wali ba wuxu soo noolaynta qabyaaladda ku eedaynayaa Maamulkii markaa jira. Waxa ay ku bilaabmaysaa;
Dig dhe deelka maansada,
Tixo dur iyo daabac ah,
Isku duubni wadarreed,
Ha ka dudo shan-xuubluhu!
Arrin waa la digogaray,
Doonyihii la raran jirey,
Markabbaa ka daba yimi,
Cirka haadda duushaa,
Ka duuduubte samadii,
Waxa helay dayuurado,
Deja baalashii yidhi,
Daacuunki firidhkiyo,
Daaniyihii dhaqaalaha,
Rag duraa ku soo baxay,
Kuwa daafka firidhkiyo,
Dableyaasha dhimanow,
Digtoonaada way kane!

Dersigaygu waa meel,
Taariikhda duugga ah,
Waxan ugu hor daabacay,
Xil damiirku qaadiyo,
Waa faral dushayda ah,
Qalinkiyo dawaaddaa,
Inaan fuliyo ii daran.

Nin qabyaalad doojoow,
Qoqonnimo waa cudur,
Haddii aad dux leedahay,
Bal docdaada uun eeg,
Inta dumar agoomo ah,
Inta darib nin lagu cunay,
Inta duul ku qaran-jabay,
Waxan uga dan leeyahay,
Debec yaa lahaayeey,
Maxaa degel ku baabba’ay?
Maxaa dhacay ummulo-doox?
1.02. SILSILADDA WAXA KU JIRTA CAY
Suugaanta sharafta leh ee gobonnimo hadasha caydu waa ka reeban tahay, mid ka mid ah dhalliilaha ugu waaweyn ee aan u hayo silsiladdan Miimley. Meerisyada hoos ku xusan aan akhriskooda balk u hakanno cabbaar.
“Mudanaha Afkeennee,
Dadku wada majiirtiyo,
Ma-dhallayska liitee,
Murankuun yaqaannee,
Maanso-yahannadeennii
Magacii ka dilayee,
Ereyada Malqacaddiyo,
Middi lagaga soo jaro.
Saaxiibkay malafsade,
Macal-cune wuxuu yidhi…
Alle maanka kaa qaaq,
Muxuu maati soo cunay. “Maansada Mucjiso, Eng. Maxamed Axmed Maxamed.

“Hadduu sida mawaashiga,
Doqon kugu MACAAC yidhi,
Xaal qaado miimyow.” Maansada Murdiso, Cabdi Cali.

“Magac dhawrstii iyo,
Dhaqankii masuulnimo,
Xilkaskiyo marwaadkii,
Maydhaamihiiyoow.
Haddaad malabka boolida,
Muudsatoo is qari tidhi,
Macal cune ma dhuuntee,
Kolay muuqan doonee.” Maansada Mudduci. Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”

1.03. GUBA IYO MIIMLEY MAXAY ISKAGA EEG YIHIIN?
Sisilad maanseeddii Guba iyo Sisilad maanseedda Miimley waxa ay iska shabbahaan sogor-doh la’aanta ama sarbeeb la’aanta. Hasa yeeshee, Guba waxa ay cudurdaar ku helaysaa wakhtigaa, ay ku soo aaddantay, qabiilku wuxuu ku jiray halka maanta Qaranku ku jiro. Haddii maansadii Mudduci ee ay ku bilaabmatay Miimley aan hore idiinkula wadaagay, bal haddana aan idin la wadaago maansadii Guba.
Cali Dhuux Aadan wuxu yidhi:
Doqonkii Ogaadeen ahaa doolo laga qaad,
Loo diid Dannoodiyo hadduu degi lahaa Ciid,
Niman baa dalkoodii xukuma labadii daarood,
Darratoole iyo Faafanoo wada duraabaya,
Deegaanta haradii ku taal daaqi mahayaan…
Wax ba yaan sii wadine, waxa aan uga gollahaa in aan muujiyo xidhiidhka ka dhexeeya labada silsiladdood ee Guba iyo Miimley oo labada baa ad meerisyada ugu horreeya ku garan karto ula jeedkooda.
Maadaama, maanso-yahannadii silsiladda ka qayb qaatay badankoodu soo hambalyeeyeen gorfeyntayda silsilad maanseedda Miimley, waxa igu dhalatay in aanan waxba sii raad-gurin gol-daloolooyinka silsiladda. Waxa aan se daymadaydii bidixda ee silsiladda Miimley ku soo af-meerayaa.Bogaadintayda Silsiladda Miimley wax yar aan xagga dambe marsadee, aan soo horreysiiyo qoraal kooban oo ku saabsan taariikhdii silsiladihii geyiga ka hir-galay.

TAARIIKH KOOBAN OO KU SAABSAN SILSILADII GEYIGA KA CURTAY.
“Ciwaankan sare waxa leh Yuusuf Cabdalle Shaacir, sida aan hoos ku xusay waxa aan ka soo xigtay buugga “Diiwaanka Silsiladda Siinley” ee uu qoray “Shaacir” Waxa aan se uga golleeyahay in aan fahan guud ka helno, taariikhda silsiladaha geyiga ka curtay. “ Cabdinaasir Axmed Abraham.

