Baarcadeeye.com
NIN YARAAN KU LOOFARAY WUXUU LUMIYEY RAADCEE!!!!!!
December 31, 2017 - Written by admin

Sidaynu wada ogsoonahay dhalin yaranimadu waa marxalad qaali ah oo ay waajib tahay in laga faa’iidaysto lana fahmo muuhiimada ay leedahay waana marxalad aan dib ku soo marayn mar haday ku dhaafto laba arrimood mid uunbaana ku sugaaya oo kaa qaadi kara marxalada dhalin yaranimada labadaasi xaaladood oo kala ah geeri iyo gabow, hadaad noolaato wakhti dheer gabowbaan ku daynayn ama geeri baan ku seegayn oo kaa qaadaysa dhalin yaranimada.

Dhinaca Nabigeenii Suubanaa naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee waxaa uu inoo sheegay inaau qofku maalinta qiyaamaha goobta uu taagan yahay ka dhaqaaqayn ilaa la waydiiyo afar arrimood oo kala ah.

1. Cimriigiisii wuxuu ku soo dhameeyay ama ku soo qaatay

2. Xoogiisii ama jidhkiisii wuxuu ku soo gaboojiyey

3. Cilmigiisii wuxuu kaga camal falay

4. Maalkiisii halkuu ka helay iyo halkuu ku biyey

Hadaba hadaynu soo qaadano qodobka kowaad ee uu nabigu inoo sheegay oo xooga waxaynu halkaa ka fahmaynaa in dhalinyaranimadu tahay marxalad qaali ah waayo waxaad leedahay xoogaagii oo dhamaystiran iyo caqligaagii oo jooga ama shaqaynaaya waxaad qabsan kartaa hawlo fara badan oo if iyo aakhiraba ah adigoo mar walba xoogaaga iyo caqligaaga taamka ah ku raali galinaaya ilaahay oo ku siiyey daacaadkiisana kaga faa’iidaysanaaya.

Qodobka labaad waxaa lagu dareensiinayaa ama uu xambaarsan yahay isaga laftiisu dhalin yaranimada waayo intaad shabaabka tahay waad qurux badan tahay waanad xoogan tahay waxaa lagaa rabaa inaad ilahay ugu mahad naqdo oo aad xoogaa iyo jidhkaaga is haysta ee aan soo qaloocsamin gabow awgii inaad ku cibaadaysato oo aad ilahay ku raali galiso.

Cilmiga laftiisa waa lagu waydiin wixii aad kaga camal fashay iyo halkaad marisay waayo cilmiga sharciga ah ee ilaahay ogol yahay waa diinta islaamka iyo mihnadaha dadka waxtarka u ah waxaana lagaaga baahan yahay in cilmiga aad baratay ee ilaahay ku fahamsiiyey aad isaga ku raali galiso oo aad ka baqato umadana aad barto oo aanay ahaan wax kula dhinta ama kula gabooba.

Dhinaca kale maalka ilahay ku siiyo waxaa lagaa rabaa oo lagu waydiin doonaa hakaad ka soo heshay ma xaraanbaa mise waa xalaal sidaa awgeed waxaa lagaa rabaa inaad maalkaaga ilaahay ku raali galiso.

Guntii iyo gabagabadii waxaa dhalinyarada laga rabaa inay wakhtigooda ka faa’iidaystaan oo ay uga faa’iidaystaan raali galinta ilaahay, aqoon barasho iyo inay wax soo saar xalaal ah la yimaadaan.

Nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raadcee!!!!!!!

W/Q : JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABUCIZA)

Jamaalsuxufi@hotmail.com

COMMENTS