Baarcadeeye.com
Sagootinta sanadkii Hore (2017), Saadaasha iyo Soo dhawaynta sanadka cusub,2018
December 31, 2017 - Written by admin

Sagootinta sanadkii Hore (2017), Saadaasha iyo Soo dhawaynta sanadka cusub,2018
***************************////////**************/////******///*******
Ugu Horayn ilaahaybaa (SWT) mahadoo dhami ay u sugnaatay inoogu dhameeyay Nabad qabka sanakan ay saacadaha koobani ka hadheen …

Sandkii 2017kii waxaa uu ahaa sanad koobsaday maraaxiil badan oo kala duwan oo dalka ka dhacay kuwaasi oo tusaale ahaan kala ahaa
1.wuxuu ahaa sanad ay dalka ka dhaceen abaaro baahsan oo saamayn ku yeeshay dadkii reer miyiga ahaa kuwaasi oo ay xoolahoodii badidood ay kaga dhamaadeen abaartaa
2. wuxuu ahaa sanad uu dalka ka dilaacay xanuunka daacuun calooleedka( Vibrio Calorie ) xanuun kaas oo galaaftay muwaadiniin badan oo reer somaliland ah ku kula noolaa gobolada dalka oo dhan .
3. wuxuu ahaa sanad kii ugu adkaa ee shacabka reer somaliland mar oo ay isku weheshadeen
a) Abaaro
b) Xanuuno
c) Sixir Barar samayn ku yeeshay shacabka reer somaliland

4. wuxuu ahaa sanad ay xukuumadii talada wareejisay bisha ka hor ay dalka ka hir galisay Heshiisyo maalgalineed oo wajiyo badan leh .
5. wuxuu ahaa sanad ay dalka dorasho ka dhacaysay oo xasaasiyad badan lahaa , ugu danbayntiina doorashadii lagu kala guulaystay si xadaaradi ku dheehan tahayna la iskugu hambalyeeyey,
6.wuxuu ahaa sanad ay xukuumadii hore xidhidhay saxafiyiin badan kadib markii ay ka hadleen heshiisyo ay xukuumadii hore gashay iyaga oo ku sameeyay falanqayn iyo gorfayn .
7.wuxuu ahaa sanad ay nabad gelyadu aad u fiicnayd , wax colaad ahi kama dhicin dalka gudihiisa iyo xuduudaha midnaba
8. wuxuu ahaa sanad ay dhamaan shacabka reer somaliland iyo taageerayaasha xusbiyada qarankuba mid waliba uu ku taamayay Isbadel siyaasadeed
9. wuxuu ahaa sanad ay beesha caalamka ee inaga taageerta arimaha doorashadu ay inaga joojiyeen mucaawinadii ay ka qayb qaadan jireen arimaha doorashada kadib markii ay ka biyo diideen doorashada oo dhawr jeer dib u dhac ku yimid .
10. wuxuu ahaa sanad ay shacabku badi waayeen adeeg bixintii dawlada iyaga oo u sababaynayay inay masuuliyiintii xilka loo igmaday ay gabeen waajibkii loo diray inay gutaan.

Ugu Danbayn sanadkaasi wuxuu ahaa sanad adag oo shacabka reer somaliland oo ay iskugu biirsadeed sixir barar, abaaro, iyo maamulkii dawlada ee bil ka hor xilka wareejisay oo gabtay buuxinta baahida ay qabaan shacabkan ay duruufaha badani isku weheshadeen.

WAXAAN SOO DHAWAYAYAA SANADKA CUSUBEE 2018KA
********************/////////////////**********************/////////////////***

Waxaa sidoo kale soo dhawaynayaa sanadka cusub ee ay saacadaha koobani inooga hadheen, waxaan ku soo dhawaynaa gacmo furan , niyad san , iyo rajo wanaagsan waxaan ilaahay ka baryayaa inuu sanadkan inooga dhigo sanad barwaaqo ah , sanad ay umada islaamku ka baxdo dhibaatooyin badanoo haysta , inuu ilaahay ka dhigo sanad uu islaamku guulaysto amiin amiin.

SAADASHA SANADKA 2018
*********************************
waxaan sadaal kooban ka sii samayn doonaa saadaasha sanadkan soo socda insha allah

1. wuxuu ahaan doonaa sanad ay dalka ka dhici doonaan abaaro baahsan oo mar labaad dalka dib ugu soo noqda
2. wuxuu ahaan doonaa sanad uu dalku gali doono siyaasad ka duwan siyaasadii xukuumadihii ka horeeyay ay ku dhaqmi jireen
3. wuxuu ahaan doonaa sanad ay shacabka reer somaliland soo dhaweeyaan hormarada kala duwan ee ay xukuumada cusub ay dalka ka hir galiso iyo siyaasada wadaniyada ah ee uu madaxwayne muuse biixi ka hir galin doono dalka
4. wuxuu ahaan doonaa sanad meesha ay ka bixi doonaan koofiyad baclayaal badan oo siyaasada dalka iyo hormarkiisaba carqad ku ahaa …
5. wuxuu ahaan doonaa sanad ay mucaaridad aan sii buurnayn ay samayn doonaan shakhsiyaadkii siyaasada reeraha ku dhaqmi jiray kadib markii laga guuray nidaamkii xulashada reeraha ee ay odayaashu ka talin jireen
6.wuxuu ahaan doonaa sanad wax soo saar
7.wuxuu ahaan doonaa sanad ay siyaasada arimaha dibada somaliland ay wax badani iska bedali doonaan
8.wuxuu ahaan doonaa sanad ay siyaasada arimaha gudaha somaliland uu wanaagsanaan doono
9.wuxuu ahaan doonaa sanad sixir bararku hoos u dhici doono
10. wuxuu ahaan doonaa sanad dhalinyaro badan ay shaqooyin fiican heli doonaan iyada oo loo abuuri doono xirfado ayku shaqaystaan.
11. wuxuu ahaan doona sanad ay xukuumada cusubi noqon doonto mid qaranka u adeegta…… oo aanay noqonayn mid qoyska u adeegta..

Waxaan ku soo af meerayaa :-

Sanad waliba hoodiyo
Hawl iyo dhibaatiyo
wuxuu hadimo leeyahay.
Waa laga helaayoo
hadhow lagu xasuustaa.
Kii noo hagaagee
noqo loo han weyn yahay.

Dr-Abdihakim Said Muuse
Guul iyo Gobanimo

COMMENTS