“Maansadaa wadaagga ku dhisani waxay mararka qaarkood noqon jirtay dood suugaaneed oo la isku xifaaleeyo, la isuguna baano. Marar kale na waxay noqon jirtay taxane mawduuci ah oo la isugu aftahammo dhigto iyo dhoolla-tus la isugu awood sheegto. Taxaneyaasha caynkaa ah ayaa waayadan danbe loo yaqaannaa Silsilad-maanseed.
1. HALAC-DHEERE: Silsiladda ku caan baxday ‘Halac-dheere’ meelaha qaarkoodna looga yaqaanno ‘Haabay’ waxaa la qiyaasaa in ay curatay intii u dhexaysay 1911 ilaa 1920. Waxay ka bilaabantay deegaanka Hobyo, laakiin waxa ay isaga dabqaadday Hobyo illaa Doolloiyo deegaanno kale oo ay ku faaftay.
Silsiladda ‘Halac-dheere’ oo halcelinteedu daarnayd xifaalayn, jareexo iyo mart-isoor, waxaa ibo-furay Cali Sharmaarke oo ka mid ahaa odayaasha deegaanka Hobyo waxaana ku kulmay gabayaagii waaweynaa ee xilligaa jiray qaarkood kuwaas oo aynu ka xusikarno Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Cali-Dhuux Aadan, Qammaan Bulxan Yuusuf iyo maansoyahannadii kale ee xiligaa noolaa.
2. GUBA: Curashada Silsiladda ‘Guba’ waxaa lagu male weyn yahay in ay ahayd hilaaddii 1923. Wakhtigaas oo ku beegnaa wax yar uun kadib jabkii ciidamadii Daraawiishta. Walow ay taariikhdu weriso in magaca ‘Guba’ uu ka horreeyay gabayadan hadda loo yaqaanno.
Silsiladda ‘Guba’ oo ay ku hirdameen gabyaagii calansideyaasha u ahaa maansoyahannadii wakhtigaas sida Salaan Carabey, Qammaan Bulxan, Ismaaciil Mire, Maxamed Fiin iyo gabyaa kale oo haldoorah. Waxaa ballaysimay Cali-Dhuux Aadan oo isaga laftiisu ka mid ahaa afyahannadii ugu tunka weynaa hal-abuurradii foolaadka ahaa casrigaas. Waxa aanay ka aloosantay balliga loo yaqaanno “Dannood.”
Guba waxay ahayd taxane maanseed xagtin iyo xajiin badan, waxa aanay ku socotay weji qabiil oo anafo iyo aabi badani ka muuqdo, taasina waxay si toos ah uga turjumaysay waayihii, duruufihii iyo hab-nololeedkii xilliyadaa dadku ku dhaqnaa oo sababay in gabayaaga ka qayb-galay uu noqdo qareen iyo afhayeen ka turjumaya noloshaas beelaysan.
3. SILSILADDA XAYDHA: Taxanaha maanseed ee ku magac-baxay Silsiladda Xaydhu, ku-sinnaan 1941 ayaa ay ka aloosantay Burco iyo hawdkeeda, waxaana curashadiisii sabab u ahaa wadar safar ahaa oo ardaa ahaan is xigta, balse waxaa afsaarta ka rogay Xirsi Caamir oo subag loo diray iyo dhaliishii ba’nayd ee kaga timid Weerar Cali Geelle oo ku eedeeyay in aanu wax habboon keenin. Kaftan qoonsimaad iyo garsoor ayaa lagu tilmaamaa in ay ku saabsanayd, laakiin mededaalo jidka iyo jidaasha la isku dhaafiyaana kama ay madhnayn. Iyada qudheeda waxaa isu hal celiyey maansoyahanndii xiligaa jiray qaarkood sida Xirsi Caamir, Weerar Cali Geelle, Maxamed Nuur Abokor “Huube”, Diiriye Aw Guuleed, Aar Xanduleiyo gabyaa kale oo waaweyn.”
Xigasho: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir” Sagal-jet-Hargeysa-Soomaalilaan. Diiwaanka silsiladda Siinley.Bogga 13-15.

SILSILADDA DEELLEY: Waxa ay ka curatay Muqdisho, goor ku aaddan 10.12.1979. Silsiladdani waxa ay socotay shan bilood iyadoo gaadhay meel kasta oo bulsho Soomaaliyeed ku nolayd; dalka iyo debidda ba. Sida laga garan karo magaceeda, qaafiyaddeedu waa “Deel” waana jiifto qurux badan oo ku marriiman sarbeeb iyo murti aad u qurux badan.
Haddii la tix-geliyo arrimaha ay ku saabsan tahay, dhambaalka ay xambaarsan tahay iyo quruxdeeda ba. Deelley waa suugaan dhaxal-gal ah oo siyaabo kala duwan u cabbiraysa xilli kaalin weyn kaga jira taxanaha taariikhda ummadda Soomaalida Sidaa dartee…
Diwaankani wuxu ka kooban yahay 67 maanso oo ay tiriyeen 49 qof. 48 nin iyo gabadh. Taariikhda suugaanta Soomaalida waa silsiladdii ugu tirada badnayd.”
Xigasho: Axmed Faarax Idaajaa iyo Ibraahim Cawad Khaali, Daalley, L’Harmattan Italia, 2001”
Intaas waxa aan ku dhaafayaa qoraalladii aan soo akhriyay soona xigtay ee ku saabsanaa Taariikhdii koobnayd ee Silsiladaha geyga ka curtay. Waxa aan ka dhowrsaday in aan qoraallo badan oo aan soo akhriyay halkan idinkula wadaago; sababtuna waxa weeyaan in aan qoraalkaygu aad u sii dheeraan, oo akhriskiisa aad dhibsataan. Waxa aan ku rajo-weynahay in Maanso-yahannada silsiladda Miimley ku jiraa ay wax ka dheefi doonaan akhriska qoraalkan kooban, wax badanna uga bixi doonaan qaabyaalka silsiladaha. Doodda ah silsilad maxaa shuruud u ah ama maxaa silsiladnimada maanso maxaa jabin kara, waxa aan u arkay in aan goortan fahankeedu dhoweyn.

BOGAADINTAYDA SILSILADDA MIIMLEY
Qof ahaan waxa aan bogaadinayaa guud ahaan wax kasta oo la-hal-maala xorriyadda hadalka. Hambalyadayda aan ku bilaabo maanso-yahannada dheddig ee tixaxaha aad ka u mugga weyn kaga qayb-qaatay silsiladda; In muddo ah ba waan tabayay in la helo maanso-yahanno soo tabiya waayaha iyo dareenka runta ah ee dhaqan-dhaqaale iyadoo lagu eegayo indho-haween.
Maanso-yahannada da’da yar ee tixihahoodii ugu horreeyay kaga qayb qaatay Miimley, si gaar ah ayaan u dhiiri-gelinayaa, waxa aana intaa ii dheer duco aan ugu ducaynayo in Rabbi ka dhigo kuwa hibooyinkooda Rabbi ku galladay “Xaqa ugu hiiliya”
Maanso-yahannada dawladda dhalliilay, marka aan daahirka xukunno waxa ay ahaayeen kuwa xaqa u hiilinaya. Musuqmaasuqa in lala dagaallamo, waxa laga qoro, wax na laga laga yidhaa tix iyo tiraabba. Sida aan kor ku xusayna hab- maamuuska iyo asluubta hadalka oo kaliya in la faajiyo oo wixii dhalliil ahna in si qurux badan loo gudbiya ayaa jeclaan lahaa, maadaama tix tahay oo hadhayso.
Meerisyada iyo tuducyada aan u guuxay ee Miimley waxa ka mid ah:
“Macaariifta badanee,
Magaca ii taqaanniyo,
Intaan muuqa kamarada,
Miidhiya ku kulanniyo,
Inta heestan maqashiyo,
Muslimiinta oo idil,
Meel kastooydin joogtaan,
Salaan baydin mudantiin,
Malaha waabay daahdoo,
Muddaa layga sugayoon,
Ka maqnaa garoonkee,
Anna maanta iga qora,
Miimleyda wuxu yidhi:
Meecaad Galbeediyo,
Toddob muruqa laga furay,
Dal-maseeye Karan da’ay,
Dhulku helay masruufkii,
Uu MACBUUDKU siin jiray,
Caleemaha magooliyo,
Dhirta qaar ba waa midab,
Mudhacaanta gaabani,
Gaydhaha Maraagiyo,
Madheedh uma ekaatee,
Sow geed ba midhihii.
Hiddihiisu ma ahayn? “Maansada Minhaaj. Ibraahim Axmed Xasan “Sangal”

“Gobannimo ma magac baa?
Ma maqaal gon-daalaa?
Ma is moore-duug baa?
Ma ma-guurtaadii,
Toban qoys u moos baa?
Musuq iyo ma tuugaa?
Ma hankaaga maydhoo,
Hibashada maciinsaa?
Ma hagaasi maankoo,
Garashada maxbuus baa? Maansada Mudduci. Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”
“In-dhoweyd mariiqiyo,
Meereyaasha dunidiyo,
Malluugta iyo samadaan,
Ku mashquulsanaayoo,
Madhanta iyo ururkiyo,
Godka saxalku maro iyo,
Mareegaha xiddigihiyo,
Afagaallo muuqdaan,
Xilligay muquurtaan,
Maankaygu tabayoo,
Dabaylaha maraagiyo,
Maygaaga jabiyee,
Yaaraha la moodee,
Ma-hiigaanka saadshaan,
La mashaawiraayoo,
Midabbada darruurtaan,
Miqiyaas ku wadaayoo,
Maan-gad iyo kaliil,
Maskaxdayda gubaysoo…” Maansada Maandeeq. Cali Kayse Kabadhe.

“Aan maragga furo oon,
Isu kiin macneeyee,
Hooyo maagtay baan ahay,
Miciin weyday baan ahay,
Muruq-maal dhallaankiyo,
Maxasteeda korisoo,
Suuqa meerta baan ahay,
Ma haleelo heesiyo,
Suugaan midhkeedee,
Muunidaan gudaayoon,
Raadiyaa masruufkii,
Maatidu cunaysoo,
Milicdaan wareegaa,
Milix iyo xabuubiyo
Waxaan iibiyaa muus,
Kaaryoonaa miciiniyo,
Moodhar iiga dhigannoon,
Ku riixaa mataanaha…” Maansada Hooyo-maagtay. Layla-sagal Cali.

103. GORFEYNTA BUUGGA BARNAAMIJ SIYAASADEEDKA XISBIGA KULMIYE (2017-2022)
Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham
Kaddib ibo-furkayga Magaca Rabbi, haddii xaggiisa laga helo qoraalkaygan waxa aan ku lafo-guri doonaa buug yaraha barnaamij Siyaasadeedka XIsbiga Kulmiye ee (2017-2022) Waxa aan hore u gorfeeyay buuggii barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye ee 2010. Sidoo kale, waxa aan lafo-guray buuggii barnaamij SIyaasadeedka Xisbiga Waddani ee 2017-2022.
Anigoo ka mid ah dadka buugta loo qoray ama luugu talo galay in lagu qanciyo si ay raali uga noqdaan siyaasadda Xisbiga. Sidaa awgeed, ayaan xaq ugu yeeshay inaan wax iska weydiiyo, lafo-guro ama falanqeeyo buugta Xisbiyada Qaranka.
“Midho-daray haddaan beri,
Duuduub ku liqi jiray,
Doorkan waxaan hubsanayaa,
Dirxi inuu ku hoos jiro.” (AHUN) Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye.
Buuggan indho muwaadin xisbi kale siyaasaddiisa la ashqaraaran ku eegi maayo, iyadoo xisbiyada Qaranku ii siman yihiin oo aanan midna taageere u ahayn. Sidoo kale, aanan xubin midna ka ahayn ayaan lafo-gurkayga buuggan idin la wadaagi doonaa. Wixii gef ah ee ka dhasha aqoontayda iyo waayo-aragnimadayda oo Aaran ahna waxa aan marti idiinka ahay inaad iga cafisaan. Waxa aan se ballanqaadayaa in aanan ugu talo-gal ama badheedh ugu la kici doonin gef eex la halmaala.
“Rabbow eex ma tiraabine,
Aqoon ha igu cadaabin.”(AHUN) Gaarriye.
Qoraalkasta oo aan xisbi ka sameeyaa wuxu ararta dheer ugu baahdaa arrimahan dartood;
1. Axsaabta Qaran oo hab qabiil u dhisan, dadkuna u kala taageeraan hab reereed.
2. Waayo-aragnimo yaraan dhinaca kala afkaar geddisanaanta oo xisbiga buuggiisa aad wax ka qortaa ba u arkaayo cadaawad iyo xumaan.
3. Dadka oo aan aalaa ba iska baandhayn aragtiyaha xisbiga ay taageeraan oo inta badan duuduub uun ku liqa Iyana waxa ay dhalisay in qofkii wax badan iska weydiiya siyaasadda xisbiga uu taageerayaa uu Tuke-baal cad noqdo!

Intaa haddii aan afeef dhigashadaydii ku soo afmeero, aan ku sii durko u jeeddada aan qalinka ugu qaatay Buuggan. Buuggani wuxu soo baxay 2017. Shirkadda Daabacday lama xusin iyo goobta lagu daabacay ba wuxu se ka kooban yahay 111-bog.
Wuxuu ka kooban Todoba tiir kuwaas oo kala ah;
1. Tiirka Arrimaha Bulshada,
2. Tiirka Amniga iyo Nabadda,
3. Tiirka Dhaqaalaha,
4. Tiirka Garsoorka iyo Caddaaladda,
5. Tiirka Siyaasadda Arrimaha Dibedda,
6. Tiirka Horumarinta maamul-wanaagga iyo
7. Tiirka Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada.

Qoraalkaygani wuxuu tibaaxayaa bogaadin aan ku bogaadinaya barnaamij siyaasadeedka buugga intiisa aan u arko in ay u qalanto in la mahadiyo iyo inaan shaaciyo meelaha iila muuqda in ay gol-daloolooyin ka jiraan. Intaana waxa ii dheeraan doonta haddii xagga Rabbi laga helo wax iska weydiinta qodobbo aan hore u liqi waayay. Hasa yeeshee, dhnaca midig aan ka soo bilaabo.

BOGAADIN
Way innagu dheeraanaysaa, wakhti door ahna akhriskeedu ayaa innaga qaadan doono haddii aan damacno inaan bartan ku dhammayno dhammaan qodobbada bogaadinta u baahan ee barnaamij siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye buuggiisa ku qoran. Waxa aan se bartan ku tixi doonaa qodobbo halbawle ah oo aan la dhacay, isla markaa ku bogaadinayo xisbiga Kulmiye, wali ba in haddii hoggaanka dalka Alle gacanta u galiyo in ficil arrimahan loo beddelana aan u jeclaan lahaa. Waxa ka mid ah;

1.1.1. HELITAANKA WAXBARASHADA

1. Waxa uu hirgelin doonaa barnaamijka wax qorista iyo wax akhriska Qaranka. Hadafka barnaamijkuna waa in 80% muwaadiniinta JSL noqdaan kuwo wax qora, waxna akhriya sannadka 2020.
2. Waxa uu gaadhsiin doonaa qorista ardayda dugsiyada 70% sannadka 2022.
3. Waxa uu gaadhsiin doonaa waxbarashada ardayda saami ah in halkii macallin ba uu wax u dhigo 30 arday oo keli ah (30:1) marka la gaadho sannadka 2022.

1.1.2. TAYADA WAXNARASJADA

1. Waxa uu aasaasi doonaa komishanka Hir-gelinta Tayada Waxbarashada iyo Hal-beegga Heerka Waxbarashada ee Dalka si loo sugo heerka tayada waxbarashada ee la beegsanayo.
2. Waxa uu sugi doonaa in halbeegga tacliinta sare ee dalku waafaqsan tahay heerarka caalamiga ah.
3. Waxa uu dhisi doonaa laba(2) Dugsi oo ah Dugsiyada Tababbarka Macallimiinta.
4. Waxa uu ka dhigi doonaa dhammaan macallimiinta dalka kuwo gaadhsiisan heer jaamacaddeed ama sita shahaadada dugsiga Tababbarka Macallimiinta.
5. Waxa uu siin doonaa tababbar maamul dhammaan maamulayaasha Dugsiyada dalka.
6. Waxa uu dib u eegi doonaa Manhajka dalka si uu qayb uga noqday himilada 2022.

1.1.3. WAXBARASHADA FARSAMADA GACANTA

1. Waxa uu dhisi doonaa saddex (3) dugsi oo ah Dugsiyada Farsama Gacanta.
2. Waxa uu dayac tiri doonaa Dugsiyadii hore ee Farsamada Gacanta ee dalka.
3. Waxa uu samayn doonaa dugsiyo samayn doonaa dugsiyo bixiya waxbarashada farsamada gacanta ee haweenka.

1.1.4. MUSHAHARKA IYO GUNNADA MACALLIMIINTA

1. Waxa uu kordhin doonaa mushaharka macallimiinta dalka.
2. Waxa uu siin doonaa macallimiinta gunno ah 25% mushaharka macallinka, taasi oo dheer mushaharkooda, si mihnadda macallinnimada ay u soo galaan dadka kartida iyo aqoonta lihi.
3. Waxa uu siin doonaa gunno dheeraad ah macallimiinta dugsiyada ku yaalla meelaha miyiga.

1.1.5. CILMI BAADHISTA IYO HORUMARINTA

1. Waxa uu mudnaanta siin doonaa tacliinta sare, cilmi baadhista iyo Tiknoolijiyadda.
2. Waxa uu samayn doonaa sanduuq u gaar ah cilmi baadhista iyo ikhtiraaca wixii cusub , si loo maal gelin karo cilmi baadhista iyo ikhtiraaca jaamacadaha Qaranka.

1.1.6. DAL JACEYLKA (WADDANIYADDA)

1. Waxa uu hir-gelin doonaa waxbarashada dal jaceylka (Civic Education) oo aad u heer sarraysa laga soo bilaabo waxbarashada dugsiga hoose illaa dugsiga sare.

1.1.8. DHAQAALAHA WAXBARASHADA

1. Waxa uu u qoondayn doonaa 10-15% miisaaniyadda guud ee Qaranka waxbarashada.

GOL-DALOOLOOYINKA BARNAAMIJ SIYAASADEEDKA XISBIGA KULMIYE
Buuggu inta badan wuxuu ka hadlayaa hawl-qabadkii XIsbiga Kulmiye ee muddo xileedkiisii tagay, laba arrimood ayaa aniga igu adkaaday kala fahankooda, buuggu ma barnaamij siyaasadeedka shanta gu’ ee innagu soo foolka leh (2017-2022) ayuu ka hadlayaa? Mise wax-qabadkii Kulmiye ee muddo xileedkii dhammaaday? Si baad mooddaa arrimahani in ay iskugu cayn iyo bayd go’an yihiin. Waxa se aniga ila habboonayd in Kulmiye buug gaar ah u samaysto hawl-qabadkiisa, kanna uu ku ekaado barnaamij Siyaasadeedka Shanta gu’ ee soo socda shacabka lagu hananayo codkooda. Haddii taasi ay dhici weydo waa in buugga lagu taxo ballanqaadyadii suuro-gali waayay ee Xisbigu buuggiisii hore ku qoray, kuwaas oo sababta ay u qabsoomi weeyaanna la cilmiyeeyo. Waxa aad se mooddaa in xisbigu wixii wax qabad ah ee la sameeyayna ku faanayo oo buuggan(2017-2022) ay ku taxan yihiin, wixii qabyoobay ama dhalliil ahna ay ka ordayaan. Ceeb maaha oo Aadame kasta oo wax qorshaysta waxna way uga hirgalaan, waxna way ka qabyoobaan. Waxa qumanaan lahayd intaan buuggan la soo saarin in qalin qori (Pencil) la mariyo wixii ballanqaad ah ee hore xisbigu ummadda ugu sheegay wixii ka qabsoomay, maxaa se aan ka qabsoomin? Haddii buugta qorashadooda xisbigu uga dan lahaa uun arrimo qurux la hal-maala waa hagaagsan tahay inaan dib loo eegin, haddii se buuggu hage iyo khariirad aad raacayso yahay waa in aanad dheel-dheeliyine jidka aad jeexatay ku sugnaataa.
Anigoo buuggii hore ee barnaamij siyaasadeedka xisbiga ee (2010) soo akhriyay, una kuur galay bal in Xisbi xaakimku wixii buugga ku qornaa qorshe ka dhigtay oo wali ba sidii ay u kala mudnaayeen u kala hor mariyay iyo in waxqabadkii xisbigu DALAN-BAABI ahaa, maxsuulkii halkaa iiga soo baxayna noqday dharaar ba fikirka wanaagsan ee kuwii markaa middida daabkeeda hayay loo sheego ama ay iyagu u arkaan uun ay samaynayeen ee uu guud ahaan ba baal marsanaa qorshihii buugga ku yaallay ee ummaddu ku doortay.

Meelaha aragtiinkayga qofeed iila muuqday in gol-daloolooyin ka jiraan waxa ugu mudan;
B. Isku dheelitirnaan la’aanta wakhtiga muddo xileedka xisbiga oo haddii Alle ba ku guuleeyo noqonaya Shan sanno iyo ballanqaadka tiro beelka ee buugga ku qoran. Kuwaas oo aan ka soo qaadan karo;
 Dhammaystirka waddada Burco – Ceerigaabo.
 Dhammaystirka waddada Balli-gubadle – Hargeysa.
 Dhammaystirka waddada Sallaxley – Hargeysa.
 Dhammaystirka waddada Burco – Oodweyne.
 Dhammaystirka waddada Dawga-cad.
 Dhammaystirka waddada Arabsiyo – Alley-baday.
 Boorama – Lawya-cadd0.
 Berbera – Raari-buul.
 Burco – War-cimraan
 Waadaamagoo- Qori-lugud – Balli-dhiig
 Laas-caanood- adhi-caddeeye – Xuddun.
 Waxa uu u qoondayn doonaa 10-15% miisaaniyadda guud ee Qaranka waxbarashada.
 Waxa uu kordhin doonaa mushaharka macallimiinta dalka.
 Waxa uu siin doonaa macallimiinta gunno ah 25% mushaharka macallinka, taasi oo dheer mushaharkooda, si mihnadda macallinnimada ay u soo galaan dadka kartida iyo aqoonta lihi.
 Waxa uu dhisi doonaa saddex (3) dugsi oo ah Dugsiyada Farsama Gacanta.
 Waxa uu dhisi doonaa laba(2) Dugsi oo ah Dugsiyada Tababbarka Macallimiinta.
 Waxa uu gaadhsiin doonaa qorista ardayda dugsiyada 70% sannadka 2022.
 Waxa uu hirgelin doonaa barnaamijka wax qorista iyo wax akhriska Qaranka. Hadafka barnaamijkuna waa in 80% muwaadiniinta JSL noqdaan kuwo wax qora, waxna akhriya sannadka 2020. Iyo Qaar kaloo badan.
Hadda ba arrinta jaangooyada u baahani waa masalada (TIME AND SPACE) Dhammaan ballanqaadyada axsaabtu samaynayaanna si ay u noqdaan qaar runta u dhow waa ay qorshahooda dabar uga dhigaan amminta (Wakhtiga)

T. Arrimaha faahfaahinta dheeriga ah u baahan ee wali hadhku saaran yahay waxa ka mid ah; Arrinta tiirka shanaad ee buuggu ka hadlayo oo ah SIYAASADDA ARRIMAHA DIBEDDA.
Xoog iyo tamar Qaranku wuxu lahaa wuxuu iskugu geeyay arrinta siyaasadda dibedda gaar ahaanna aqoonsi raadinta. Hasa yeeshee, waxa aad mooddaa arrinta intaas oo wakhti iyo xoog ah la galiyay ay ahayd mid aan loo sahamin. Anigu waxa aan ka mid ahay dadka qaba in halka adduunkeenna ugu badan aan arrimaha dibedda galinnayno inaan arrimaha gudaha galinnaa in ay ka habboonaan lahayd.
5.10. WADA-HADALLADA SOOMAALILAND IYO SOOMAALIYA (p.95)
Siyaasaddii Xisbigii Udub ee ku wajahnayd arrinta wada-hadallada Soomaaliland iyo Soomaaliya in aan guul lagu diirsadaa ka soo muuqan garawshiyo Muqdisho ka yimaadda ayay tibaaxi jirtay. Hasa yeeshee, Xisbiga Kulmiye wuxu furay in ay bannaan tahay wada-hadallo dhex mara Hargeysa iyo Muqdisho. Wali se ma muuqato guul haba yaraatee laga gaadhay wada-hadalladaa, waxa aanan aad u saluugay in wali siyaasadda Xisbiga Kulmiye ee 2017-2022 ay innagu amrayso in wada-hadalladaa ma-dhallayska ah sii jiitamaan. Waxa aanan qof ahaan u arkayaa gole-ka-fuul ku timidday.

5.11. QURBE-JOOGGA (p. 95)
Qurbe joogta oo barnaamij Siyaasadeedka Kulmiye ahmiyad weyn siiyay sidoo kale toddobadii gu’ ee innaga tagay ee xisbi xaakimka Kulmiye xil iyo xoola ba iskugu daray Qurbe joogta waxa ay ila tahay inaan sidii ay ahayd looga faa’iidayn tamarta ku kaydan. Taasina waa arrinta sababta in ikhraaca ugu weyn ee Qurbe joogtu dalka keentay uu noqday MISHIIN BUNKA LAGU SAMEEYO OO DIBEDDA LAGA SOO IIBSADO. Haddii wax badan la iska weydiin lahaa si kasta oo looga faa’iidaysan karo waayo aragnimada ay qurbe joogtu ka dheefeen ummaddii ay la noolaayeen, kaddibna dadka looga faa’iidayn lahaa in uun baa guulo hor leh laga gaadhi karaa.

3.4.13. DHIMISTA SHAQO LA’AANTA
Dhimista shaqo la’aanta oo ahayd arrimihii ugu waaweynaa ee barnaamij SIyaasadeedkii Xisbiga Kulmiye sannaddii 2010. Waxa ay soo noqotay mar saddexaad runta haddii laga badheedho ma muuqato guulo lagu diirsan karo oo shaqo abuur oo Kulmiye sameeyay. Arrintan ka hadalkeedana ma daayo.

J. 352 QODOB BALLANQAADDO MUSTAQBAL AH HAL MAR HADDII ALLE IDMO MA RAACIN BUUGGU.

1.04. “WIXII IIGA BAXAY BARNAAMIJKA BUUGGA XISBIGA WADDANI…” Cabdinaasir Axmed Abraham.
“Rabbi baa mahad iyo ammaan idaylkeed leh. Ka hor inta aanan u gundo-degin hal-abaarka qoraalkayga oo ah: wixii iiga baxay buugga barnaamijka xisbiga Waddani, Hasa yeeshee, marka hore aan barbar uga istaago, suurto-galnimada eedaynta ah in aan xubin ka ahay ama si kale ugu jiro axsaabta kale ee Qaranka. Anigoo ah muwaadin reer Somaliland ah, qoraa iyo cilmi-baadhe madax bannaan, waxa aan hore u gorfeeyay buuggii xisbiga Kulmiye, sidaad darteed, baan si aan axsaabta Qaranka dhex ugu ahaado, buuggan Waddani na wixii iiga baxay uga odhanayaa.”
Laba isku kay qaban waayay
– Hor iyo horraan ba waxa isku key qaban weyday, barnaamijkan buugga xisbiga waddani waxa loo soo bandhigay oo lafo-guray 750 dhallinyaro oo aqoon yahan oo hal-beegga tacliintoodu iskugu jirtay Shahaadada Darajada Koowaad, labaad iyo saddexaad ee jaamacadda. Dhammaan aqoon yahankaasi hal iin ah oo buugga laga beddelo ama dib u eegis u baahan, kuma arkin, hasa yeeshee, buug aanay shaqo ba ku lahayn oo kii Kulmiye ah, ayay kun dhalliilood ku sheegeen! Halkaas na waxa iiga soo baxay laba-kun oo aqoon yahan oo Xisbiga ku jira oo aan awood u lahayn in ay caashaqa xisbiga ay u qabaan, inta ay meel ku xidhaan, dabadeed caqligooda adeegsadaan, sidaa na ku saxaan buugga xisbiga. Midhkaa bandhigii buugga iyo dooddii aqoon yahan ka aan ku dhaafo.

1. “Sidii ay dadkeenu ugu naalloodaan nabad waarta, sidii ay u dhisan lahaayeen bulsho gaadha barwaaqo iyada oo ku dhaqmeysa habka dimuqraadiyadda wada-tashiga ku dhisan, kuna salaysan dhaqanka Diinteena Islaamka ee Suuban.” Ereyga guddoomiya Xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” Raad-raac, Nudda 1aad Bogga 2aad Meeriska 5aad
“Waxa aan ku yar wareeray dimuqraadiyadda wada-tashiga ku dhisan, kuna salaysan dhaqanka Diinteenna Islaamka ee Suuban. Bal si aan u helo sida labadani isku qaadan karaan, waxa aan soo akhriyay, maqaal-cilmiyeedka (What Democracy is… And is not) oo si wada jira ah ay u qoreen, Philippe C. Schmitter iyo Terry Lynna Karl. Iyo buu kale oo uu ka mid yahay: Introducing Democracy; oo UNESCO dib u daabacday 2009kii iyo shan buug oo kale oo Dimuqraadiyadda laga qoray. Waxa meel iskugu iman waayay Dimuqraadiyad iyo Dhaqanka Diinta Islaamka. Waxa aanan u kala aqoon sanahay laba nidaam oo kala gaar ah, Dimuqraadiyaduna waa hab nololeed gaar ah, halka Dhaqanka diinta Islaamkuna nidaam dhammaystiran oo Garsoorkiisii, maamulkii dhaqaalaha, horumarkii bulshada iyo kala dambayntiisii oo dhan leh uu ka yahay.

Haddii Xisbiga Waddani ay leeyihiin waxa aan isku badhxaynaa Dimuqraadiyadda iyo Diinta Islaamka, waxa aan leenahay waxa ay noqon doontaa BAQAL ama Dacawo-ey. Nidaam noocaas ah na in aad dalka ku dhaqdaan ila qurux badna. Haddii sidaa aan u fahmay, ama hadalka Guddoomiyuhu ba u yaal aydaan u jeedinna waxa idiin furan inaan dooddiina ummaddii barnaamijkan aad u qorteen aad la wadaagtaan.” Cabdinaasir.

2. “Xisbiga Waddani, wuxuu ka dhashay dareen iyo go’aan ah in dib loo culo weelka siyaasadda, lana keeno dhiig cusub iyo maskax firfircoon oo lugu dardar-gelinayo xaqiijinta himilooyinka ummadda Somaliland. Wuxu albaab cusub u furayaa, da’yarta si ay xoogooda maskax iyo muruqba ugu dhisan lahaayeen dalkooda, isaga oo bulshada weynta ku hoggaaminaya hiraal iyo hiigsi midaysan; Bari, Badhtamaha iyo Galbeedba. “Ereyga guddoomiya Xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” Raad-raac, Nudda 2aad Bogga 2aad Meeriska 1aad

“Xisbiga Waddani dhiig Cusub hadda ma ka muuqdaa? Waxa ay ahayd weydiintii ugu horreysay ee markii aan isha ku dhuftay qoraalkan kore igu soo dhacday. Jawaabteeduna may soo daahine markii ba waan helay, waxa aanay noqotay Maya. Bal aan idinku qanciyo akhristayaal.
– Maxamed Biixi Yoonis,
– Ismaaciil Hurre “Buubaa”
– Xirsi Xaaji Xasan,
– Axmed Cumer Xaaji Cabdilaahi “Xarje”
– Maxamed Nuur Carraale “Duur”
– Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde,
– Siciid Sulub Axmed

“ARAGTIDAYDA BUUGGA” Cabinaasir Axmed Abraham.
Buuggan barnaamij siyaasadeedka xisbiga Qaran ee Waddani, sida aan kor ku xusay aragtiinkayga ayaan halkan idinkula wadaagayaa.
Buugga waxa iiga dhex muuqda laba arroom oo kaliya in uu ku dhisan yahay; waa midda horee, Buugga waxa aad mooddaa in laga soo dheegay buuggii hurdiga iyo cagaarka iskugu jiray ee barnaamij siyaasadeedka xisbigii Kulmiye, oo ay ku qoranaayeen wax badan oo ballanqaaddo qabyoobay ahaa, buuggaas Kulmiye oo 18 goor aan akhriyay, waxa kuu muuqanaysa in uu buuggan Waddanni daba socdo wixii buuggaa ku qornaa ee qabyoobay.
Waa arrinta labaade; Buuggani Waddanni wuxuu ku dhisan yahay oo bud-dhig looga dhigay gefef ay Xisbi xaakimku galeen. Labada qodab ayaa haddaad labada buug iyo siyaasadda dalka isku akhrido kaaga soo baxaya. Buugggaa hore ee Kulmiye laftiisu wuxu kudhisnaa Xisbigii Udub gefef uu galay iyo waxyaabo uu ka gaabiyay. Halkaa na waxa aan ka dheehan karnaa in aay jirin aragti xisbiyo qaran oo Siyaasad iyo aqoon bud-dhiig u yihiin.

Qodob ugu weyn ee akhriska buugga barnaamijka xisbiga Qaran ee Waddani iiga baxay waxa weeyaan; IN AANAY ISKU JAAN-GO’NAYN WAXA AY BALLANQAADAYAAN IYO WAKHTIGA AY HAYSTAAN. Adduunka wax kasta oo la qabanayaa wuxuu u baahan yahay wakhti lagu qabto, haddii saddexdan arrimood aanad u eeginna suurto-gelnimadiisu way yaraanaysaa.
1. Wakhtiga aad haysto.
2. Awoodda,agabka, xirfadda iyo aqoontaad leedahay ee kuu sahlaya in aad hawshan ku qabato wakhti xaddidan oo aad qorshaysay.
3. Mugga hawsha aad qabanayso. Taas oo u baahan daraasad iyo lafo-gur wakhti iyo aqoon ba la galiyo.

TUSAALE: Haddaan anigoo Ingineer ah aan adiga kuu imaaddo kuna idhaa, qandaraaskaaga dhismaha Sartaada aniga I sii, waxa aanan kuugu dhisayaa Sartaada oo 20 dabaq ah, muddo saddex maalmood ah! Sida taasi aanay suuro-gelka ugu muuqan ayay arrimaha buuggan Waddani ku qoranna u eg yihiin sababtuna waxa weeyaan in aanay isku dheeli-tirin wakhtiga ay haystaan ama muddo xileedka ay wax ku ballanqaadayaan oo shan sanno ah iyo waxa ay ballanqaadayaan oo aad u badan.
Maadaama aan heerka garasho ee dadka reer Somaliland aanu wali soo gaadhin in barnaamijka buugga xisbiga ay akhriyaan, kulana xisaabtamaan, dhib badan in aanay ku jirin ayay axsaabta Qaranku u arkeen in hadal aad u macaan oo badan luugu soo qoro buugta.

Xeel-dheere dhaqan aqool ah iyo gabyaa,waal Cabiraxmaan Cumer Cashuur aan ka soo dheegto maanso khusaysa qodobkan.
Wax loo bogo ka soo biiriyo, beesad kaan qabannin,
Midba haddaanu baash kuugu ool, bogogga taariikhda,
Oo aanad kula baayactamin, waxa badka u yaalla,
Midba wuxuu ku baanaa hadhow, waa u bannaantahay,
Bulshadaan ka helin madaxda aan ugu bushaaraynin,
Barri wax aanay fulinayn iyo been ay jecel yiin,
Kama na badow baxaan sacabiya iyo ciil barriinsaday,
Iyagoon ka baaran-deggin oon hubinin kiil-boodka,
Duulkii siyaasi aanay baran boodhan la hor yaacay,
Ee magacyo dhowra u baxshay ee wali ba buun-buunshay,
Ballankay muddaysteen, markuu baasha kala dhaafo,
Bal haddana saluugee qawaday, baanadda u dacastay,
Bayaankaa madmadow baa ku jira kooda baadila,
Mayska baqayo-roganaana waa goor kasta is-buri,
Iyo biimo kale igu gala xaal badh-qeydhin ahe,
MIYAAN BAALUQII WAAYO ARAG LOO BISLAAN WALI?

MABADI’DA GUUD
Maba’diida xisbiga si tartiib ah wax uga ma qori doono, ha yeeshee, qodobada mudan in aan wax ka idhaa baan is-dul taagayaa.

Xisbigu Waddani wuxuu:
– SUGAYAA SINNAANSHAHA BUUXA EE MUWAADINIINTA JAMHUURIYADDA SOMALILAND, KORRIINKA DHEEELI-TIRAN EE GOBOLLADA DALKA IYO SAAMI QAYBSIGA KURAASTA IYO KHAYRAADKA OO SI CADDAALAD AH LOO QAYBSADO. Qodobka 2aad. Mab’diida Xisbiga.

CABDINAASIR AXMED ABRAHAM. “Xisbigu wuxuu mabda’iisa ugu mudan ugu na horreeya ka dhigay, Sinnaanshiyaha, waxyaabaha uu muwaadiniinta ka simi doono wax aka mid ah; KHyaraadka dalka, Saami-qaybsiga kuraasta. Waxa aanu isla qodobkaa ku soo af-meeray in hab-Caddaalad ah loo qaybsan doono.

Aadamaha tagtadu waa dhaxalka ugu weyn ee uu haysto, xisbiga Waddani oo mid ka mid ah udubbada maba’diidiisa ka dhigtay caddaalad iyo sinnaan. Shalay, October.22.2016. Doorashadii M. xigeenka xisbiga Waddani oo ay u tartamayeen, Axmed Muumin Seed oo shan sanno guddoomiye ku xigeen xisbiga ka ahaa, isla markaa ahaa shaayadda rasaasta celisa ee xisbiga Waddani iyo Dr. Maxamed Xaaji Cali oo qurbe-joog ah ayay xisbigu u caddaalad samayn waayeen oo Axmed Muumin Seed ay si caddaan ah ugu yidhaahdeen, reerkaaga wax aka badan reerka Dr. Maxamed. Halkaa weydiinta weyn ee ku jirtaa waxa weeyaan, side xisbiga Waddani u si siman wax ugu qayb karaa, ugu na caddaalad samayn karaa dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland iyagoo shalay u kala eexday laba ilmaadeer ah, waa ; Axmed Muumin Seed iyo Dr. Maxamed Xaaji Cali’e?”

– HIRGELINTA KU DHAQANKA QAYNUUNKA IYO XEERARKA DALKA U YAALLA IYADOO LA DHAWRAYO XORRIYADDAHA AASAASIGA AH IYO BADBAADADA DADKA. Qodobka 3aad. Mab’diida xisbiga.

“Xisbiga Waddani wuxu dhawrayaa xorriyadaha aasaasiga ah, waa hadal macaan si ma se tagayaan hadalkan iyo dhaqanka xisbiga Waddani, sababtuna waa; In xorriyadaha aasaasiga ah ay ugu mudan tahay, xorriyadda hadalku; taasi oo haddii xukuumaddu ku xad-gudubto ay ahayd in asaxaabta mucaaridku ay ka hadlaan oo ka dhiidhiyaan. Xisbiga kulmiye markii uu mucaaridka ahaa, xorriyadda hadalku waxa ay gaadhay figta ugu sarreysa, goortan oo jara’iddo xidhan yihiin oo suxufiyiintii ugu tirade badnaa intii Somaliland jirtay la xidhay muddo xileedkii Xisbiga Kulmiye, arrintaa Waddani kama dhiidhiyin. Qoraal ahaan se waa arrin ay buuggooda ku darsadeen in xorriyadaha aasaasiga ah dhawraa; waana carrab dalableh haddii ficilkooda aanay ku jirin buuggooda na ay ku jirto.

COMMENTS